HeersareMuxumed
Ballanteennu waa fikir wadaag iyo falanqayn toolmoon
Tuesday, December 16, 2025
Monday, December 15, 2025
Sunday, December 14, 2025
Tuesday, December 9, 2025
Beautiful Reminder
Beautiful reminder — kindness in leadership isn’t weakness, it’s influence multiplied.
Saturday, November 29, 2025
Gabadha Uu Badbaadiyey Oo 25 Sano Ka Dib Guulaysatay Iyo Isagoo Dhacdadii Ka Sheekaynaya.
Sheekadan naxdinta, naxariista iyo geesinimada isku jirta, ayaa waxa soo bandhigaya nin badbaadiyey inan yar oo ku jirtay baabuur holcaya:
"Waxaan jiray 38 sano maalintii aan gabadhaas ka soo jiiday gaadhigii holcayay. Waxaan ka soo laabtay shaqo markii aan arkay qiiqa cirka isku shareeraya, waxaanan si degdeg ah u dhiftay bireegga. Waxaan furay albaabka anoo gariiraya, si dhaqso leh ayaan uga furfuray suunka kursiga, waxaanan dibadda ugu soo qaaday ka hor intaanu ololku sare u kicin.Gawaadhidii gurmadku waxay isku dayeen in ay helaan waalidkeed, bal se nasiib darro la ma gaadhin. Iyadu waxay gacanta igaga qabsatay jaakadayda sidii qof aan rabin in aan ka tago. Waxaan mooto ku daba socday ambalaaska ilaa cusbitaalka.
Maalmihii xigay, waxay noqdeen kulamo, waraaqo, iyo dad igu odhanaya inaan dib uga gurto. Laakiin mar walba waan iman jiray. Markasta oo aan soo muuqdo ayay aniga ii soo jiidaysay gacanta. Taas keliya ayaa i qancisay. Markii aanay la waayey qaraabo, waxaan saxeexay waraaqihii waxaanan geeyey gurigayga. Waxaan u iibiyey kursi-gaadhi, waxaan u diyaariyey qadada dugsiga, waxaan fadhiistay kulamada iskuulka, waxaanan qabtay shaqo kasta oo suurtagal ah si aan u daryeelo.
Waxay ku kortay Avery—gabadh caqli badan, deggan, oo himiladeedu cad tahay. Si adag ayey u tababaratay, imtixaan walba way gudubtay, waxay na rabtaa in ay u adeegto bulshada fursadda koowaad siisay. Waxay gashay akadeemiyadda, waxay na ku kasbatay badhiskeeda si sharaf leh.
Shan iyo labaatan sano ka dib, iyada oo taagan maalintii la gudoonsiinayay badhiska, ayay i eegtay oo tiri: “Aabbe, adiga ayaa i badbaadiyey, hadda ii ogolow aniga inaan ku ilaaliyo.”
Subscribe to:
Comments (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...
-
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiyey cashuuro ay dawladda Hoose boqolb...
-
Marka qof uu la kulmo caajisnimo (laziness) iyo joogtayn la’aan (lack of consistency) taasoo ka hor istaagta horumarinta noloshiisa ama sh...
