Monday, December 30, 2013

Dood-furan: Fan-ceebays!


Maalin kasta waxa aad arkaysaa wax ku-yaab-gelinaya. Fajac iyo amakaagna kugu reebaya, isla markaana kugu beeraya su'aalo maankaaga dhex muquuranaya. Waxay ahayd horrantii bishan December ee sannadkan 2013ka mar aan la kulmay dhacdo iga yaabisay. Si kedis ah waxa aan u furay muuqaal ku jiray barta internet-ka ee loo yaqaanno Youtube.com. Waa fannaan ka mid ah fannaaniinta da'da yar ee xilliyadan danbe heesihiisa sida weyn loo xiiseeyo. Wuxuu hees muuqaal ah ummaddiisa ugu soo bandhigay isagoo si anshaxa ka baxdan ula fara-ka-ciyaaraya, u taataabanaya, ugu dheg-dhegaya gabadh ajaanib ah. Taagga wuxuu is-leeyahay muuji ilbaxnimo iyo wax cusub, balse ma oga dhaawaca uu fankiisa iyo naftiisa u gaysanayo.

Friday, December 27, 2013

Warbixin: Dhakhtar Ilaahay Hibo U Siiyey Inuu Madaxa Qofka Qalo Lafo Xoolaadna Gelinaya + SAWIRO

Weli akhriste ma aragtay mase la kulantay dhakhtar aan jaamacad ka soo bixin oo madaxa qofka beni’aadanka ah qalaya lafo xoolaad gelinaya, dadka jajabay biro iyo lafo gelinaya, guud ahaan-na meel kasta oo qofku ka jabana kabaya.
Halkani waa xaruntii hore ee carwada hiddaha iyo dhaqanka ee Hargeysa oo hadda isu bedeshay dhakhtar iyo waadhadh lagu daweeyo dadka jajaba. Marka aad goobtan timaado waxay indhahaagu qabanayaan dad baandhays kaga duuban yahay madaxa, lugaha, gacmaha, dhexda iyo qaybo kale oo qofka ka mid ah.

Tuesday, December 24, 2013

Ma Siyaasi-baa Mise Waa Suldaan?


Waxa la joogaa xilli ay muuqato in la isku dhex milmay. Waxay milgihii iyo hugiiba ay ka xayuubiyeen mansab waqtiyo hore meel sare kaga jiray meertada nolosha dadka afka Soomaaliga ku hadla. Waxay u xuubsiibteen inay ku qadhaabtaan magacii sharafta lahaa ee mudnaa in la qaddariyo. Magacyo badan ayay ku mutaysteen hab-dhaqanka ay ku sugan yihiin, iyagoo ku dhex asqoobay ujeedooyin badweyn ah oo hadba dhinac u jiidanaya. Illayn mar ayuun-baa la xisaabtamaa, bir-magaydo la yeeshaa, hoos loo eegaa jidka lagu soconayo, ma leh. 

Monday, December 16, 2013

Weedha Gorfaynta Buugga SAMO-TALIS


Habeenkii xalay waxa jaamacadda Hargeysa lagu soo bandhigay buug xanbaarsan geeddi-socodkii nololeed ee odayga Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe). Buuggan oo ka kooban 277 bog, wuxuu xanbaarsan yahay todobo geeddi oo siyaabo kala duwan uga hadlaya waayihii iyo dorarkii nololeed ee xaajigu soo maray.