Friday, November 5, 2021

Hooyadii La Xoreeyey! WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Hooyo Nuura oo carruurteeda dhextaagan
Sawirka/MMTV 
Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go'doon ah oo hooyadu in muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo nooleeyey. Garab la'aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay, gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda.

Nuura Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go'day hagbad ay ururin jirtay, oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u ahayd.

Halkan ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin yar oo weriye ah, oo ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo magaalada Hargeysa.  Si ay ku heleen ba xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku da'ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na hadalkeedaa daa!

Guddoon Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday iyo abtigay na way na la joogaan.”

Waxa weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in deynta laga bixiyo si loo sii daayo.

Gashigaasi waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah.

Markii hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan  majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda da'deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye, markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd.

Mar haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta. Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943 doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey. Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo.

Waxan bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u baahan in loo gurmado.

Hawshan oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka. Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo iyo warbixino ha ka samayso.

Waxan ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo, qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa.

 

Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

cabdiheersare01@hotmail.com

Monday, May 17, 2021

Ma Cadaw Ayey Dileen Mise Libaax Rabbaayad ah? WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Maydka libaaxii askartu toogatay

Astaan kale oo Somaliland leedahay, ayaa ku baxday gacanta ciidanka bishii April ee sannadkan 2021. Hore, askar ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa dhagax ku dilay geedkii muunadda u ahaa buurta Daalo (Mooli). Mar kale, askar ka tirsan bileyska, ayaa sida taliyihii watay sheegay, toddoba xabbadood ku du dilay libaax rabbaayad ahaa, oo si farsamo xumo ah uga fakaday halkii lagu hayey. Waa maragmadoon in ciidanku nafta dadka badbaadinayeen, bal se waa tallaabo kale oo bannaanka keentay, qorshe xumo jirta oo salka ku haysa in aan hore looga tabaabushaysan, ka la’ badbaadinta dadka iyo libaaxaa rabbaayadda ahaa ee aan duurjoogga ahayn. Xalka keliya ee la guddoontay ayaa noqday in dil toogasho ah lagu fuliyo. Waa dhaawac kale, oo soo gaadhay qalbiya dadka u ololeeya badbaadada deegaanka iyo duur-joogta naadirka ah ee Somaliland ku nool. Dadkaa oo aan ka mid ahay, waxa aanu ka soo kabanaynay jugtii iyo xanuunkii na gaadhay, bishii Julaay ee sannadkii 2020, markii askartu dhagaxa ku dishay mooligii Daalo. 

Muu ahayn libaax ka yimi Libaax-qawdhama, Gacanlibaax ama meel kale oo Somaliland ka mid ah ama ka baxsan, ee waxa uu ahaa libaax rabbaayad ah oo ka baxsaday meeshii lagu hayey. Waxa uu ahaa libaax ku koray gacanta dadka, oo waa la quudin jiray tan iyo markii uu dhashay. Muu ahayn mid ugaadhsada oo dibada cunto u doonta ama dadka hilibkooda ku mamay, ee waxa uu ahaa mid arkayey dad u shaqaynaya oo u adeegaya intii uu noolaa ba. Waa wax Ilaahay qoray oo cidi na may baajin karayn’e, libaxaa waxa khaarajiyey ciidanka birmadka ee booliska Somaliland ka tirsan. Ciidanku amar la siiyey ayey fuliyeen oo canaan ma laha, waxa se canaantu dulsaaran tahay sida hawsha loo maareeyey. Haddii ay dileen ba, in ay qoryaha la dulfadhiistaan oo ay shirjaraa’id ku dul qabtaan may qummanayn. Maydkiisa na in ay gubaan, iya na waa laga qurux badnaa, oo waxay ahayd in lagu wareejiyo Cali Maxamed Warancadde ama haragga ha ka saaro, oo siyaabo badan loo isticmaalo, xusuus na u noqon lahayd, maadaama oo uu tacab badani ka galay korintiisa ama ba ha aaso maydkiisa. In kasta oo nolosha dadka iyo badqabkoodu wax kasta ka horreeyo, oo libaaxa baxsaday halis iyo cabsi ba gelin karo bulshada, sida dhacday ee uu gabadh waxyeellada u geystay, hadda na aad ayaan uga naxay sidii libaaxa loo dilay. Weydiimo badan, ayaa dulhoganaya dilkiisa iyo sidii la yeeli lahaa ba markii uu baxsaday iyo meesha lagu hayey ba. Waxa meesha ka soo baxday, in aanu jirin qorshe wax badbaadin ah, dil mooyaane. Waa diyaargaraw laga rabo in uu sameeyo Cali Warancadde, oo sheegay in uu lix iyo labaatan sano libaaxyada dhaqayey. 

Hore ayaa loo yidhi: “Nin habari dhashay, hal ma seegi weydo.” Cali tacab weyn ayuu muujiyey, oo libaaxyadii waddankeena ka dagabar go’ay ee ka guuray, ayuu is u xilqaamay in uu sameeyo meel loogu soo hagaago. Mar haddii uu go’aansaday in uu dhaqo libaax, oo ah xayawaan halis ah, ku na dhex dhaqo magaalo (Hargeysa), waxa fuulaya xil culus oo ku arooraya sidii uu dadka iyo libaxaa u ka la badbaadin lahaa. Tusaale ahaan, in meesha lagu haynayaa ay yeelato dhawr deyr oo ka la danbeeya. Haddii uu libaax is ku dayo in uu baxsado, oo uu meesha jeelka ah ee lagu xareeyo uu dibada uga baxo, in uu jiro deyr dheer oo adag oo aanu ka gudbi karin. Haddii ba ay dhacdo oo uu libaax baxsado, in Cali uu diyaar u yahay qoriga laga rido suuxisada xayawaanka duurjoogta ah loogu talagalay, ee lagu gano lagu na suuxiyo marka la qabanayo. Haddii uu Cali qorigaa hayo, oo uu libaax dibadda u cararo, waxa fududaan lahayd in libaaxaa nolol lagu soo celiyo. Waxay ahayd markii labaad ee libaax ka baxsado Beerta Libaaxyada ee Cali Warancadde ee Hargeysa, is la markaa na uu waxyeelo geysto, muxuu ka bartay dhacdadaa hore iyo in aanay mar danbe soo noqon? Muxuu libaaxyada ugu rari waayey meel magaalada ka baxsan, si haddii uu baxsado libaax ay xitaa waxyeladiisu u yaraato? Mar na ma ku fekeray in uu gacanta dawladda ku wareejiyo? In kasta oo uu tacab badni ka galay xannaanaynta libaaxyada. Weydiimahaa iyo kuwo kale oo badani ba, Cali, way horyaallaan. 

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somalilan, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa warbaahinta u sheegtay in sharcigu u ogol yahay in ay la wareegaan libaaxyada Warancadde. Kollay ba wax si dhib yar loo la wareegayaa ma jirto, oo waa in si waafiya looga arrinsadaa tacabkii muddada soo taxnaa ee Cali ka galay libaaxyada. Waasiirku, ma ahayn in ay la soo booddo la wareegista ee waxa mudnayd, in ay hore u qiimeeyaan ammaanka goobta lagu hayo libaaxyada iyo in ay habboon tahay in magaalo lagu dhex hayo xayawaan halis ah. In kasta dalalku ka la shacri duwan yihiin, marka laga tago goobaha qaran ee xayawaanka, waddamo ka la duwan waxa ka jira goobo xayawaanka halista ah lagu hayo, oo gaar loo leeyahay. Arrinta muhiimka ahi waxa weeyaan, sida xil weyn la isaga saarayo adkaynta ammaanka goobaha, ujeeddada loo dhaqayo, in goobtu ku habboon tahay iyo sida loo gudanayo masuuliyada quudinta. 

Ugu danbayn, waxa mudan in la Ilaaliyo deegaanka, oo noloshu ku xidhan tahay. Waxa kale oo laga ma maarmaan ah in la Ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ee waddanka ka badargo'aya. Cid kasta oo waxyeello ku haysa na, waa in tallaabada ku habboon oo sharci ah laga qaado. Si aanay mar danbe u dhicin, oo aan libaax rabbaayad ah loo toogan, waa in qaran ahaan la diyaariyo dad u tabaran sida loo qabto libaaxa ama duurjoogta kale ee halista ah; kuwa rabbaayadda ah iyo kuwa aan ahayn ba. Haddii ay jiraan na waa in la xoojiyo. Sida oo kale, waa in mar kasta la la tashado khuburada deegaanka iyo duurjoogta. Si looga badbaado in si quracan wax loo maareeyo. 

WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare" cabdiheersare01@hotmail.com