Monday, February 20, 2017

Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abbokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Sannad kasta maanta oo kale 20ka bisha Feebarweri waxa Somaliland looga dabbaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo lagu saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad. Waxaana farxad ii ah in aan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda UFFO oo uu si mug leh uga hadlayo Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ay dheer tahay taariikhdiisa laga soo bilaalo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.

Friday, February 17, 2017

Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)


Qofku marka uu afkaar iyo mabaadi’ kaa duwan aamisan yahay haddii aad xidho waad sii shidaalinaysaa uun. Fikirka uu qofku aamisan yahay xadhig laguma suuliyo ee xal iyo xog ayaa lagu beddelaa. Marka wax la isu sheego ee la is hoga-tusaaleeyo qofku inuu qancaa waxay ku xidhan tahay sida wax loogu sheegay iyo sida loogu bayaamiyo fikirka uu aaminsan yahay ka lidka ku ah. Marka uu jiro sharci qoran oo aan cidina ka gudbi Karin oo bulshada loo faahfaahiyey. Intaa wixii ka dambeeya arrinku waa: “War la hel ba talo la hel.”