Friday, November 5, 2021

Hooyadii La Xoreeyey! WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Hooyo Nuura oo carruurteeda dhextaagan
Sawirka/MMTV 
Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go'doon ah oo hooyadu in muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo nooleeyey. Garab la'aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay, gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda.

Nuura Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go'day hagbad ay ururin jirtay, oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u ahayd.

Halkan ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin yar oo weriye ah, oo ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo magaalada Hargeysa.  Si ay ku heleen ba xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku da'ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na hadalkeedaa daa!

Guddoon Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday iyo abtigay na way na la joogaan.”

Waxa weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in deynta laga bixiyo si loo sii daayo.

Gashigaasi waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah.

Markii hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan  majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda da'deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye, markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd.

Mar haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta. Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943 doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey. Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo.

Waxan bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u baahan in loo gurmado.

Hawshan oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka. Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo iyo warbixino ha ka samayso.

Waxan ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo, qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa.

 

Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

cabdiheersare01@hotmail.com

Monday, May 17, 2021

Ma Cadaw Ayey Dileen Mise Libaax Rabbaayad ah? WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Maydka libaaxii askartu toogatay

Astaan kale oo Somaliland leedahay, ayaa ku baxday gacanta ciidanka bishii April ee sannadkan 2021. Hore, askar ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa dhagax ku dilay geedkii muunadda u ahaa buurta Daalo (Mooli). Mar kale, askar ka tirsan bileyska, ayaa sida taliyihii watay sheegay, toddoba xabbadood ku du dilay libaax rabbaayad ahaa, oo si farsamo xumo ah uga fakaday halkii lagu hayey. Waa maragmadoon in ciidanku nafta dadka badbaadinayeen, bal se waa tallaabo kale oo bannaanka keentay, qorshe xumo jirta oo salka ku haysa in aan hore looga tabaabushaysan, ka la’ badbaadinta dadka iyo libaaxaa rabbaayadda ahaa ee aan duurjoogga ahayn. Xalka keliya ee la guddoontay ayaa noqday in dil toogasho ah lagu fuliyo. Waa dhaawac kale, oo soo gaadhay qalbiya dadka u ololeeya badbaadada deegaanka iyo duur-joogta naadirka ah ee Somaliland ku nool. Dadkaa oo aan ka mid ahay, waxa aanu ka soo kabanaynay jugtii iyo xanuunkii na gaadhay, bishii Julaay ee sannadkii 2020, markii askartu dhagaxa ku dishay mooligii Daalo. 

Muu ahayn libaax ka yimi Libaax-qawdhama, Gacanlibaax ama meel kale oo Somaliland ka mid ah ama ka baxsan, ee waxa uu ahaa libaax rabbaayad ah oo ka baxsaday meeshii lagu hayey. Waxa uu ahaa libaax ku koray gacanta dadka, oo waa la quudin jiray tan iyo markii uu dhashay. Muu ahayn mid ugaadhsada oo dibada cunto u doonta ama dadka hilibkooda ku mamay, ee waxa uu ahaa mid arkayey dad u shaqaynaya oo u adeegaya intii uu noolaa ba. Waa wax Ilaahay qoray oo cidi na may baajin karayn’e, libaxaa waxa khaarajiyey ciidanka birmadka ee booliska Somaliland ka tirsan. Ciidanku amar la siiyey ayey fuliyeen oo canaan ma laha, waxa se canaantu dulsaaran tahay sida hawsha loo maareeyey. Haddii ay dileen ba, in ay qoryaha la dulfadhiistaan oo ay shirjaraa’id ku dul qabtaan may qummanayn. Maydkiisa na in ay gubaan, iya na waa laga qurux badnaa, oo waxay ahayd in lagu wareejiyo Cali Maxamed Warancadde ama haragga ha ka saaro, oo siyaabo badan loo isticmaalo, xusuus na u noqon lahayd, maadaama oo uu tacab badani ka galay korintiisa ama ba ha aaso maydkiisa. In kasta oo nolosha dadka iyo badqabkoodu wax kasta ka horreeyo, oo libaaxa baxsaday halis iyo cabsi ba gelin karo bulshada, sida dhacday ee uu gabadh waxyeellada u geystay, hadda na aad ayaan uga naxay sidii libaaxa loo dilay. Weydiimo badan, ayaa dulhoganaya dilkiisa iyo sidii la yeeli lahaa ba markii uu baxsaday iyo meesha lagu hayey ba. Waxa meesha ka soo baxday, in aanu jirin qorshe wax badbaadin ah, dil mooyaane. Waa diyaargaraw laga rabo in uu sameeyo Cali Warancadde, oo sheegay in uu lix iyo labaatan sano libaaxyada dhaqayey. 

Hore ayaa loo yidhi: “Nin habari dhashay, hal ma seegi weydo.” Cali tacab weyn ayuu muujiyey, oo libaaxyadii waddankeena ka dagabar go’ay ee ka guuray, ayuu is u xilqaamay in uu sameeyo meel loogu soo hagaago. Mar haddii uu go’aansaday in uu dhaqo libaax, oo ah xayawaan halis ah, ku na dhex dhaqo magaalo (Hargeysa), waxa fuulaya xil culus oo ku arooraya sidii uu dadka iyo libaxaa u ka la badbaadin lahaa. Tusaale ahaan, in meesha lagu haynayaa ay yeelato dhawr deyr oo ka la danbeeya. Haddii uu libaax is ku dayo in uu baxsado, oo uu meesha jeelka ah ee lagu xareeyo uu dibada uga baxo, in uu jiro deyr dheer oo adag oo aanu ka gudbi karin. Haddii ba ay dhacdo oo uu libaax baxsado, in Cali uu diyaar u yahay qoriga laga rido suuxisada xayawaanka duurjoogta ah loogu talagalay, ee lagu gano lagu na suuxiyo marka la qabanayo. Haddii uu Cali qorigaa hayo, oo uu libaax dibadda u cararo, waxa fududaan lahayd in libaaxaa nolol lagu soo celiyo. Waxay ahayd markii labaad ee libaax ka baxsado Beerta Libaaxyada ee Cali Warancadde ee Hargeysa, is la markaa na uu waxyeelo geysto, muxuu ka bartay dhacdadaa hore iyo in aanay mar danbe soo noqon? Muxuu libaaxyada ugu rari waayey meel magaalada ka baxsan, si haddii uu baxsado libaax ay xitaa waxyeladiisu u yaraato? Mar na ma ku fekeray in uu gacanta dawladda ku wareejiyo? In kasta oo uu tacab badni ka galay xannaanaynta libaaxyada. Weydiimahaa iyo kuwo kale oo badani ba, Cali, way horyaallaan. 

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somalilan, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta u sheegtay in sharcigu u ogol yahay in ay la wareegaan libaaxyada Warancadde. Kollay ba wax si dhib yar loo la wareegayaa ma jirto, oo waa in si waafiya looga arrinsadaa tacabkii muddada soo taxnaa ee Cali ka galay libaaxyada. Waasiirku, ma ahayn in ay la soo booddo la wareegista ee waxa mudnayd, in ay hore u qiimeeyaan ammaanka goobta lagu hayo libaaxyada iyo in ay habboon tahay in magaalo lagu dhex hayo xayawaan halis ah. In kasta dalalku ka la shacri duwan yihiin, marka laga tago goobaha qaran ee xayawaanka, waddamo ka la duwan waxa ka jira goobo xayawaanka halista ah lagu hayo, oo gaar loo leeyahay. Arrinta muhiimka ahi waxa weeyaan, sida xil weyn la isaga saarayo adkaynta ammaanka goobaha, ujeeddada loo dhaqayo, in goobtu ku habboon tahay iyo sida loo gudanayo masuuliyada quudinta. 

Ugu danbayn, waxa mudan in la Ilaaliyo deegaanka, oo noloshu ku xidhan tahay. Waxa kale oo laga ma maarmaan ah in la Ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ee waddanka ka badargo'aya. Cid kasta oo waxyeello ku haysa na, waa in tallaabada ku habboon oo sharci ah laga qaado. Si aanay mar danbe u dhicin, oo aan libaax rabbaayad ah loo toogan, waa in qaran ahaan la diyaariyo dad u tabaran sida loo qabto libaaxa ama duurjoogta kale ee halista ah; kuwa rabbaayadda ah iyo kuwa aan ahayn ba. Haddii ay jiraan na waa in la xoojiyo. Sida oo kale, waa in mar kasta la la tashado khuburada deegaanka iyo duurjoogta. Si looga badbaado in si quracan wax loo maareeyo. 

WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare" cabdiheersare01@hotmail.com

Wednesday, December 2, 2020

Geedkii Godobta laga Galay: WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

 

Markii geedka (Mooli} uu meesha ku yaallay iyo 
markii la dilay
Sawirrada: Yuusuf Daahir iyo Xasan Dallac
Waxa ay dhagax ku dileen saaxiib, aan is lahaa mar uun booqasho ugu tag. Gacal ha waayaane, gunta ayey ka gooyeen, astaan qalbigayga ku dhex taallay. Ilaa maalintii aan bartay, wuxu ii ahaa bartilmaameed aanan ka daali jirin. Is maan lahayn sidan arxandarrada ah ayaa loo galaafan doonaa, oo waxan u haystay in dadka la nooli iiga damqasho badan yihiin. Illayn waxa ku jira, qaar aanu agtooda qiimo iyo qaayo toona ku lahayn. Waxan is lahaa, markii gefka loo la tegay, waa laga xaalmarin doonaa, oo kuwii meesha ugu tegay ee ku xadgudbay, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, bal se laba Cali ba is may waydiin!. Wax wal ba waxa igaga xanuun badan, sidii dhadhaabta laysu la dultaagay ee aad moodaysay in ay cadaw halis ah is ka caabinayeen. Ha ba dilaan'e, waxa iyana xanuun iyo gabboodfal ba ahayd, muuqaalkii jeesjeeska ahaa ee laga duubay, markii sida axmaqnimada ah loo sadqaynayey saaxiibkan nacabku helay. Markii aan muuqaalka arkay, waan u qaadan waayey! Aniga oo naxsan ayaan gujiyey, si aan u eego waxa uu ku saabsan yahay. Ha ba gujin lahaydaa! Markii uu dhagaxa is la ka la jiiday ee uu ku dhuftay, ayaan hinqaday oo aan is mooday in uu aniga igu dhacay. Aniga oo amakaagsan, oo ka yaabban falkan cadawtinimada ah, ayaan raadiyey in aan la xidhiidho asxaab aan ogaa in ay iga la dareen yihiin dhacdadan, si aan u la qaybsado muragada iyo uurkutaallada.

Saaxiibkan aanu weynay, waxa uu ahaa astaantii buurta Daalo. Wuxuu ahaa geed sida uu u baxay, halka uu ka baxay iyo nooca uu yahay ba ay cibro ku duugan tahay. Magaciisa waxa la yidhaahdaa "Mooli", oo wuxu ka mid yahay dhirta sii dabargo'aysa ee ku yaalla Somaliland Soomaaliland. Waa geed faa'ido u lahaan jiray dadkii hore, oo waxa uu leeyahay xabag la manafacaadsado; waxa kale oo laga samaysan jiray agab guryaha la dhigto. Hadda ku dheeraan maayo sida loo adeegsan jiray, ee waxay abbaartaydu tahay sidii uu geedku caanka u noqday, is la markaa na uu saamaynta u yeeshay.

Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"
Sawirka: Cabdicasiis Cumar Haarriye

Geedkan, waxaan bartay xilli aan filayo in ay ahayd 2010, markaa oo uu soo baxay buug la yidhaahdo "Qaylodhaan Deegaan" oo uu qoray aqoonyahan Axmed Ibraahin Cawaale; ah na deegaanjire aqoon durugsan u leh deegaanka. Sawir uu ii sheegay in uu geedkan la gooyey ka soo qaaday 2009, ayuu buugga jeldigiisa kore ku dhejiyey. Maalintii aan arkay ba, waxa iga yaabisay sida uu geedkaasi u baxay iyo halka uu ka baxay. Amarka Ilaahay, iniintii uu geedkaasi ka baxay, waxay ka soo mudhay dhadhaab isa saaran iyo gidaar dhagxaan ah; hadda na la moodo derbi la dhisay. Sida muuqatay, markii uu geedku soo baxay ee uu miisaan yeeshay, ayaa jirridiisu may adkayn'e way liicday, oo wuu go'i lahaaye waxa sii deyn waayey xididdada. Waa na sababta uu geedku dhiicada u lahaa. Halkaas ayuu wax kasta oo dhib u geysan lahaa kaga badbaaday, Ilaahay amarkii. Derbiga uu ka laalaaday ilaa dhulka la gaadhayo, qiyaas ahaan dhawr boqol oo mitir ayaa ka hoosaysa. Xagga sare na, waxa uu u jiraa ilaa saddex mitir. Markii ay dad badani arkeen sawirka laga soo qaaday, ayuu caan noqday, oo wuxuu ku biiray astaamaha buurta Daalo iyo gobolka Sanaag ba. Waxa uu ka mid ahaan jiray waxyaabaha la soo daawado, marka dalxiiska loo tago Daalo. Anigu mar na nasiib u maan helin in aan booqdo, in kasta oo aan tegay meelo ka mid ah gobolka Sanaag oo Ceerigaabo ku jirto, hadda na waxan ka fikirayey in aan mar uun indhaha soo saaro, oo aan waqti la soo qaato.

Axmed Ibraahin, waxa uu ii sheegay in wixii geedku ka qaylinayey (baabiinta deegaanka iyo dabargoynta dhirta) in isaga lagu fuliyey. Jarkii uu duurjoogta iyo xoolaha ba kaga nabadgalay, ayay dadku ugu tegeen, oo halkii laga xaalmarin lahaa xasaraddii loo la tegay, ayaa isagii xawda la dhaafiyey. In uu soo bixi doono mooyi; haddii se uu dib u soo baxo, oo halkii ay jirridiisu ka go'day uu ka soo bidhiiqo/biqlo ama geed cusubi ka soo baxo, in uu sidiisii noqon Ilaahay ayaa og, laakiin sannaddo badan ayey ku qaadanaysaa in uu taabogaloadkaado. Waxaa se intaa ba ka horraysa, in uu marka hore xabagtiisa is ku dhaawactiro, si ay jirridu uga soo kabato jugtii gaadhay.

Axmed Ibraahin Cawaale
Sawirka: Kaydka Axmed Ibraahin

Bishii Julaay ee sannadkan (2020) ayey ahayd, markii ay Mooligan dhallinyaro kibir u la tegeen, iyagoo inta ay naftooda halis geliyeen, geedkaa haadaanta ka laalaada is ku soo dul sawireen. Markii uu sawirkaasi soo shaacbaxay, ayaa siyaabo ka la duwan looga falceliyey. Waxa dadka taabatay dhallinyaradaa naftooda khatarta ku biimaysay, is la markaa na sawirkaa geedka lagu soo galay uu dhib horseedi doono. Dad ka la duwan, ayaa geedka u arkay in uu halis yahay, nafo na uu galaafan doono, haddii aan tallaabo laga qaadin. Kuwo kale, waxa iyaga na u muuqatay in geedka iyo dadka la ka la badbaadiyo, oo laga gaashaanto waxyeello kasta oo iman karta. Dadka dadaalka danbe waday waxa ku jira, Axmed Ibraahin Cawaale, oo markii uu sawirka arkay ba olole ayuu galay, isaga oo ii sheegay in uu diyaar lahaa wixii qarash ku baxaya in deyr lagu xidho, halka geedka laga gelayo, si aanay cid danbe ugu dhawaan ama aanay u fuulin. Hidisahan na waxa uu la socodsiiyey wasiirka wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, Shukri Xaaji Baandare. Tallaabadaa fiican ee uu ku dhaqaaqi lahaa Axmed, waxa ka soo hormaray, go'aan ay gaadheen dhankii kale ee geedka cadawga u arkayey. Waxay guddoonsadeen in geedka dhagax lagu dilo. Waxa go'aankaa khaarijinta ah fuliyey askar ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland. Waxay is tuseen in ay dhallinyarada halista ka badbaadiyaan, se geed qaaliya oo mudnaa in ay dhawraan oo ay badbaadiyaan, ayey haadaan ka tuureen. Way ka qabyaaladeeyeen saaxiibkay, oo caqli ku may darin waxii ay garaadkooda ku la faqeen!

Marka la soo ururiyo, waxa geedkan muhiimka ah loo galaaftay, nafta dadka ayuu halis ku yahay. Waxa meesha ka muuqata in aan si cilmiyeysan iyo sida caqliga saxda ahi sheego, aan hawsha loo fulin. Laakiin loo fuliyey si degdeg oo ay caaddifadi ku jirto. Waa run oo dadka ayaa ka muhiimsan geedka, bal se halkaa lagu joogsan maayo, ee waxay ahayd in si deggen oo aqoon, masuuliyad iyo tudhaale ku dhisan in xalka loo raadiyo. Fursad ba la ma siin in ay xaaladda ka arrinsadaan, guurtida dadka iyo ta dhirtu ba. Haddii ay labadaa dhinac is hor fadhiisan lahaayeen, waxay soo saari lahaayeen go'aan lagu wada farxo. May se dhicin, oo iyadoon wax gar ah la dhegeysan, la baadhin gefka dhacay, ayaa koox isxilqaantay, waxay guddoonsadeen in geedka la gooyo. Halka innamadii yar yaraa ee geedka denbiga ka galay, aanay cidiba la xisaabtamin. Iyada oo ay ahayd in sharciga la la tiigsado. Waxan se filayaa, markii ay arkeen sida looga naxay ee looga falceliyey, falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen, ee sababta u noqday in Mooligaa astaanta ahi meesha ka baxo, in ay ka qoomamayn doonaan, is la markaa na ay raalligelin bixin doonaan-waa haddii in uun damiir iyo dareen ku hadhay’e. Askartii geedka goysay, waxa looga fadhiyaa in ay magtii geedka bixiyaan; ama taliskooda ha la kaashadaan ama iyagu ba ha is ku tashadaan. In kasta oo aan la garanayn magta geedku inta ay noqonayso, hadda na waa in ay bixiyaan, oo ka la tashadaan guurtida dhirta (wasaaradda Deegaanka iyo deegaanjireyaasha madaxabannaan). Waa na in ay magtaa ku wareejiyaan wasaaradda Deegaanka. Sida oo kale, waa in ay beeraan geed cusub oo Mooli ah (Haddii ay suurtagal tahay, haddii kale se, waa in ay tiro dhir ah ay magdhaw uga dhigaan), ku na beeraan meel u dhaw halkii ay geedka ka gooyeen.

Ugu danbayn, hore ayeynu deegaankeenna u waxyeelaynaye, caqligu ha shaqeeyo, aqoonta iyo lexojeclada deegaanka kor ha loo qaado. Sida aynu ugu heellan nahay teenna gaarka ah, aynu ta guud na muhiimad gaar ah siinno; sida aynu xoolaheena iyo hantideena ba ugu damqano, aynu deegaanka iyo duurjoogtaba ugu damqano. Ciddii dhib iyo hagardaamo ku haysa na, meel ha looga soo wada jeedo. Masuuliyadda iyo sharciga na ha la dhawro, oo yaan jaantaarogan iyo kaalinqaadasho la'aan wax loo qaban. Waxa mudan in la helo sharci gaar ah oo xakameeya Aadamaha si aan gefaf kan oo kale ah ugu kicin, dhir ay yar tahay sida lagu hela u galaafan.



Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

cabdiheersare01@hotmail.com

Saturday, June 2, 2018

Geesi La Gartay. WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Qudhac-dheer oo tunka 
ku qaaday Cabdiqani Xuseen Xasan (Cabdi Geesi) 
Sawirka: Khaalid Foodhaadhi/Goobjooog
Waxa uu garwaaqsaday inuu sameeyey wixii ugu wanaagsanaa noloshiisa intii uu noolaa. Markii uu qaadanayey go’aankii halista badnaa, waxa uu u badheedhayey nolol iyo geeri ama guul iyo guul-darro mid uun. Idimka Ilaahay se waxa u rumowday tii wanaagsanayd, oo waxa uu la hulleelay guul iyo nolol ay farxadi ku dheehan tahay. Da’diisa oo yar iyo taagtiisu ba may hagran ee waa waxa macnaha u sameeyey guusha uu soo hooyey.
Qofka aan ka hadlayaa waa Cabdiqani Xuseen Xasan oo ah 16 jir ku nool magaalada Hargeysa. Waxa uu 30kii bishii Abriil ee 2018ka sameeyey hawlgal nafhurnimo ah, ka dib markii uu isku tuuray isaga oo adeegsanaya xirfad iyo kalsooni daad baaxad weyn, kaas oo qulqulayey balliga Qudhac-dheer. Waxana uu halkaa ku badbaadiyey laba carruur ah iyo hooyadood, oo xilligaa halis ku jiray.  Waxana daadkaa ku dhintay laba carruur ah oo la badbaadin kari waayey.

Friday, May 4, 2018

Naftiisa Ayuu Halis U Geliyey Si Uu U Badbaadiyo Nafo Kale. WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

 Waxa uu mar qudha qaatay go’aan halis badan oo aan ka noqosho lahayn. Waxa uu damiirkiisu siin waayey inay hortiisa ku dhintaan nafo isaga la mid ahi. Go’aanka uu qaatay waxa uu u dhexeeyey geeri iyo nolol, guul iyo guul-darro, oo guusha uu gaadhi doonaa waa badbaadinta nafo qarka u saaran inay qudh-baxaan.  
Cabdiqabi Xuseen Xasan waa wiil 16 jir. Waxa uu ku nool yahay degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada Hargeysa.  Waa wiilka ku dhaqaaqay tallaabada nafhurnimada ah ee uu ku badbaadinayey labada nafood ee kale. Waxana uu hawlgalkan badbaadinta ah sameeyey dhawaan markii roobka baaxadda weyni ka da’ay magaalada Hargeysa, ee daadku qaaday qoyskii deggennaa balliga Qudhacdheer ee is la degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada Hargeysa. 

Thursday, December 7, 2017

Wareysi Aan 2011kii Ka Qaaday Gudoodo Carwo. Diyaarintii: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

Alle ha u naxatiistee Shamis Abokor Ismaaciil "Guduudo Carwo"  oo maanta Hargeysa lagu aasay, ayaa bishii Jeeniweri  ee sannadkii 2011 waxa aan Hargeysa ka qaaday wareysi aan xilligaa ciwaan uga dhigay "GOORMAA KUUGU DAMBAYSAY GUDUUDO CAWRO."
Wareygsii aan xilligaa ka qaaday ayaan idin la wadaagayaa ee ka bogasho wanaagsan:

Sunday, November 12, 2017

Somaliland: Xayiraadda Baraha Bulshada. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).


Go'aankii ay guddida doorashooyinka Somaliland shirkadaha isgaadhsiinta kaga dalbadeen inay xayiraan barashada bulshada, waxa uu u muuqdaa go'aan salka ku haya laba daran mid dooro: In la helo nabad iyo degenaansho inta lagu hawlan yahay doorashada iyo natiijadeeda, lagana badbaado wararka been-abuurka ah ee bulshada kicinaya. In la lumiyey xorriyaddii hadalka ee bulshada iyo fikir wadaagistii ba, maadaama oo baraha bulshadu hadda noqdeen meelaha laga la socdo afkaarta bulshadsa.

Hooyadii La Xoreeyey! WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Hooyo Nuura oo carruurteeda dhextaagan Sawirka/MMTV  Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ah...