Cashuurtan
oo ay dawladda hoose kordhisay horraantii sannadkan ee ay dadweynuhu ka
cabanayaan ayaa waxa ka mid ah cashuurta maalinlaha ah, ta liisannada
ganacsiga iyo cashuurta sanadlaha ah ee guryaha.
Cashuuran
xaddigii (rates) la qaadi jiray la laban-laabay ayaa u muuqada kuwo ay
dadweynu ku cabbireen inay dhibaato weyn ku tahay, taas oo khilaaf
xooggan ka dhex abuurtay ganacsatada iyo dadweynaha oo isku dhinac ah,
iyo dawladda hoose oo dhinac kale ka tagan arrinka. Tusaale ahaan
liisannada ganacsiga oo hore u haan jiray 900,000slsh hadda waxa laga
dhigay 1,800,0000slsh oo u dhiganta $268 dollar.
Mahad
Axmed Aadan wuxuu ka mid yahay ganacsata magaalada Hargeysa, wuxuu noo
sheegay in cashuurtan lagu kordhiyey ay culays ku tahay isla markaana
aanay iska bixin karin, isagoo arrintan ka hadlayana wuxuu yidhi:
“Haddii ay dawladda hoose leedahay dhaqaale yaraan iyo tamar darro ayaa
cashuurta loo kordhiyey, dee wixii macquul ah ee annaga iyo danyartuba
aanu qaadi karno inay kordhiso ayay ahayd laakiin boqolkiiba bolqol inay
hal mar kordhisaa wax macquula maaha. Haddii aan tusaale soo qaato ta
ugu yaran ee la kordhiyey waa juwanka xashiishka oo hore na looga qaadi
jiray 1000 ssh. Haddii ay kunkaa ku kordhin lahaayeen labada boqol,
saddex boqol amma shan boqol wax bay ahaan lahayd laakiin waxay
kordhisay 100% oo macnaheedu yahay in laga dhigay 2000 oo shilling.
Taasina maaha wax uu qofku qaadi karo.”
Xogaha
kale ee aanu helnay ee xaqiijinaya cashuuraha ay dawladda hoose
boqolkiiba boqol kordhisay waxa ka mid ah gurha oo tusaale ahaan haddii
uu gurigu yahay 12*9m=108m*1,200slsh=129,600slsh, halka uu hore uga
ahaan jiray 108m*600slsh=64,800slsh.
Waxaana
cashuurtan la kordhiyey saamayn ku yeelatay dadka guryaha ku leh
Hargeysa, sida ay tilmaamayso Raxma Axmed: “Anigu waxa aan ku jiraa guri
12*12 miter ah oo hore waxa la iiga qaadi jiray lixdan kun, hadda se
boqol iyo labaatan kun ayaa la shubayaa. Aad iyo aad ayay u adag tahay
laakiin dadka badankiisu waanu ogayn. Haddii ay cashuurtaasi hirgashana
dadka kiroolaha ah iyagana kirada waa lagu kordhinayaa. Cashuurtaa
lanagu kordhiyey anigu waan ka doodayaa oo waan ka hadlayaa miyaanan qof
Somalilander ah ahayn.”
Xildhibaan
Cabbaas Cabdi Aadan oo ka mid ah xildhaanbada golaha deegaanka Hargeysa
oo aanau waydiinmnay sababta keentay inay cashuurta labanlaab ku
kordhiyaan dadka ayaa sheegay inay baahi keentay, isagoo cashuurta la
kodhiyey ka hadlayanba wuxuu yidhi: “Sababta cashuurta loo kordhiyey
waxay tahay baahi badan ayaa jirta oo waddooyin ma jiraan, oo waxyaabo
badan ayaan jirin. Markii waddooyinka iyo waxyaabihii magaalada lagu
horu marin lahaa ayaa la isu eegay markaas ayay noqotay in cashuurta la
kordhiyo. Hadda cashuurteenuna ma badna marka loo eego Jabuuti iyo
Itoobiya. Waxaana saska keenay dadku cashuur jaban ayay u barteen, midda
kale dadku waanay is aaminsanayn oo waxan la qaadanayo in wax lagu
qabanayo ma aaminsana.”
Xildhibaanka
oo ka garaabay markii aanu hordhignay cashada dadka ka soo yeedhaysa,
ayaa xusay inay marka loo baahdo lagu noqon doono wax-ka-bedelka
cashuurta ka dib marka ay dhaqan gasho: “Waxyaabo badan ayaa la eegayaa
oo culayska ka yimaadaa ayaa la eegayaa, dee kollay meesha culays ka
yimaado ee doodo iyo asqabsi ka yimaadaan dib ayaan loo eegayaa illayn
meesha keligii taliye ma jira'e.” Ayuu hadalkiisa ku soo af-meeray
xildhibaan Cabbaas.
Waxaana
masuuliyiinta suuqa Waaheen ee Hargeysa ay noo sheegeen inay guddi u
saareen cashuurta la kordhiyey ay dawladda hoose kala hadlayaan sidii
meel dhexe la isugu iman, iyagoo tilmaamay ka wadan hadlayaan sidii meel
dhexe la isugu iman lahaa.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office
No comments:
Post a Comment