Sunday, December 21, 2014

Cawayskii Hiil-qalin: Madal na deeqday

Muu ahayn caways madadaalo iyo meexaano la isugu yimi. Manuu ahayn mid waqtiga lagu luminayay. Guud ahaan dadkii madasha ka soo qayb galay oo uu badnaa dhalinyaro waxay isugu yimaadeen inay si mug leh daaha uga rogaan baylah wax ka qabashadeedu bulshada ka dhexayso. Waxay si aqooni ku jirto uga doodayeen waddooyinka ugu mudan ee lagu badhitaari karo dadaallada ku waajahan qabyo-tirka baahidaa jirta.

Thursday, October 30, 2014

Gandi Library: Xaruntii aqoon-dhiska Dhalinyarada, "Cabdishakur Heersare"

Gaandi Library way nabad-gashay oo dadkii ka naxayay ayaa ku guntaday. Waxay noo ahaan jirtay sal-dhig aqooneed, madal wax akhris iyo goob aanu ku kulmi jirnay xilligii aan jaamacadda Hargeysa dhiganayay intii u dhexaysay 2004 illaa 2008 iyo xilliyadii ka danbeeyayba.

Tuesday, August 5, 2014

Waxay Bareen Waddadii Dagaalka!


Waxay ahayd maalintii ciidda soon-fur ee aynu soo dhaafnay. Waxa aanu ku sugnayn mid ka mid ah hudheelada Hargeysa. Si kedis ah waxay indhahaygu u qabteen wiil yar oo aan da' ahaan ku qiyaasay illaa todoba jir. Wuxuu ku jeeni-qaarnaa qori caag ah oo loo eekaysiiyey qoriga silsilad laha ah ee soomaalidu u taqaanno badh-daloolka amma silsilad laha.

Thursday, June 26, 2014

Waaya-arag Wehel Ka Dhigo!


Waxa jirta maahmaah tidhaahda; “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.” Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u nool yahay in wax uun laga dhaxlo.

Friday, June 13, 2014

Warbixin: Isagoo Naafo Ah Ayuu Quudiyaa Shinbiraha, Eyda, Bisadaha, Qudhaanjada Iyo Dameeraha Naafada Ah


Goobtan oo kale oo ku taalla badhtamaha magaalaga Hargeysa siiba afaafka hore ee dhanka suuqa soo xigta ee jiriijka koobaad ee Hargeysa, haddii aad timaado waxay indhahaagu qabanayaan shinbiro ku dul taagan xadhkaha laydhka iyo kuwa telefoonnada ee dusha maraya, qaar dhulka u soo degaya oo xoonsan. 

Sunday, April 20, 2014

Dhaqdhaqaaqa Ictiraaf-dhabaynta Ee Oslo

Waxa furmaya albaab kale oo fursad siinaya qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland. Waa dhaqdhaqaaq u muuqda inuu ku bilaabmay dardar iyo niyad-hufnaan lagu raadinayo arrin badhi taaraysa jiritaanka iyo isu soo taagista qaran la go'doomiyey.

Sunday, April 13, 2014

Hargeysa: Caasimad Dhismaysa Oo Bilic U Baahan + Sawirro

Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa burburkii dagaallada iyo duqaynta. Qof kasta oo hayntiisu u saamaxaysaa wuxuu geliyey dhisme amma dhul. Dadka qaar waxay ganacsi ba ka dhigteen dhismeyaasha iyo dhulka oo la sii iibiyo. Magaalada gudaheedii inta la iskala tegay ayaa darafyada la sii socdaa.

Friday, March 7, 2014

Waaya-arag Wax Ka Baro

Waxa jirta maahmaah tidhaahda “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.” Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u nool yahay in wax uun laga dhaxlo. Weliba si gaar ah waxay u caddaynaysaa in qofku taariikh iyo magac ka tago isla markaana looga baahan yahay inuu sameeyo horumar nololeed oo wax-ku-ool ah. Qof weliba-na wuu jecel yahay in marka ay tiisu timaado ee uu god-galo in wuxuun lagu xasuusto, laakiin waxa lagu kala duwan yahay hanka iyo hiigsashada. Qof wuxuu ku hammiyaa in laga dhaxlo taariikh, cilmi, aragti-nololeed iyo waaya-aragnimo sugan. Qofna wuxuu ku hammiyaa in hanti uu tabcay laga dhaxlo, halka qof kale aanay midna-ba talada ugu jirin.

Thursday, February 20, 2014

Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Maadaama oo ay maanta ku began tahay 20ka bisha Feebarweri oo ku astaysan xuska maalinta dhalinyarada Somaliland laguna saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad.
Waxa farxad ii ah inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda qiimaha leh ee Dr. Aadan Yuusuf Abokor, laga soo bilaabo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.

Sunday, February 2, 2014

Hal-abuur Mise Hiyi-raac?

Hal-abuurnimadu waa wax ku yimaada aqoon iyo garasho xeel-dheer oo ilaahay ku mannaystay qaar ka mid ah dadkiisa. Waa hanti qofku meel kasta oo uu joogo wax kaga qabsado. Waa kayd koriya qanaacadda qofka oo ah mustanbeedka niyad-ku-noolaanshaha iyo imaan-qabka nooleed ee dadka. Waa masraxiyadda uu qofku ku muujiyo kartidiisa iyo hibada ku qarsoon. Waa habka fikir loogu beddelo wax shaqaynaya oo midho-dhal ah. Intan oo amuurood waxa ka oo horjeeda qof bilaa hal-abuurnimo ah kuna astaysan daba-socod, qishid, iyo dhallan-geddinta fikradaha iyo hal-abuurnnimada dadka kale kaas oo ku sifoobaya “hiyi-raac”.

Friday, January 31, 2014

Warbixin: Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo 100% Cashuuraha Kordhisay Iyo Cabashada Dadweynaha


Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa cabasho xooggan ka muujiyey cashuuro ay dawladda Hoose boqolbolkiiba korhisay(100%), isla markaana waxay sheegeen in cashuurtaasi tacaddi ku tahay.

Friday, January 24, 2014

Amuur Iga Yaabisay!


Arrimaha kaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilliga aad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay. Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo oo taabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaan amma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay ku noqonaysaa la yaab.

Sunday, January 12, 2014

Warbixin: Sababaha Indho La'aanta Ku Keena Dadka Soomaalida Ah

Marar badan waxa aad la kulmaysaa amma dhegahaaga ku soo dhacaya dhiillooyin kala duwan oo xanbaarsan culayska ay leedahay Indho la'aantu, qof ka cabanaya indho-xanuun, mid leh labadii indhood-ba waan beelay, qof kale oo kuu sheegaya inuu il beelay tii kalena halis ku jirto, mid kale oo kuu sheegaya in indhaha biyo laga furay, qof kale oo isna kuu tilmaamaya in aragii ku yaraaday oo aragtida dheer amma ta dhawi ay ku adagtahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa sal-dhig u ah cabashada aafooyinka haleela indhaha.

Ma Sidan Ayay Go'aansadeen!

Waxay dagaal kula jiraan naftooda. Mar walba waxay u heellan yihiin hagardaamaynteeda iyo lurkeeda. Kama damqanayaan halista ay naftoodu ku sugan tahay. Ciddii kala talisa dhibtaas ay wehelka la noqdeen waxay u arkaan dad cadow ku ah nasteexa iyo farxaddooda nololeed. Subax, duhur, galab, habeen iyo xilli kasta oo ay tahay waxay ku foogan yihiin dirirtaa aan naxdinta lahayn ee ay naftooda kula jiraan.

Wednesday, January 8, 2014

Warbixin: Shirkad China Ah Oo Hargeysa Keentay Mootooyin Sida Gaadhi-dameerka Biyaha U Dhaaminaysa Iyo Dareenka Dadka Gaadhi-dameerka Ku Shaqaysta + Sawirro

Hargeysa (OWN)- Shirkadaha shisheeye ee u heellan maal-gelintu waxay mar kasta ka fikirayaan halka ay fursadi ka jirto iyo hanashada suuq-cusub. Waxaana ay diraan sahamiyeyaal soo indha-indheeya meelaha fursadaha ganacsi laga abuuri karo.

Friday, January 3, 2014

Warbixin: Cunista Cuntada Waddaniga Ah Oo Hargeysa Ku Soo Badanaysa Iyo Faa'idadeeda + Sawirro

IMG_3576Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan dad koox-koox u fadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.