Friday, February 17, 2017

Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)


Qofku marka uu afkaar iyo mabaadi’ kaa duwan aamisan yahay haddii aad xidho waad sii shidaalinaysaa uun. Fikirka uu qofku aamisan yahay xadhig laguma suuliyo ee xal iyo xog ayaa lagu beddelaa. Marka wax la isu sheego ee la is hoga-tusaaleeyo qofku inuu qancaa waxay ku xidhan tahay sida wax loogu sheegay iyo sida loogu bayaamiyo fikirka uu aaminsan yahay ka lidka ku ah. Marka uu jiro sharci qoran oo aan cidina ka gudbi Karin oo bulshada loo faahfaahiyey. Intaa wixii ka dambeeya arrinku waa: “War la hel ba talo la hel.”

Deegaannada kala duwan ee Somaliland waxa ku nool dad aan aamin sanayn goonni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo isugu jira kuwo muujistay iyo kuwo huursan ba. Waxa jooga dad Somaliland ba dhaafay oo raadinaya midnimo iyo in Somaliland dib ugu noqoto Soomaali weyn. Waxa ku sugan dad Soomaali ba dhaafsan oo afkaar kale aaminsan.

Dadkaasi waxay u baahan yihiin inay qanaacad helaan. Haddii la guddoonsado iyo qanaacaddooda laga dhigo in waddanka laga saaro lama dawayn. Haddii la xidh xidho lama dawayn. Haddii xayiraad xagga hadalka, dhaqdhaqaaqa iyo fikir-cabbirka ba ah laga saaro lama dawayn. Laakiin haddii qofka dibbadda looga soo amuuraha ka dhex guuxaya oo qanaacaddiisa wax dhisaya badda la keeno waa xal iyo wax kala qaadasho.

In kasta oo Somaliland ku dhawaaqday inay 1991kii ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Haddana weli lama aqoosan oo aqoonsiga koobaad ayaa kaga xidhan dalka ay ka go’ayso. Si loo yareeyo is dhexgalka bulshooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa baarlamanka Somaliland hore u ansixiyey xeer xakamaynaya is dhexgalkaa.

Haddana mar kale oo ku siman wax yar ka dib xilligii ay dhalatay xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa baarlamanka Somaliland 2011kii wuxuu cod ku laalay xeerkaas.

Markaa su’aalaha aan rabo in fiiro loo yeeshaa waxa weeye:

1.     Maxa waxa jira qaybo ka mid ah xeerkaa goluhu laalay ee xakamaynayay isku socodka Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaan wax khusaynaya siyaasadda iyo u ololaynteeda oo shaqaynaya? Mise xeerka lama wada laalin ee qodobo ku jiray ayaa la laalay?

2.     Xilliyadan dambe waxa si weyn loo dareemaa inay soo badanayaa dad ku dhiirranaya inay fikirkooda muujiyaan oo Somaliland ku nool. Siiba sidii dhawaanta dhacday ee dad kala duwani oo Somaliland joogaa ay tix iyo tiraabba ku ayideen madaxweyne Farmaajo. Markaa xukuumadda Somaliland ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Siilaanyo xadhig mooye maxaa kale oo xal ah oo ay u hayaan dadka aan Somaliland aaminsanayn?

3.     Immika waxa Hargeysa ku xidhan weriye Cabdimaalik Coldoon oo xadhigiisa lagu sababeeyey inuu Xamar tegay oo uu u ololeeyey madaxweyne Farmaajo una dabbaal degay guushiisa, inkasta oo falkaa uu ku kacay ka hor imanayo mabaadi’da saxaafadda oo ah inuu weriyuhu ku suntanaado dhexdhexaadnimo, haddana xadhigiisa oo lala xidhiidhay siyaasad ma afka iyo amar soo baxay ayaa lagu xidhay mise sharci qoran oo hadda yaalla?

4.     Noloshu way isbeddelaysaa oo dadku waayo nololeed iyo maraaxillo cusub ayay u sii guurayaan oo ay ka mid tahay fikir-cabbirid xor ah iyo adeegsiga baraha bulshada ee awooddooda aan la dhayelsan karin. Makaa xukuumadda iyo goleyaasha kala duwan ee Somaliland maxay marxaladdan u diyaariyeen oo dadka iyo wadciga la jaanqaadaya?

Warbaahinta Somaliland waxa la gudboon inay arrintan lafa-guraan oo bulshada u soo bandhigaan. Inay waraystaan baarlamanka, xukuumadda, bahda sharciga iyo haddii ay suurta gelayso dadka afkaartoodu Somaliland dhaafsan tahay.

Bulshada ma anfacayo oo qanaacad ma abuurayso hadalkan oo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid uu dhawaan warbaahinta ka sheegay isagoo yidhi: "Waxaanu xabsiga dhigi doonnaa qofkasta oo Somaliland ka soo jeeda oo ka dhex ololeeya siyaasadda Muqdisho ka socota waxa uu doono ha ahaadee cid naga sii dayn kartaana ma jirto."

Wasiirka waxa hor taalla; xadhgigu xal ma aha oo afkaarta ma daweeyo ee sharciga, xog isdhaafsiga,yo wax isu sheeggidda ayaa daweeya ee maxaa qanaacad ah oo aad bulshada u haysaa?

Cabdishakuur  X. Muxumed (Heersare)


No comments:

Post a Comment