In muddo ah aniga oo aan daawan waraysi laga qaaday masuul
sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaan dhawaan daawaday waraysi lala
yeeshay afhayeenka Al-Shabaab Cali Raage. Waxaana waraysiga la yeeshay suxufiga
Xamse Maxamed, waxaana baahisay warbaahinta Dalsoor.
Waraysigaa oo laba qaybood laga dhigay labada ba waxa aan
fursad u helay in aan daawado. Haddii aan si kooban u sheego waraysigan markii
aan daawaday waxaa iiga baxay inuu yahay
waraysi Al-Shabaab ay fursad u heshay inay bulshada farriintooda soo
gaadhsiiyaan. Sababta oo ah, su'aalaha uu weriyuhu afhayeenka waydiiyey
badankoodu waa kuwo jawaabahoodu ay sii caddaayeen oo marka hore ba mowqifka
Al-Shabaab waafaqsanaa. Laakiin su'aashu waxay tahay; Al-Shabaab weriyeyaasha waa la
col oo waxay ku jiraan bar-tilmaameedyada ay gumaadka iyo dagaalka ba kula
jiraan, maxaa xilligan keenay inay ogoladaan in la waraysto? Haddii ba ay ogolaadeen in la waraysto sida dhacday
ba intee in leeg ayuu weriyaha waraysanayaa uu madaxbannaani iyo kalsooni
dareemayaa? Maxay yihiin su'aalaha mudan ee la
waydiinayaa?
Haddii aan waraysiga ku noqdo, noociisu waa waraysiga dheer
(long interview). Wuxuu u baahan yahay diyaarin iyo fikir xeel-dheer. Waxa si
gaar ah la isu dul-taagaa kala xulashada
su'aalaha mudan ee diiradda la saarayo iyo in waraysigu yeesho ujeeddo cad oo
loo socda iyo geeddi-socod nidaamsan.
Inta badan su'aalaha uu weriyuhu waydiiyey afhayeenka
Al-Shabaab waxay ahaayeen su'aalo kala madax bannaan. Marar kooban ayay dhacday
inuu ku celiyo waxa loo yaqaanno (follow up questions) oo ah su'aalaha ka
dhasha ee la socda su'aashii hore ee la waraystaha la waydiiyey.
Su’aalaha la waydiiyey afhayeenka ee aan sugayey jabaabta uu
ka bixin doono waxa ka mid ahaa sababta ay dadka muslimiinta ah u laayaan una
qarxiyaan. Wuxuu afhayeenku ku jawaabay in aanay dadka muslimka ah layn, balse
ciddii ku xidhan kuwa uu dagaalku ka dhexeeyo sida dawladda iyo AMISOM aanay u
tudhayn. Wuxuuna sheegay huteelada ay qarxiyaan inay iyaga ugu qoran yihiin
xeryo ciidan, oo dawladdii degtay isla markaana ay madaxdda dawladdu seexdaan.
Halkii ay ahayd in weriyuhu tusaaleyaal soo qaato oo uu afhayeenka waydiiyo may
dhicin ee su’aal uu ku celiyey na sideedi uga ma jawaabin ee wuu baal maray.
Waxa la waydiiyey afhayeenka haddii ay urur ahaan rabaan inay
dalka xukumaan sababta ay doorashada uga qayb geliwaayeen. Wuxuu ku tilmaamay
baadil iyo xaaraan. Taasina waa jabaab iska caddayd inay doorasha ba iska daaye
ay nidaamka ba diidan yihiin.
Waxa kale oo muhiim ahayd oo la waydiiyey afhayeen ahaan
illaa xadka uu ka diirnaxayo dhallinyarada labada dhinac ba adeegsanayaan ee
dagaallada ku dhimanaya. Wuxuu ba ku faanay in dhallinyarada xaggooda ku
dhimanaysaa ay sharaf iyo karaamo ku dhimanayaan oo janno tegayaan. Halka uu
kuwa ka soo horjeeda ee dawladda u dagaalamaya uu ku sheegay inay meel xun ku
dhimanayaan. Markaa inuu ka naxo iska daaye wuxuu sheegay inuu dhimashooda ku
faraxsan yahay isagoo kala qaaday.
Si guud su’aalahii la waydiiyey afhayeenka Al-shabaab waxay
ahayeen kuwo jawaabihii uu ka bixiyey iyaga faa’ido iyo farriin gudbin u ahayd.
Weriyuhu wuu muujiyey inay su’aalo kulul weydiiyo, balse muhiimada la raacayaa
waxay tahay jawaabta uu bixiyey sida ay ahayd. Su’aal kasta oo la waydiiyo wuxuu
waajafiyey sida rabaan oo ee ay socdaan.
Waxa aan jeclahaan lahaa in bahda Dalsoor aan mar kale weydiiyo
su’aalahan soo socda, laakiin aan ka horraysiiyo’e waxa aad waraysateen nin isaga
iyo kuwa uu afhayenka u yahay ba aaminsan in kuwa ka soo horjeeda ee ay la
dagaalamayaan ay gaalo yihiin. In iyagu ay xaqa ku taagan yihiin oo ay diinta
iyo dalka u dagaalamaan. Marka ay sidaa tahay idinka Dalsoor ahaan
maxay ahayd ujeeda dhabta ah ee aad waraysigaa u qaadeen? Maxaad rabteen in waraysigaa uu ka soo baxo? Su’aalaha la waydiinayo afhayeenka miyaydaan
falanqayn iyo rog-rogis ku samayn? In Al-Shabaab
oo weriyeyaasha dil ugu xukuman oo weriyeyaal badani dalka uga qaxeen ay idinka
idin yeelaan oo waraysi idin siiyaan maxay ka turjumaysaa? Ma xidhiidh gaar ah ayaa idinka dhexeeya? Intee in leeg ayaad dareensan tihiin inaad farriintii
Al-shabaab meel fog aad gaadhsiiseen? Idinku dib u qiimayn ma ku samayseen
waraysigaa iyo natiijadii ka soo baxday?
Dalsoor ahaan warbixinno
kala duwan oo qiimo badan ayaad samayseen oo bulshada kaalin wax ku ool ah
ayaad ugu jirtaan. Laakiin doorkan waraysigan aad afhayeenka Al-shabaab ka
qaadeen anigu umaan bogin. Waxaana ay iga tahay talo iyo toosin.
Talo ahaan waxa aan soo jeedinayaa,
macne weyn ma ah in aad waraysato masuul xilkiisu sarreeyo ama aad loo
raadinayo, laakiin macnuhu wuxuu ku jiraa waa su’aalaha aad waydiinayso iyo
xogta kaaga soo baxaysa. Waraysigaana waxa qiimo u leelaya marka aad ogtahay ee
aad sii odorosi kartid nadiijadada ka soo baxaysa. Marka aad masuul su’aal
weydiiso inaad si dhugan ula socota sida uu uga jawaabayo, inuu jawaabta guud
maray, inuu maldahay iyo inuu sharaxaad kuu galay oo uu ku illowsiinayo nuxurka
aad rabto.
Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare)
Cabdiheersare01@hotmail.comhttp://heersare1.blogspot.no/
No comments:
Post a Comment