Monday, May 17, 2021

Ma Cadaw Ayey Dileen Mise Libaax Rabbaayad ah? WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Maydka libaaxii askartu toogatay

Astaan kale oo Somaliland leedahay, ayaa ku baxday gacanta ciidanka bishii April ee sannadkan 2021. Hore, askar ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa dhagax ku dilay geedkii muunadda u ahaa buurta Daalo (Mooli). Mar kale, askar ka tirsan bileyska, ayaa sida taliyihii watay sheegay, toddoba xabbadood ku du dilay libaax rabbaayad ahaa, oo si farsamo xumo ah uga fakaday halkii lagu hayey. Waa maragmadoon in ciidanku nafta dadka badbaadinayeen, bal se waa tallaabo kale oo bannaanka keentay, qorshe xumo jirta oo salka ku haysa in aan hore looga tabaabushaysan, ka la’ badbaadinta dadka iyo libaaxaa rabbaayadda ahaa ee aan duurjoogga ahayn. Xalka keliya ee la guddoontay ayaa noqday in dil toogasho ah lagu fuliyo. Waa dhaawac kale, oo soo gaadhay qalbiya dadka u ololeeya badbaadada deegaanka iyo duur-joogta naadirka ah ee Somaliland ku nool. Dadkaa oo aan ka mid ahay, waxa aanu ka soo kabanaynay jugtii iyo xanuunkii na gaadhay, bishii Julaay ee sannadkii 2020, markii askartu dhagaxa ku dishay mooligii Daalo. 

Muu ahayn libaax ka yimi Libaax-qawdhama, Gacanlibaax ama meel kale oo Somaliland ka mid ah ama ka baxsan, ee waxa uu ahaa libaax rabbaayad ah oo ka baxsaday meeshii lagu hayey. Waxa uu ahaa libaax ku koray gacanta dadka, oo waa la quudin jiray tan iyo markii uu dhashay. Muu ahayn mid ugaadhsada oo dibada cunto u doonta ama dadka hilibkooda ku mamay, ee waxa uu ahaa mid arkayey dad u shaqaynaya oo u adeegaya intii uu noolaa ba. Waa wax Ilaahay qoray oo cidi na may baajin karayn’e, libaxaa waxa khaarajiyey ciidanka birmadka ee booliska Somaliland ka tirsan. Ciidanku amar la siiyey ayey fuliyeen oo canaan ma laha, waxa se canaantu dulsaaran tahay sida hawsha loo maareeyey. Haddii ay dileen ba, in ay qoryaha la dulfadhiistaan oo ay shirjaraa’id ku dul qabtaan may qummanayn. Maydkiisa na in ay gubaan, iya na waa laga qurux badnaa, oo waxay ahayd in lagu wareejiyo Cali Maxamed Warancadde ama haragga ha ka saaro, oo siyaabo badan loo isticmaalo, xusuus na u noqon lahayd, maadaama oo uu tacab badani ka galay korintiisa ama ba ha aaso maydkiisa. In kasta oo nolosha dadka iyo badqabkoodu wax kasta ka horreeyo, oo libaaxa baxsaday halis iyo cabsi ba gelin karo bulshada, sida dhacday ee uu gabadh waxyeellada u geystay, hadda na aad ayaan uga naxay sidii libaaxa loo dilay. Weydiimo badan, ayaa dulhoganaya dilkiisa iyo sidii la yeeli lahaa ba markii uu baxsaday iyo meesha lagu hayey ba. Waxa meesha ka soo baxday, in aanu jirin qorshe wax badbaadin ah, dil mooyaane. Waa diyaargaraw laga rabo in uu sameeyo Cali Warancadde, oo sheegay in uu lix iyo labaatan sano libaaxyada dhaqayey. 

Hore ayaa loo yidhi: “Nin habari dhashay, hal ma seegi weydo.” Cali tacab weyn ayuu muujiyey, oo libaaxyadii waddankeena ka dagabar go’ay ee ka guuray, ayuu is u xilqaamay in uu sameeyo meel loogu soo hagaago. Mar haddii uu go’aansaday in uu dhaqo libaax, oo ah xayawaan halis ah, ku na dhex dhaqo magaalo (Hargeysa), waxa fuulaya xil culus oo ku arooraya sidii uu dadka iyo libaxaa u ka la badbaadin lahaa. Tusaale ahaan, in meesha lagu haynayaa ay yeelato dhawr deyr oo ka la danbeeya. Haddii uu libaax is ku dayo in uu baxsado, oo uu meesha jeelka ah ee lagu xareeyo uu dibada uga baxo, in uu jiro deyr dheer oo adag oo aanu ka gudbi karin. Haddii ba ay dhacdo oo uu libaax baxsado, in Cali uu diyaar u yahay qoriga laga rido suuxisada xayawaanka duurjoogta ah loogu talagalay, ee lagu gano lagu na suuxiyo marka la qabanayo. Haddii uu Cali qorigaa hayo, oo uu libaax dibadda u cararo, waxa fududaan lahayd in libaaxaa nolol lagu soo celiyo. Waxay ahayd markii labaad ee libaax ka baxsado Beerta Libaaxyada ee Cali Warancadde ee Hargeysa, is la markaa na uu waxyeelo geysto, muxuu ka bartay dhacdadaa hore iyo in aanay mar danbe soo noqon? Muxuu libaaxyada ugu rari waayey meel magaalada ka baxsan, si haddii uu baxsado libaax ay xitaa waxyeladiisu u yaraato? Mar na ma ku fekeray in uu gacanta dawladda ku wareejiyo? In kasta oo uu tacab badni ka galay xannaanaynta libaaxyada. Weydiimahaa iyo kuwo kale oo badani ba, Cali, way horyaallaan. 

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somalilan, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta u sheegtay in sharcigu u ogol yahay in ay la wareegaan libaaxyada Warancadde. Kollay ba wax si dhib yar loo la wareegayaa ma jirto, oo waa in si waafiya looga arrinsadaa tacabkii muddada soo taxnaa ee Cali ka galay libaaxyada. Waasiirku, ma ahayn in ay la soo booddo la wareegista ee waxa mudnayd, in ay hore u qiimeeyaan ammaanka goobta lagu hayo libaaxyada iyo in ay habboon tahay in magaalo lagu dhex hayo xayawaan halis ah. In kasta dalalku ka la shacri duwan yihiin, marka laga tago goobaha qaran ee xayawaanka, waddamo ka la duwan waxa ka jira goobo xayawaanka halista ah lagu hayo, oo gaar loo leeyahay. Arrinta muhiimka ahi waxa weeyaan, sida xil weyn la isaga saarayo adkaynta ammaanka goobaha, ujeeddada loo dhaqayo, in goobtu ku habboon tahay iyo sida loo gudanayo masuuliyada quudinta. 

Ugu danbayn, waxa mudan in la Ilaaliyo deegaanka, oo noloshu ku xidhan tahay. Waxa kale oo laga ma maarmaan ah in la Ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ee waddanka ka badargo'aya. Cid kasta oo waxyeello ku haysa na, waa in tallaabada ku habboon oo sharci ah laga qaado. Si aanay mar danbe u dhicin, oo aan libaax rabbaayad ah loo toogan, waa in qaran ahaan la diyaariyo dad u tabaran sida loo qabto libaaxa ama duurjoogta kale ee halista ah; kuwa rabbaayadda ah iyo kuwa aan ahayn ba. Haddii ay jiraan na waa in la xoojiyo. Sida oo kale, waa in mar kasta la la tashado khuburada deegaanka iyo duurjoogta. Si looga badbaado in si quracan wax loo maareeyo. 

WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare" cabdiheersare01@hotmail.com