Thursday, August 29, 2013

Nacdasha Iyo Khatarteeda


Nacdashu waxay ka mid noqotay cayda ugu isticmaalka badan ee bulshadeenna ku dhex faaftay. Waxa aad arkaysaa ilmo yar oo ku hadaaqaya; “Hooyadaa nacallaa ku yaal amma aabbahaa nacallaa ku yaal.” Wuxuu dhaqankan qarriban ka bartay bulshada uu ku dhex nool yahay oo ah macallinka labaad ee wax bara. Waxa se layaab leh oo sida oo kale aad arkaysaa hooyooyin badan oo caruurtooda ku leh; “Nacallaa aabbahaa ku yaal.” Waxay nacdalaysaa waa saygeedii, iyada oo u sii maraysa ilmaha yar ee ay dhashay. Waxa kale oo aad arkaysaa dad isku leh; “Nacallaa waxa aad tahay ku yaal, nacallaa ku dhalay, nacallaa wasiirtaa ku yaal, nacallaa wixii iska kaa dhalay ku yaal, nacallaa meesh aad ka timi ku yaal iyo nacdasha ilaahay kugu soo degtay.” 
 
Nebigeenna suubban ee Muxamed (NNKH) waxa ka sugnaatay in marka uu qofku wax nacdalo in nacdashaas albaabada samada iyo kuwa dhulka in la xidho. Dabadeedna ay dib ugu soo noqoto qofka, xoolaha amma xayawaanka la nacday oo haddii uu nacdashaa muddaystay way ku dhacday, haddii aanu se mutaysan waxay dib ugu soo noqotaa qofkii wax nacdalay. Halkaa waxa ka cad in aanay nacdashu meel madhan ku dhicin. Bal waxa aad xisaabisaan qof maalin kasta wax nacdalaya oo nacdaashii dib ugu soo noqonayso xaalkiisu sida uu noqonayo?
Nacdashu waa wax qatar ah oo wuxuu qofka la nacdalayaa amma ka nacdalaya ee ay dib ugu soo noqonaysaa mutaysanayaan in cadhada ilaahay ku dhacdo oo naxariista laga fogeeyo. Dhammaanteenna waxa aynu rajaynaynaa in aynu helno naxariista ilaahay kana badbaado cadhadiisa iyo ciqaabtiisaba.
Waxa kale oo nebigeenna suubban ee Muxamed (NNKH) xarrimay in xoolaha amma xayawaanka ma yeedhaanka ah la nacdalo. 
 
Haddaba, aniga oo ka duulaya nacdasha iyo khatarteeda ba waxa aan isku dayay in aan soo uruuriyo qaar ka mid ah xadiisyada uu nebigeenna suubban ee Muxamed (NNKH) kaga hadlay nacdasha:
    1- Saxaabiga Sayid binu Sabith ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay; “in nacdalista qofka muuminka ahi ay ka dhigan tahay dilkiisa oo kale.”
    2- Saxaabiga Abii Hurayra ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay; “ Uma haboona qofka muuminka ah inuu ahaado mid wax nacdala.”
    3- Saxaabiga Abii dar-daa ilaahay raalli ha ka ahaadee wuxuu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yidhi; “Ma noqon doonaan kuwa wax nacdalaa kuwo shafeeco-qaada iyo kuwo shahiidiin noqda maalinka qiyaamaha.”
    4- Saxaabiga Samura Binu Jundub ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yidhi; “Ha isku nacdalina nacdasha alle, cadhasiisa iyo Naarta.”
    5- Saxaabiga Ibnu Mascuud ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yidhi; “Muuminku ma aha mid dhaleecayn badan, nacdal badan, xumaan iyo dhac-dhac badan.”
    6- Saxaabiga Abii dar-daa ilaahay ralli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yidhi; “Adoonku marka uu wax nacdalo waxa ay fuushaa nacdashaasi Samada, waxa laga xidhaa albaabada samada inta aanay gaadhin samada, ka dib waxa ay u soo laabaataa xagga dhulka waxaa laga xidhaa albaabada dhulka inta aanay soo gaadhin, ka dib waxa ay u kacdaa midig iyo bidix, dabadeedna ma hesho meel ay gasho kadibna waxa ay ku soo noqotaa kii la nacdalay xagiisa haddii uu muteystay waa ay ku dhacdaa, haddii kalena waxa ay ku soo noqotaa kii yidhi.”
    7- Saxaabiga Cimraan Binu Xuseyn ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay; “Xilli uu Rasuulku SCW ku dhex jirey safaradiisa mid ka mid ah oo ay gabadh ansaarta ka mid ahi saarneyd hasheeda ayaa waxa isku soo istaagtay hashii, ka dibana way nacdashay. Dabadeedna Rasuulka (SCW) ayaa maqley waxaanu yidhi 'ka qaata waxa idiin saaran iskagana taga hashaas waayo waa ay nacdalantahay'e.
    8- Saxaabiga Cali Binu Abii Daalib ilaahay raalli ha ka ahaadee waxa uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yidhi; “ Ilaahay ha nacdalo qofka ilaah qeyrkii u gawraca, ilaahay ha nacdalo qofka labadiisa waalid nacdala, ilaahay ha nacdalo qofka beddela calaamadaha dhulka, ilaahay ha nacdalo qofka hooya (hoy siiya) midka diinta wax ku soo dara.”
Inta aynaan u gudbin xasiiska u danbeeya waxa aynu soo qaadanaynnaa aayadan sida guud u sheegaysaa cidda sida guud loo nacdalay: “nacdasha ilaahay ha ku dhacdo lunsaneyaasha (diinleyaasha)” suuratul Huud.
    9- Waxa saxeexaynka ku sugan in uu Rasuulka ilaahay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee laga soo weriyey in uu yidhi; “ Alle ha nacdalo gabadha timaheeda timo kale ku tidicda iyo ta tidicdaba, Alle ha nacdalo tuugga xadaya xabad beed ah, Alle ha nacdalo yuhuud maxaa yeelay waxay ka dhigteen qubuurihii anbiyadooda Masaajido, Alle ha nacdalo Ragga isu eekaysiinaya Dumarka iyo dumarka iyagu isu eekaysiiya ragga.”
Waxa mahad gaar leh dhalinyaradan oo ka qayb-qaaatay turjumaadda axaadiistan: Cabdixakiim Maxamuud Axmed, Mawliid Daahir Xirsi, Cabdibaasid Cabdillaahi Ismaaciil iyo Ismaaciil Yuusuf Cabdiraxmaan.
Waxaana aad axaadiistan ka helikartaanta: Kitaabta Riyaadu-saalixiinka, bogagga 441-443.



Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office
http://heersaremuxumed.blogspot.com/

Thursday, August 15, 2013

Bandhiga Caalamiga ah Buugaagta oo furmi doona Jimcaha berri


Berri 9.00 subaxnimo ayaa loo ballansanyahay in Guriga Shaqaalaha ee farasmagaalaha magaalo madaxda Hargeysa laga furo bandhiggii buugaagta. Lixdii sano ee la soo dhaafay buu Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, baaxad iyo qiimi ba, soo samaynayey horukac isdaba-joog ah. Mana aha oo keli ah hadda meel haldoor ah oo uu leeyahay fanka Soomaaliyeed e, isla markaas waa mid ka mid ah dabbaaldegyada suugaaneed ee ka dhaca geeska Afrika, kuwa ugu ballaadhan.
Yoolka u mudan ee bandhigga waxaa ka mid ah horumarinta dhaqanka akhrinta iyo qoridda ee dalka ka jirta, iyo soo bandhigidda buugagga qoreyaasha dalka iyo adduunka kaleba, ku-dhiirrigelinta dadweynaha in ay u daawasho yimaaddaan oo akhriyaan buugaagta lana kulmaan oo la sheekaystaan qoreyaasha iyo fannaaniinta. Himiladu waa in ay dadka dhallinta ahi helaan dhaxal aqooneed oo maskaxdooda ku baraarujiya noolaynta qaababka halabuurnimo ee uu aadamigu isku cabbiro, sida sawir-gacmeedka, maanso-tirinta, sheeko-marinta iyo curinta sheeko-masraxeedda.
Bandhigga caalamiga ee Buugaagta Hargeysa waxaa sharaf u ah in uu martigeliyo, waxqabadkoodana dadka soo hordhigo qoreyaal, warfidiyeenno, hal-abuurro, culimo, fikireyaal madaxbannaan iyo fannaaniin heer caalami ah, iyo shakhsiyado dawlado ka socda iyo diblomaasiyiin. Sannadkii kan ka horreeyey waxaa sharaf noo ahayd in aanu soo dhaweyno Nadiifa Maxamed oo ah curiyaha buugga sida weyn loo qiimeeyey ee “Black Mamba Boy”; iyo Mary Harper oo ka tirsan BBC, qortayna buugga “Getting Somalia Wrong”; Dr Georgi Kapchits, af-yaqaan ku xeeldheer aqoonta afsoomaaliga; Saciid Saalax oo ah macallin iyo curiye maansada heesaha soomaaliyeed; Matt Baugh oo ah Danjiraha Ingiriiska u fadhiyey markaa Soomaaliya, madaxa DFID Soomaaliya Joana Reid, madax ka socotey safaaradda ay UK ku leedahay Itoobbiya, ee Somaliland na qaabilsan; Maxamud Sheekh Dalmar, aqoonyahan ku xeeldheer diinta islaamka ahna warfidiyeen la yaqaanno; Helen Conford oo ka tirsan shirkada buug-faafinta ee Penguin; Evan Christopher oo ah hoobal jazka tuma iyo marti kale. Sannadkan waxaa na farxad-gelinaya soojiidashada mudanka maansoyahannada iyo maalgeliyeyaassha oo isa soo taray marka loo eego sannadkii hore. Martida sannadkan iyo buugaagta cusub ee lasoo bandhigi doonnaa waxay ku taxan yihiin barmaamijka sannadkan ee qoraallada danbe ku xusan.
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, bilowgiisii ilaa haddadan, waa goob halabuur oo kulmisa fannaaniinta dalalka jaarka; sannadkan na waxaynu arki doonnaa fannaaniin iyo qoraayo ka socda Kiiniya, Soomaaliya, Jabbuuti, Nayjeeriya iyo Itoobbiya oo soo jeedinaya waxqabadkooda ay kaga qayb-qaadanayaan doodda fikirka iyo fanka ee sida qotoda leh uga socota qaaradda Afrika. Waxa ayana iman doona wafdiyo reer Yurub iyo Ameerika ah, ayna ku jiraan qurbojoogga Somaliland iyo Soomaaliya iyo dad ah hormoodka ganacsiga.
Bandhiggu waxa uu dooranayaa dalka marti sharafka bandhigga noqonaya. Waxaanu aad u xiisaynaynaa aqoontooda iyo wacyigooda ku saabsan dhismaha siyaasadeed, dhaqanka iyo suugaanta dalalka Afrika. Sannadkan marti sharafku waa dalka Kiiniya oo ay inooga imanayaan dad ina la wadaaga haldoorrada dhaqanka iyo suugaanta dalka Kenya.
Haddaba Redsea iyo bahdoodu waxay ku faraxsan yahiin in ay kugu martiqaadaan Bandhigga Buugaagta ee sannadkii lixaad Hargeysa lagu qabanayo, oo dhici doona 16ka ilaa 21ka Ogos, 2013, waxana iyaga iyo martida isaga iman doonta daafaha adduunka iyo kuwa dalka joogaaba ay idin leeyihiin gacmo furan kusoo dhawaada.
heersaremuxumed.blogspot.com/

Thursday, August 8, 2013

Dawada Hammiga iyo Qammiga; Qalinkii, Sheekh Jaabbir herbalist


Add caption
Hammiga iyo qammigu waa laba aafo qalbiga ku dhaca halka faraxa iyo badhaadhuhu ka yihiin raaxadiisa. Waxaana hamiga lagu fasiraa inuu ka dhigan yahay dab iyo bayl ku kacay jidhkoo dhan dushiisana kasoo muuqday,marka uu qofku muhiimada saaro arrimaha ku wayn xagiisa, marka ay taasi dhici waydo ayuu bilaabmaa qamiga oo lagu fasiro inuu yahay dabkii oo dib ugu noqday gudaha hoose ee jidhka iyo xubnaha muhiimka ah oo ugu horeeyo qalbigu Waxaa taas ka dhalata inay kacaan dabeecadaha hoose ee hab dhismideedka wada socod ee jidhka sida walxaha dareere ee kala socdkiisaya xubnaha madaxa banaan ee aynaan maamulin joojintooda iyo dhaqaajintooda sida wadnaha iyo caloosha oo kale,kuwaas oo 67% isticmaala dhareero qadhaadh.

Marka ay kuwaasi kacaan ee ay dhaafaan xadkooda waxay keeni karaan dhimasho degdeg ah hadii ay gaadhaan 82% Sababtoo ah waxaa jira fashilan lasoo darsay rabitaanka xubno u oomay inay gaadhaan natiijooyin aan la hubin, taasi oo adiguba aad dareemayso garaaca wadnahaaga oo sare u kacay iyo naxdinta jidhku ku qaboobay hadii aad sugayso masalan natiijo ay dhici karto inaanad ku guulaysan, sidoo kale iyadna waxaa jira in caloosha lagu maroojiyo oo aad ku dhawaato shuban inuu kagu dhaco ama aad dareento dhidid waawayn oo dhafoorkaaga kasoo booday xattaa hadii ay tahay waqti dhaxan ah, dadka qaarna way gariiraan sida dumarka ama da.da wayn ee raga Dhamaan waxaasi oo dhami waa qaar kamid ah calaamadaha lagu garto inaad halis gashay oo aad ka baxsan tahay dariiqyadii caadiga ahaa ee nolosha degan.
Hammiga iyo qammigu waa laba cudur oo ka bilaabma ilaa marka uu qofku gaadho 12 sanno ama 16 sanno qoloba siday aaminsantahay kuwaasi oo aan lahayn xad ay qofka kaga hadhaan  iyo xili go,.an oo aamin laga noqon karo. waxayna safka hore kaga jiraan cudurada dilaaga ah ee saacad kasta galaafta intaas oo nafood halka ay dad badan qayrkood ka reebeen ee ay curyaamiyeen Hadii aanad garan doonin goortaad cirrowday garo goortaad hamiyayso ee aad qamiyayso, Hamiga iyo qamiga oo ay soomaalidu ku sheegaan warwar iyo walaac xaga isku fasirka ereyada ayaa la sheegaa inay ka dhigan yihiin warwarka oo qofka qabta intaanay natiijada umuuraha uu higsanayaa soo gaadhin waxay ku dhamaanna aanu ogayn halka uu walaacu ka yahay wax dhacay oo lagu guul daraystay ku guulaysigiisa. Cudurada noocan ahi waxay dilaan uur kujirta qofka sida beerka iyo wadnaha iyo inta ku xeeran kuwaas oo shaqada ay qabtaan ilaa hada macluumaad kasoo kordhaan balse la ogyahay inay yihiin saldhigyo haga ujeedooyinka qofka iyo damciisa qaabilsanyihiinna shaqooyin fog fog oo ka xeel dheer aragtida qofka iyo malihiisa.
Hammiga iyo qammigu waxay sameeyaan inay bedelaan muuqaalka sare ee qofka khaasatan shucuurta wajiga oo ay keenaan tiif iyo darxumo shaqasha qofka wajigiisa, taasoo markaaba la dareemo qofka wax ka siyihiin maalintaas in kastoo la kala adkaysi badan yahay oo dadka qaarkood ay kuu muujin karaan furfurnaasho iyo dabacsanaan iyagoo dhibban oo dabinta qaniinsan, khaasatan marka qofka ay isku dhacaan cida ay wada nool yihiin, ee uu masalan qoyskiisa kala kulmo buuq rag iyo dumar waxaana taas qarksan kara inta badan dumarka oo xattaa hadii ay lilmo leeyihiin dareeraysa dhoolo cadayn kara, caruurtuna waan la mid. Waxyaabaha lagu qiimeeyo waxbarashada ayay ka mid tahay inay qofka sare usoo qaado la qabsiga duruufaha nololeed ee is daba yaal, waxaana qofka la baraa farsamooyinka uu kaga bixi karo waxii lasoo darsa si uu dhabar adayg ugu yeesho hamiga iyo qamiga. Tarbiyada iyo korinta nololeed ee loo sameeyo qofka inta uu wax baranayo waa mid waligeedba la dhinac waday oon ka hadhin, si loo helo qof ku qalabaysan dabeecad dhexe oo laga hore mariyay siday u dhalatay   Aqoonta fiican ee uu qof ka gaadho xaga waxbarashada iyo shaqada waxay ku tustaa nolol waxogaa ka cimri dheer tan jaahilka ah ee baqashada badan Furfurnaanta iyo dad dhexgalka dadka ayaa ah iyadna dawo dheeraad ah oo lagaga gaashaanto inay meel kugu ootaan warwarka iyo walaacu. Waayo saaxiibtinimada ayaa ah tan kuu horseeda inaad kula galgalato oohintaada cid aad isleedahay way kaaga garaabaysaa xaaladaad ku sugan tahay… Nin waliba waxii dhibay dhafoorkay ku taalaa waa xigmad soomaaliyeed oo murti ku fadhida taasi oo ku tusisa in muuqaalkaagu nooga waramayo maalinba xaalkaaga hoose, Sida lagasoo wariyay cali ibnu abii daalib karrama allaahu wajhah,
Waxa uu yidhi khaliga rabbigeen waxaa u adkaysi badan binu aadamka waxaase ka adkaaday sakhrada caqliga badesha, iyadana waxaa kasii adag lulada, iyadna waxaa kasii adag hamiga iyo qamiga. Hamiga iyo qamigu waxay keenaan is ilaw lasoo darsa qofka ilaa heer waaliyeed oo qofku rasmiga uga tago rajada aanu hubin Dadka masuuliyadu saaran tahay ayaa had iyo jeer hadaf iyo yool u ah inay noqdeen bartilmaameedka cuduradan, kuwaas oo ku qudhbaxa ama u cimri degdega si halis ah taasi oo daraasadaha la sameeyay ay kaalinta koobaad galeen dadka ku jira loolanka aduunyo ee maamul iyo ganacsi leh. Kuwaasi oo ay ku dhoobaysatay aduunyadu inay maalinba si iskugu dhigto oo ay ku ciyaarto, waxaana la ogyahay inta nin ku maqan ee naxdinta joogtada ahi u sabab noqotay waana meesha ay ku kala duwan yihiin qofka aduunyadiisa dhaqda iyo kan aakhirodiisa dhaqda ee aan midba xad u samayn. Colaada nafta iyo shaydaanku galiyaan qofka waxay gaadhaa heer uu qofku hurdo iyo cuntoba ka go,o isagoo u muuqda si aanay indhuhu qaban karin oo liidata halka ay dad badan wad uga noqotay waxay naftoodu ka daba dhacday oo aan laga midho dhalin karin sida kuwa iska daba riday dhoof iyagoon is odhan horta muxuu rabigaa kuu qoray ee kuu qaddaray kuwaas oo nimcaday ku noolaayeen u qubay tu geed saaran oo aan la hubin isla markaana aan ogayn in rabbigeen aanu aqbalayn qofka aan ku qancin wuxuu siiyay iyo halkuu dhigay, runtiina waa dadka u baahan in hamiga iyo qamiga laga daweeyo si ay u gartaan inaanay sirta nololshu ahayn tacab fara badan iyo dedaal kaaga oo qudha   ee uu meesha jiro calaf iyo samir iyo qanaca waxa rabigaa kuu qoray iyo iimaan. Hamiga, Qamiga, warwarka, walaaca, buuqa, isla hadalka, yaabka, baqashada, iyo kuwo kale oo la nooc ah ama macno ah waxay gabigoodu faro baas ku hayaan dad badan oo aan u arag inay waxani cudur yihiin balse xanuuno kale uun iska baadha oo dawo u cuna kuwaas oo hadii ay joojiyaan maalin qudha xanaaqa iyo diiqadda ka bogsan lahaa waxay cudur qabaan oo dhan balse hadii aanu qofku dariiqii uu mari lahaa haysan waxa uu ka fogyahay inuu gaadho halkuu rabo. marka dawo loo soo doonto diinta islaamka waxay markaaba kusiin dawo isticmaalkeedu fudud yahay oo aan kaa rabin xataa inaad biyo ku liqdo sida tan uu rasuulku sheegay ee ka dawada ah hamiga iyo qamiga waxaanu rasuulku yihdi s.c.w hadii ay qof asiibaan hami iyo qami oo uu yidhi sedan allaahuma inii cabduka ibnu cabdika ibnu amatika naasiyatii biyadika maadin fiya xukmuka cadlun fiya qadaauka as aluka bikuli ismin huwa laka samayta bihii nafsaka aw ansaltahuu fii kitaabika oo calamtahuu axadan min khalqika aw istaasarta bihii  fii cilmilqaybi cindaka an tajcalal qur’aana rabiica qalbii wanuura basarii washifaa a sadrii wajilaa a xusnii wadihaaba hamii waqamii. Hadii uu sidaas yidhaa qofku waxa uu rasuulku s.c.w sheegay inuu ka tagayo hamiga iyo qamigu isagoo rabbigeen ugu badela farax iyo naxariis intaas ayaan kusoo koobayaa mawduucan dheer ee aan laga gayoon karin waayo waa arrimaha laga bixi karo oo qudha cod iyo qawl ee aan qoraalku qaadin waxaanan filayaa intii laga fahmi karo in rabbigeen inagu anfaco isagaa qaadir ah oo shaafiyi kara laabteena iyo quluubteena waxaana fiican in qofku iska jiro waxa u gaysan kara dhimasho degdeg ah oo soo boodo ah.
Sheekh Jaabbir herbalist

hoosiis@hotmail.com

Wednesday, August 7, 2013

Hanbalyada Ciidul-fidrida

Waxa aan hanbalyo u dirayaa guud ahaan ummadda muslimiinta, dadka reer Somaliland iyo inta ku hadasha afka Soomaaliga farxadda ciidul-fidriga, aniga oo idin leh ilaahay ciidan ciiddeeda ha innagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo nabalgelyo.

Waxa kale oo aan dadka kula dardaarmayaa in aan la dayacin lagana tegin cibaadadii faraha badnayd ee la samaynayay intii Ramadaantu socotay.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)
 

Sunday, August 4, 2013

Garawshiyo Mise Godob!?


Inta badan dadku waxay dhibsanayaan gardaradiisa, meel-ka-dhacyadiisa iyo khaladaadkiisa isdaba joogga ah. Wuxuu ka arradan yahay degenaanshaha iyo ka fiirsashada wax yaabaha qarribaya hab-dhaqanka suubban ee suurtagelinaya wada noolaanshaha bulshada. Waa qof mar kasta ku jira dirir iyo difaac. Dulqaadkiisa iyo cadhadiisu way kala awood badan yahiin oo waxa mar kasta hogaaminaya dulqaad yaraanta. Qofka astaamaha noocan oo kale lehi wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ku sifooba inay ku yar tahay garawshiyuhu, isla markaana xilli kasta ka qoomameeya godobaha uu galabsado.
Garawshiyaha iyo godobtu waxay doorar kala duwan ku leeyihiin nolosha maraaxilladeeda kala duwan. Waxay labaduba horseedaan guul iyo guul-darro la soo derista geeddi-socodka nololeed ee qofka. Inaad ku noolaato nolol dhawrsoon oo dhidibadeedu adag yihiin waxa hirgeliya “Garawshiyaha.” Inaad cidhiidhi iyo cuqdad ku noolaatana waxa abuura “Godobta.”
Qodobada garawshiyaha
1-fikir furan
2- feejignaan fiiro ku dheehan tahay
3- Ficil aan degdesiiyo lahayn
4- Garasho mugleh
5- Hal-abuurnimo iyo hubsasho
6- Go'aan qaadasho deggan iyo dul-qaad
7- Xaqdhawr
8- ka digtoonaanta xasaradaha godobta abuura
9- Xidhiidhinta iyo xod-xodashada toolmoon ee dadka
10- Iska ilaalinta xaasidnimada dadka kala fogaysa


Qodobada godobta
1- Dagaalka joogtada ah
2- Meel-ka-dhacayada iyo xad-gudubyada
3- Nacaybka iyo naxliga
5- Khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada
6- Ka-talinta masiibooyinka dadka kala dila
7- Ku tumashada xuquuda dadka
8- Xaqiraadda iyo handadaadda
9- Faquuqa amma takoorka
10- Keligii noolaha dadka neceb ee dantiisa uun ka taliya


Waxa laga hayaa gabay xaddi; “Soo godobi suritaankaad martaba, sabab qarsoon mahaa.” Meeriskani wuxuu hoosta ka calaamadinayaa in godobtu aanay hadhin, aan la illaabin isla markaana aanay duugoobin illaa la iska cafinayo. Natiijada ka dhalata godobta waxa kale oo daliil u ah meeriskan ku jiray gabay uu muddo hore tiriyey Cabdi Gahayr; “Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye, caruurtay kallaysaa ninkii caano baas dhama'e.”
Marka uu qofku miciinsado garashada kana dhigto tusmo uu ku socdo, wuxuu yeelanayaa garawshiyo dhammaystiran. Haddii aad aragtaan qof marka wax loo sheego ka fiirsanaya, ka baaraandegaya kana keenaya su'aalo iyo hubsiimo, waxa aynu qofkaas ku tilmaamaynnaa “qof garawshiyo ehel u ah.” Abwaan Salaan Carrabay ayaa isna sidan gabay ku yidhi; “Xaajona gungume loo faqo iyo garaw hadday waydo, Gabagabaha hal aan gaaxsaday ayaan gun uga yeelaa.” Waxa Salaan gabay ugu martaaqi furaya Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir); “Gashi kaa ma naqnaa iyo ma majirin godob la raadshaaye, Ummad yahay garawsada, xaqaa lagu gayoodaaye.”
Haddii aad aragtaan qof daan-daansi badan, aflagaadada ku daran, dagaalka jecel, dad la dhaqanku ku yar yahay, keligii noole ah, mar kasta jecel inuu aarsado oo aan waxba cafinayn, waxa aynu qofkaas ku tilmaamaynaa “qof gobobta ehel u ah.
Waxa aynu hadda qayb ka soo qaadanaynnaa maansada Indheer-garad ee ay tirisay Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) oo iyada lafteedu si mug leh u cabbirtay mawduucan aynu ka hadlayno:
Garaad iyo ruux aqoonli
Intaan gole looga yeedhin
Gartiisuu sii naqdaaye
Afgudhiyoow maalintayda
Haddaan tayduun u guuxo
Haddii aan giijo madaxa
Go'aanka digteetar qaato
Galkiyo kala saaro seefta
La soo baxo micidii goodka
Gawskiyo dalqadii libaaxa
Wixii loo gaysto qarankan
Afkooda ku goosanaaya
Haddii aan ciidan geliyo
Ku gura xabsiyada Idhaahdo
Haddaan gardarrada xal moodo
Garawshona yeelan waayo
Guutooyin haddaan rabbaysto
Haddii la'i daba gebleeyo
Haddii lay guul-wadeeyo
Isgaadhsiintu iga baqato
Saxaafadda jeelka geeyo
Anigay ku go'daa idhaahdo
In-dheer-garad ku ma bannaani
Inkasta oo maansadani tahay mid dheer haddana qaybtan ayaa innaga qusaysa oo inoo sheegaysa waxaynu garashada uga baahan-nahay. Waxay qaybtani hogatusaalaynaysaa heerarka garawshiyaha. Waxay muujinaysaa in garashadu aanay ahayn in qofku keligii isku koobo garaadka iyo aqoonta. Waxay iftiiminayaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee in-dheer-garadnimadu ku leedahay geeddi-socodka nolosha qofka beni'aadanka ah. Garashada iyo aqoontu ha ahaadaan kuwo kugu hogaaminaya garawshiyaha, balse yaanay noqon kuwo kuu horseeya isla waynaan iyo inaad dadka garaadkooda yasto/hoos u dhigto.
Sida aynu qodobada hore ku soo sheegnay khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada intuba waxay ka mid yihiin shidaalka iyo xaabada ay godobtu ka abuuranto amma ku tiirsan tahay. Waxay horseedaan nacayb iyo kala fogaansho dadka soo kala dhex gala. Waxay dilaan is-aaminaada iyo isu hilawga bulshada. Waxaa hore inoogala dardaarmay in aynu ka fogaanno nebigeennii suubanaa ee Muxamed (NNKH) oo inoo sheegay in saddexdooduba ka mid yihiin calaamadaha munaafaqa. Waxa hubaal ah haddii uu qofku ka dheeraado khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada in dadku jeclaanayaan isla markaana aaminayaan.
Qolyaha siyaasiyiinta ahi marka ay ku guda jiraan ololeyaasha ay dadka ku kasbanayaan, waxay sameeyaan ballan-qaadyo badan oo ay dadka ku beer-laxawsadaan, kuwaas oo marka la gaadho xilliga ballan-qaadyadaasi fuli lahaayeen badankoodu beenooba. Arrintaasi waxay sababtaa in siyaasiyiin badani godob ka galabsadaan dadweynaha, taas oo dhaawac xun gaadhsiisa sumcaddooda iyo damacooda siyaasadeed. Waxaana meesha ka baxda is-aaminadii shacabka iyo siyaasiyiintaas.
Godobaha aan inta badan hadhin ee uur-ku-taalada iyo damaqa reeba waxa ka mid ah; Godobta dhagarta amma dadka sida xun ee axmaqnimada ah loo dilo, godobta jacaylka, ta jinsi-faquuqa (takoorka), godobta haweenka ka dhalata sida gabadh si jees-jees ah loogu diiday nin gayaankeeda ah oo ay is-calmadeen iyo godobta ka dhalata marka la laayo bir-magaydada. Godobahan iyo qaar kale oo aynaan xusin-ba waxay ka mid yihiin waxyaabaha buldhada deegaan-wadaagta ah kala fogeeya.
Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa isuguna maansadiisa TAAMILO wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha nuxurka qormadan. Waxa uu tilmaamayaa dhibta ay leedahay in dadka la xaqiro, la qiimayn waayo, la iska waynaysiiyo. Waana meelaha ay ka abuuranto godobtu.
Ha tiiftiifin noolaha
Ha ku tuman asaagaa
Ha tandhaafin digashada
Hadba hadal tumaatiya
Tiiqtiiqsi ha u odhan
Arxankiyo tudhaaluhu
Yaanay kaa tafiir gu’in
Qoor taagga kibirkiyo
Qabku yaanu kula tegin
Ha is taawin aadmiga
Tayo inad wax dheertahay
Qof ku taray wuxuu taray
Ha ka dhigin bar kuma taal
Xurmo waa tixgelinteedee
Taalladeeda muunee
Qofka kuu tanaasula
Sida taayir ha u marin
Dadku waa tolkaa iyo
Ciddii aad ka tarantee
Tafaraaruqoodiyo
Ha ka talin wax dhaawaca.

Abwaan Weedhsame wuxuu mar kale si toos ah isu dul taagaayaa nusqaanta ay leedahay in godobta lagu tarsheego, in dul-qaadka iyo wanaagga laga taliyo. Waxa uu dadka xasuusinayaa in mar kasta laga taliyo dhanka xalka lagana dheeraado gocoshada iyo xinka.

Ha ku taamin godobaha
Ha tafniidin boogaha
Hana tuulan gocoshada
Tibta eelka ha ku durin
Tif wax leegna ha u dudin
Dul u yeelo tabashada
Xalka taabka ha u jarin
Xinka toorey ha u tuman
Berri teello u yar dhigo
Wax-san taako uga durug.


Haddii aynu ku soo dhawaanno gunaanadka qormada. Waxa cad in aynu dhinacyo badan iska taagnay Garawshiyaha iyo Godobta oo ah laba hab-nololeed oo qof kasta oo beni'aadan ah hor yaalla. Waxa aan jeclaystay in aan qoraalka ku soo afmeero qayb aan ka soo qaatay gabayga GUDGUDE ee uu hal-abuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), kaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha waayaha iyo geeddi-socodka nololeed ee dadku la kulmaan gaar ahaan garawshiyaha:
Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Hargeya, Somaliland