Wednesday, January 8, 2014

Warbixin: Shirkad China Ah Oo Hargeysa Keentay Mootooyin Sida Gaadhi-dameerka Biyaha U Dhaaminaysa Iyo Dareenka Dadka Gaadhi-dameerka Ku Shaqaysta + Sawirro

Hargeysa (OWN)- Shirkadaha shisheeye ee u heellan maal-gelintu waxay mar kasta ka fikirayaan halka ay fursadi ka jirto iyo hanashada suuq-cusub. Waxaana ay diraan sahamiyeyaal soo indha-indheeya meelaha fursadaha ganacsi laga abuuri karo.

Somaliland ayaana ka mid ah meelaha muddooyinka danbe isha lagu hayo ee shirkado ajaanib ahi doonayaan inay ganacsi ka abuuraan. Waxaana ka mid ah shirkadahaas Hoo Motorcycle oo fadhigeedu yahay magaalada Shanghai ee dalka China, taas oo ka shaqaysa soo saarista nooc kala duwan ee gaadiidka sida mootooyinka wax rarista loo adeegsado.
IMG_3677
Shirkaddan ayaa gaadiid cusub oo lagu beeddelayo gaadhi-dameerka biyaha lagu dhaamiyo ku soo bandigtay carwada 6aad ee ganacsiga Somaliland.
Hoo Motorcycle oo dabayaaqadii sannadkii hore ee 2013 Somaliland timi, ayaa wasaaradda ganacsiga ee Somaliland waxay siisay ogolaansho ganacsi oo ay dalka ku keeniyaan wax-soo-saarkooda, iyagoo hore masuuliyiinta shirkaddu u sheegeen inay dalka keenayaan qalabka gaadiidka iyo ka mooyinka oo furfuran halkanna lagu xidhxidhi doono.
IMG_3666
Rambo waa maamulaha shirkadda Hoo Motorcycle, waxa aan kula kulmay goobta lagu soo bandhigayay carwada ganacsiga Somaliland ee magaalada Hargeysa, wuxuu ii sheegay inay shirkad ahaan ku qanceen inay xarun ka samaystaan Somaliland oo uu xusay in labaantankii sano ee ugu danbaysay uu ka soo if-baxayay horumar dhaqaale. “Waddankani (JSL) waa mashquul oo hawlo badan oo horumar ah ayaa ka socda beryahan danbe, oo guud ahaan wuu ka dawan yahay sidii uu ahaa labaatankii sano ee u danbaysay oo intii hore dadka reer Somaliland waxay u halgamayeen quutal-daruuriga, balse immika waddankani wuu qurux badan yahay oo dadka reer Somaliland waxay u soo jeesteen horumarka.” Ayuu yidhi Rambo.
IMG_3669
Sahamin-suuq oo uu sannadkii hore Somaliland ku yimi Rambo wuxuu ogaaday in fursado ganacsi Somaliland ka jiraan, isagoo tilmaamaay inay indhihihiisa oo jiidatay casriyeynta gaadhi-dameerka biyaha lagu dhaamiyo. “Sannadkii hore markii aan Somaliland imi waxa aan arkay dadka halkan ku nooli inay dareeraha u istimaalaan inay biyaha ka qaadaan oo ay ku dhaansadaan. Markaa ayaa waxa igu soo dhacday fikradda ah haddii la sameeyo wax cusub miyaanay ka qayb-qaadanayn ka ganacsiga fiican ee biyaha halkii dareer laga isticmaali lahaa. Dabadeed waxa aan ku laabtay China waxaan aanu iqtiraacnay wax-soo-saarkan cusub ee loo ageedsanayo biyo-dhaaminta. Waana mid aanu ugu talo-galnay suuqyada Somaliland.”Ayuu yidhi Ramo.
Waxaana uu intaa ku ladhay oo uu yidhi: “Qofka iibsada gaadiidkan cusub ee aanu soo saarnay saddex bilood gudahood ayuu kaga soo saaranaan lacagtii ka gashay. Maxaa yeelay biyuhu halkan (Somaliland) waa faa’ido miidhan. Booyadan yari waa laba foosto iyo badh oo foosto iyo badh ayay ka weyn tahay gaadhi-dameerka. Waa 500 oo litir. Waana ay ka dhaqso badan tahay dameerka. Sidaa darteed mootadan booyadda ahi way ka wax qabad iyo faa’idaba badan tahay dameerka.”
IMG_3676
Dadka ku ganacsada gaadhi-dameerka biyaha lagu dhaamiyo oo u badan dad dan yar ah oo nolol-maalmeedkooda kula soo baxa, ayaan Rambo waydiiyay waxay ka yeelayaan iyo qiimaha ay wax ku iibinayaan, wuxuuna uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Mootadani waxay ku fiican tahay bilaabista ganaciga yar yar, haddii aad hayso lacag yar oo u dhexaysa kun iyo laba kun oo dollar, waxaad maarayn kartaa in aad xabbad iibsado, una dhiibto qof si uu kuugu shaqeeyo oo uu biyaha ugu iibiyo. Sidaa awgeed tani waa abuurista ganaciga yar yar. Waxaana qiimaha lagu iibinayaa dhan yahay $1850 oo dollar. Qiimahanina waa marka aanu tafaariiqda ku iibinayno, laakiin haddii aad doonayso inaad jumlad ku iibsado waad noo iman kartaan oo waynu ka wada hadli kartaan.”
IMG_3679
Waxa kale oo Rambo sheegay inuu ku qanacsan yahay in dadka reer Somaliland ka iibsan doonaan wax-soo-saarka cusub ee ay Somaliland ku soo kordhiyeen, isla markaana ay dadka iyo dalkaba faa’ido u leedahay. Waxaana uu tilmaamaay ina dameeruhu nasan doonaan. Waxaana uu xusay in guud ahaan qalabka ay ka samaysan tahhay mootadan booyada yar la saaray ay ka keeneen China balse ay halkan ka samaysteen shirkad isku xidhxidhaysa. Waxaana uu sheegay inuu filayo in wax-soo-saarkiisu wax badan tari doono nolosha dadka reer Somaliland.
Xasan Cali Jibriil waxa uu tobankii sano uu u danbeeyey ku shaqaysanayay gaadhi-dameerka biyaha lagu dhaamiyo ee gudaha magaalada Hargeysa. Waxa aan la kulmay xilli uu biyo dhaaminayay. waxaana uu ii sheegay inay hawl badani ka qabsato gaadhi-dameerka, walaw uu xusay inuu maalinta ugu badan 10 jeer dhaamiyo, lacagta ugu badan ee soo gashaana gaadho 80,000 oo lacagta Somaliland oo u dhiganta $12 dollar.
photo 4
Sideebuu u arkaa mootaadan yar yar ee biyaha dhaaminaysa ee soo ganacsigoodii soo gashay, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi: “Bahashaai aad bay u fiican tahay oo xagga shaqada yada way ku fiican tahay oo mayeedhaankan (darmeerka) way ka fududaan lahayd oo iyadu bir weeyaan. Dameerka dhib fara badan ayaa ku imanaysa oo xagga waddooyinka dalcaduhu ka mid yihiin. Markaa haddii la helayo dareeraha wax kale oo looga leexdo aad bay u fiicnaan lahayd.”
Xasan Cali waxa cabasho ka muujiyey qiimaha lagu iibinayo mootada booyada laga dhigay, isagoo tilmaamay in lacagta iibinayaa ay ku adagtahay inay helaan. Wuxuuse u arkaa horumar soo kodhay oo ay mustaqbalka ku shaqayn karaan.
photo 2
photo 3















Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office

No comments:

Post a Comment