Friday, March 7, 2014

Waaya-arag Wax Ka Baro

Waxa jirta maahmaah tidhaahda “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.” Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u nool yahay in wax uun laga dhaxlo. Weliba si gaar ah waxay u caddaynaysaa in qofku taariikh iyo magac ka tago isla markaana looga baahan yahay inuu sameeyo horumar nololeed oo wax-ku-ool ah. Qof weliba-na wuu jecel yahay in marka ay tiisu timaado ee uu god-galo in wuxuun lagu xasuusto, laakiin waxa lagu kala duwan yahay hanka iyo hiigsashada. Qof wuxuu ku hammiyaa in laga dhaxlo taariikh, cilmi, aragti-nololeed iyo waaya-aragnimo sugan. Qofna wuxuu ku hammiyaa in hanti uu tabcay laga dhaxlo, halka qof kale aanay midna-ba talada ugu jirin.