Ninkii uu u haystay in uu la dagaalamayo ee isagu na uu feedhka u diyaarsaday, ayaa u sheegay hadal aanu filayn - in aanu dagaal u socon bal se uu doonayo wadahadal furan. Yaab bay ku noqotay qof aanu garanayn oo raba in uu la hadlo! Wuu se la yeelay in ay wada sheekaysan karaan.
Waxay ku jireen jeel si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla Maraykanka. Markii uu wadasheekaysigii u furmay, ayuu ninkii weydiiyey in uu wax ka yaqaanno Islaamka. Wuxu sheegay in aanu wax ba ka aqoon diinta Islaamka.
Wuxu ahaan jiray wiil ka dhashay qoys kiristaan ah, oo Kaniisadda tegi jiray yaraantiisii. Markii ay da'diisu ahayd 14 jir, ayaa waxa weydiimo iyo wareer ku beeray laba meelood oo isburinaya uu ku qoran Baybalka (Bible). Markii uu weydiiyey macallinkii Baybalka u dhigayey, wuu ka warcelin kari waayey oo wuu garan waayey! Waxa ku beermay weydiimo la xidhiidha diinta Kiristaanka. Wuxu bilaabay in uu sigaarka iyo khamriga cabbo, si uu isu illosiiyo weydiimaha maankiisa shidaya.
Wuxu noqday askari oo ciidanka ayuu galay, bal se weli weydiimihii ayaa daba socday. Xaaladdu way ku sii xumaatay oo markii danbe denbiyo ayuu galay, waa na sababta loo xidhay ee uu jeelka u galay.
Ninka uu jeelka kula kulmay ee Islaamnimada wax ka weydiiyey oo uu magaciisa ku sheegay, Cumar, oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Turkiga, ayaa markii ay is barteen wuxu siiyey turjumaadda Kitaabka Qur'aanka, si uu u akhristo. Muddo markii uu akhrisanayey ee ay wax badan u baxeen, dhinaca kale na uu is leeyahay: "Adiga oo Kiristaan ah oo caddaan na ah sidee baad Muslim u noqon kartaa?" Ayaa maalintii danbe, Cumar, wuxu ku casuumay salaad Jimce. Wuu ka yeelay oo wuu raacay, si uu soo arko sida loo tukanayo. Wuxuu ka soo bilaabay waysada, iyadoo Cumar uu u sheegayey waxa la sameeyo, ka dib na wuxu u sheegay in Imaanku khudbadda Jimcaha akhriyi doono oo salaadda loo kici doono. Intii ba wuu daawanayey ee uu ka boganayey ilaa la soo gaadhay Sujuudda, markaa ayuu qaatay go'aankii u danbeeyey ee ahaa "in uu Islaamnimada qaato".
heersare1.blogspot.com
No comments:
Post a Comment