Thursday, February 20, 2014

Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Maadaama oo ay maanta ku began tahay 20ka bisha Feebarweri oo ku astaysan xuska maalinta dhalinyarada Somaliland laguna saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad.
Waxa farxad ii ah inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda qiimaha leh ee Dr. Aadan Yuusuf Abokor, laga soo bilaabo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.

Sunday, February 2, 2014

Hal-abuur Mise Hiyi-raac?

Hal-abuurnimadu waa wax ku yimaada aqoon iyo garasho xeel-dheer oo ilaahay ku mannaystay qaar ka mid ah dadkiisa. Waa hanti qofku meel kasta oo uu joogo wax kaga qabsado. Waa kayd koriya qanaacadda qofka oo ah mustanbeedka niyad-ku-noolaanshaha iyo imaan-qabka nooleed ee dadka. Waa masraxiyadda uu qofku ku muujiyo kartidiisa iyo hibada ku qarsoon. Waa habka fikir loogu beddelo wax shaqaynaya oo midho-dhal ah. Intan oo amuurood waxa ka oo horjeeda qof bilaa hal-abuurnimo ah kuna astaysan daba-socod, qishid, iyo dhallan-geddinta fikradaha iyo hal-abuurnnimada dadka kale kaas oo ku sifoobaya “hiyi-raac”.