Waxay dagaal kula jiraan naftooda. Mar walba waxay u heellan
yihiin hagardaamaynteeda iyo lurkeeda. Kama damqanayaan halista ay
naftoodu ku sugan tahay. Ciddii kala talisa dhibtaas ay wehelka la
noqdeen waxay u arkaan dad cadow ku ah nasteexa iyo farxaddooda
nololeed. Subax, duhur, galab, habeen iyo xilli kasta oo ay tahay waxay
ku foogan yihiin dirirtaa aan naxdinta lahayn ee ay naftooda kula
jiraan.
Dardaaranka
iyo digniintu waa u dawo haddana ma daneeyaan oo waxa kala weyn
boholyowga ay u hayaan dabka ay ku shidayaan naftooda. Way garanayaan
inay naftoodu halis ku jirto, balse waxba uma qaban karaan. Waayo,
go'aanka ay guddoonsadeen ayaa ah inay giriifaan oo gabogabo joojiyaan.
Haddii ay naftoodu cid uun ka dawcwayn lahayd, iyaga ayaa ka hor taagan
oo afkeeda ku hadlaya. Hubka ay naftooda u isticmaalayaan waa mid ay
lacagtooda ku iibsadaann.
Waxba
yaanay arartu ila sii taraarine dadka aynu ka hadlaynaa waa kuwa Qaadka
cuna, oo sannaddadii u danbeeyey si xawli ah ugu soo badanayay
deegaannada ay Soomaalidu degto. Qaadku waxa uu noqday wax lagu
quraacdo, lagu qadeeyo laguna casheeyo. Dadka cunaa waxay isugu jiraan
kuqo garanaya dhibkiisa, kuwo marqaankiisu madax-maray, kuwo marna cuna
mar-na iska daaya iyo kuwo si kalle ah u qayila sida dhammaadka
todobaadka (Khamiista amma Jimcaha).
In
badan ayaa laga hadlay dhibaatooyinka Qaadka. Siyaabo kala duwan ayaa
loo daraasadeeyey , looga dooday, loona caddeeyey inuu yahay daroogo
halis ku ah caafimaadka qofka gaar ahaan dadka sida bilaa arxanka ah u
cuna ee hadh iyo habeen dabada isugu haya. Marar badan ayaa la shaaciyey
inuu yahay shay si xun u burburiya dhaqaalaha qofka iyo ka qarankaba.
Dowlado badan oo caalamka ku yaalla ayaa dalkooda ka mamnuucay in la soo
geliyo ka dib markii ay ogaadeen halista caafimaad iyo ta bulsho ee uu
sababo qaadku.
Inkasta
oo yoolkeennu aanu ahayn in aynu ka hadalno Qaadka, haddana waxa aynu
diiradda saaraynaa cunistiisa. Dadka Soomaalida ah ee ku nool laga soo
bilaabi Jabuuti, Somaliland iyo darafyada kala duwan ee Somaliya,
Ethiopia iyo Kenya waxay dhammaantood waayo-arag ku yihiin siyaabo
qaldan oo loo cuno qaadka. Waxay dad badani qaadka u cunaan si aad moodo
in lagu falay, iyaga oo aan u tudhayn naftooda. Kama fikiraan in
ilkaha, caloosha, kelyaha iyo wadnuhu in ay yihiin meelaha ugu daran ee
qaadku waxyeelo, walow uu si guud iyo si gaar ah ba u saameeyo
caafimaadka xubnaha kala duwan ee qofka.
Haddii
aanu qofku joojin karayn si xun-u-isticmaalka Qaadka, waxa ugu habboon
ee uu samayn karaa waa inuu qorshe u dejiyaa qaabka qayilaadda oo aanu
ka dhigin mid jaantaa rogan ah. Waxa kale oo uu samayn karaa soo
koobidda saacadaha qayilaadda. Waxaad arkaysaa qof qayilaya isaga oo aan
biyo, sharaab, amma shaah midna aan isticmaalayn. Taasi waxay
sababaysaa in qaadka qallaalani calooshiisa saamayn ku yeesho. Waxaana
khuburada caafimaadku sheegaan inuu horseedo xanuunno halis ah oo
caloosha ku dhaca sida calool-istaagga, qabsinka iyo hab-sami u socodka
shaqo ee dheef-shiidka cuntatada caloosha oo khalkhala.
Isku
soo wada xooriyoo qormadu waxay ku talinaysaa; haddii aanu qofku iska
dayn karayn si xun-u-isticmaalka Qaadka, waxa ugu habboon inuu yareeyo
isla mar ahaantaana samaysto qorshe adag oo ku haga tub wanaagsan ee
qayilaadda. Inuu qofku ogaado naftiisu in aanay ahayn dhagar amma wax
aan digigixanayn/damqanayn. Inuu ogaado inuu xabbad/rasaas isla dhacayo.
Inuu ogaado in naftu u baahan tahay ilaalin, daryeel, u-tudhis iyo ka
warhayn sugan. In uu qofku ahaado mid xaqiiqo-ku-nool ah. In aanu qofku
noqon daba-socod ay hogaamiso hiwaayadda ay naftiisu jeceshay ee bilaa
nafciga ah. Inuu qofku noqdo mid go'aan qaadan kara (decision maker). Ha
ogaado qof waliba in qaadku yahay qaatil (dilaa) qudha ka jaray dad aan
tiro lagu koobi karayn.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office
http://heersaremuxumed.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment