Maxkamadda Ciidamada Qaranka ee Darajada Koowaad, ayaa shalay ku xukuntay afar (4) sano oo xabsi ciidan ah, Cabdinaasir Cabdi Cali, kadib markii lagu helay dambiyo la xidhiidha xirashada dharka ciidamada si sharci darro ah, iyo isticmaalka darajooyin iyo calaamado been abuur ah.
Dambiilaha ayaa la qabtay dhowaan, iyadoo ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) ay gacanta ku soo dhigeen, xilli uu sitay agab kala duwan oo la sheegay in uu ka xaday meelo kala duwan. Baadhitaan kadib, waxaa la ogaaday in Cabdinaasir hore uga tirsanaa ciidamada milatariga, bal se uu muddo ka hor laga ruqseeyay shaqada.
Taliska Booliska JSL, ayaa si adag uga digay in qof aan ka tirsanayn ciidamada qaybahooda kala duwan uu xidhto dharka ciidamada ama uu isticmaalo calaamadaha iyo darajooyinka ay leeyihiin ciidamadu, iyagoo ku tilmaamay fal noocan ah mid dembi ciidan iyo mid amni-darroba ah.
No comments:
Post a Comment