Friday, October 10, 2025

Omar Yaghi: Saynisyahankii Falastiiniga Ahaa ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Kiimikada 2025

Omar Mwannes Yaghi, waa saynisyahan caan ah oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Kiimikada (Chemistry) 2025, isagoo lagu abaalmariyay dadaalkiisa horumarinta metal–organic frameworks (MOFs) — qaab-dhismeedyo kiimiko oo awood u leh qabashada kaarboon laba ogsaydh (CO₂); soo saarista biyo hawada lamadegaanka, iyo kaydinta tamarta nadiifka ah sida hydrogen.


Omar Yaghi, wuxuu ku dhashay 9 Febraayo 1965 magaalada Amman ee Urdun. Wuxuu na ka soo jeedaa qoys Falastiiniyiin ah oo qaxoonti ah. Carruurnimadiisii wuxuu ku soo koray nolol adag oo aan lahayn biyo joogto ah iyo koronto. Markii uu 15 sano jiray, ayuu u guuray Mareykanka, isagoo aan haysan shahaadada dugsiga sare iyo Afingiriisi xooggan, bal se wuxuu si tartiib ah ugu soo gudbay waxbarashada sare.

Wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay Hudson Valley Community College, wuxuu na ka baxay jaamacad University at Albany (SUNY), halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee kimistariga. Kadib wuxuu Masters iyo PhD ku dhameeyay University of Illinois at Urbana-Champaign.

Omar Yaghi, waxaa loo aqoonsan yahay aasaasaha reticular chemistry, taas oo ah cilmiga dhisidda qaabab molekular ah oo isku xidhan oo leh godad waaweyn. Shaqadiisa MOFs ayaa saameyn weyn ku yeelatay cilmi-baadhista deegaanka iyo xalalka isbeddelka cimilada. Qaababkan waxaa loo adeegsadaa nadiifinta hawada, ururinta biyo hawada ka yimaadda, iyo kaydinta tamarta nadiifka ah.

Wuxuu hadda ka shaqeeyaa Jaamacadda California, Berkeley, isagoo haysta kursiga James & Neeltje Tretter ee Kimistariga, isla markaana madax ka ah Berkeley Global Science Institute. Waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino badan oo caalami ah sida Wolf Prize in Chemistry (2018), Balzan Prize, iyo Mustafa Prize. Wuxuu sidoo kale xubin ka yahay hay’ado cilmiyeedyo sare sida U.S. National Academy of Sciences iyo German Leopoldina.

Sheekada Omar Yaghi waa mid dhiirrigelin leh — wiil Falastiini ah oo nolol adag ku soo koray, bal se ku guuleystay in uu noqdo mid ka mid ah saynisyahannada ugu saameynta badan dunida.

Aragtidiisu waa in sayniska iyo hal-abuurka cilmiga ah ay yihiin furaha xalinta caqabadaha waaweyn ee aadanaha, gaar ahaan isbeddelka cimilada.
Guushiisa Nobel Prize, waa calaamad muujinaysa sida aqoonta, kartida iyo adkeysigu ay qofka u gaadhsiin karaan heer caalami ah.


No comments:

Post a Comment

Omar Yaghi: Saynisyahankii Falastiiniga Ahaa ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Kiimikada 2025

Omar Mwannes Yaghi, waa saynisyahan caan ah oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel ee Kiimikada (Chemistry) 2025, isagoo lagu abaalmariyay dada...