Monday, December 12, 2016

HALKII AAN KA IMI 2AAD: Xalka Waxbarasho La’aanta Miyiga

Ku soo dhawaada soo saaristii 2aad ee documentary filimkii HALKII AAN KA IMI. Maadaama oo aan kii hore ku soo bandhigay  dhibta waxbrasho la’aanta miyiga oo aan tusaale ahaan u soo qaatay meeshii aan ku dhashay ee aa ku hana-qaaday (Dhooboweyne), qaybtani waxay xanbaarsan tahay xalal jawaab u ah dhibtii waxbarasho la’aanta ee deegaanka Dhooboweyne iyo miyiga kaleba.
Markii uu soo baxay HALKII AAN KA IMI 2AAD, afar bilood gudahood ayaa dadka deegaanka Dhooboweyne oo ahayd meesha aan filimka ka sameeyey waxay guddoonsadeen inay dhibtaa waxbarasho la’aanta ka tashadaan, isla markaana ay xal ka gaadhaan. Waxaana ay guddoonsadeen inay geed hoostii ood-dhigaan oo ay waxbarashada ka bilaabaan. Iyadoo wiilkii documentary filimkaa hore xuddunta u ahaa ee Mawliid Xasan Macallin na uu deeq waxbarasho helay.



cabdiheersare01@hotmail.com, heersare2009@gmail.com