Wednesday, October 9, 2013

Qoraal Aan Hore Uga Diyaariyey Geeridii Abaan Gaariye

Shalay oo taariikhdu ku beegnayd 8/10/2013, waxa sannad laga joogaa maalintii la aasay alle naraxariistii janno ha ka waraabiye Abwaan/macallin Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye".

Waxaana xalay magaalada Hargeysa lagu qabto xus ballaadhan oo Abwaan Gaariye lagu xusayay laguna xasuusanayay.Waxa aan xuskan kaga qayb-qaadanayaa qoraal aan qoray 06/10/2012 oo ka mid ahayd maalmihii lagu jiray geerida Abwaanka balse aan weli la aasin. wuxuuna abwaabku god galay 8dii bisha. Qoraalkaasi waxa u i dhignaa sidan:

================================================================================================================

Mid Buu Ilaahay Oofsaday Abwaannadii Ehelka Ii Ahaa!


Mar waxa uu ahaa macalinkaygii sugaanta, marna hal-door aan ku daydo, mar kalena saaxiib aannaan isku gedo ahayn hasayeeshee sheeko-wadaag iyo fikir wadaag ah. Waxa aan ka mid ahaa dhalinyaradii faraha badnayd ee uu sida gaarka ah ugu xidhnaa isla markaana uu waayo-aragnimada nololeed u gudbin jiray. Mar kale waxa uu ahaa mar larag wax badan ku soo kordhiyey suugaanta soomaalida, isaga oo si xeel-dheer u yaqaannay naxwaha afka soomaaliga, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee helay miisaanka maansada soomaaliyeed taas oo uu si xidhiidh ah ugu soo daabici jiray wargeyskii xiddigta October sannadkii 1976kii.



Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee, qofka aan ka hadlayaa waa abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo soddonkii bishii september 2012 ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla dalka Norway.



Awbaan Gaariye, waxa uu ka mid ahaa xeel-dheerayaasha gardaadiya hal-abuurka da'ada yar ee ku soo biiraya saaxadda fanka iyo badweynta hal-abuurnimada. Waxa uu ahaa cilmibaadhe iyo hal-abuur si joogto ah isu hawli jiray horumarinta iyo kobcinta suugaanta iyo fanka ummadda soomaaliyeed.



Alle ha u naxariistee abwaan Gaariye, waxa uu ahaa qof ku sifoobay mucallin, maansoyahan, mufakir, mujaahid, deeqsi iyo qof furfuran oo cid kasta oo la saaxiibtaa aanay ka xiiso goyn jirin. Waxa uu ahaa halyey cilmigiisa, caqligiisa iyo cuddudiisa u huray xaqiijinta qarannimada Somaliland, isaga oo horena uga dhiidhiyey dulmigii taliskii siyaad Barre ku hayay ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan. Waxa uu ahaa qofkii ballaysimay silsiladii Deelleey ee dabayaaqadii 1979kii ka soo shaac-baxday magaalada Muqdisho isla markaana ay ka qayb galeen dad aad u badan oo xilligaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku sugnaa, taas oo gilgishay nidaamkii waqtigaa dalka ka taliyey ee Afweyne.


Haddii aan wax yar ka iftiimiyo wixii uu i baray abwaan Gaariye xilligii aan dhiganayay jaamacadda Hargeysa waxa ugu muhiimsanaa waxa loo yaqaano “Somali literature” taas oo abwaanku cilmi ahaan noo bari jiray qaab-dhismeedka suugaanta soomaalida, isaga oo si gaar ah noogu kala dhig-dhigi jiray siyaabaha kala duwan ee qofka hal-abuurka ahi wax u allifo.


Waxyaabaha sida gaar ah aniga maskaxdayda aan ka bixin ee macallin Gaariye alle ha u naxariistee i baray waxa ka mid ah sida loogu abtiriyo farshaxanimada ay hal-abuuradu adeegsadaan marka ay gabay, hees, geeraar amma bad kale oo maanso samaynayaan kuwaas oo aan ka xusi karo; af-maldahaneyaasha, loo eekeyaasha, u eekayaasha, hummaagyada, sillan-suganta iyo wixii la midka ah. Runtii mar kasta oo aan akhriyayo gabay, hees amma kuwo kale maskaxdayda ka baxo cilmi-suugaaneedka uu i baray rabbi ha u raxmadee abwaan Gaariye.



Mar aanu dabayaaqadii sannadkii 2010kii ka wada qayb-galnay shir ka dhacay dalka jabuuti oo ay ku kulmeen bahda hal-abuurka iyo qalinleyda soomaalida, ayaa uu noo sheegay inuu hammiga ku hayo inuu doonayo hirgelinta dugsi weyn oo wax lagu baran doono, kaas oo aan hirgelin hase ahaatee markhaati ka ah sida uu danayn jiray horumarka waxbrashada.


Alle ha u naxariistee Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” waxa uu ummada afka soomaaliga ku hadasha uga tegay dhaxal aan duugoobayn oo ku soo uruuraya horumatinta afka soomaaliga, isaga oo hal-abuurnimadiisii intii ugu mudnayd-na lagu uruuriyey diwaankiisa maansada ee “HAGAR-LAAWE” oo la daabcay sannadkii 2007dii.


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Oodweynenws.com, Hargeya

HeersareMuxumed.blogspot.com 

Heersare-iyo-gaaaariye1

Sawirkan waxa aanu wada galnay mar aanu Jabuuti shir kaga wada qayyb-galnay dabayaaqadii sannadkii 2010kii

Thursday, October 3, 2013

Diyaar-garawga Xuska 1aad ee Abwaan Gaariye

Durba sannad ayaa ka soo wareegay geeridii Abwaan, macallin iyo mufakir Maxamed Xaashi Dhawac (Gaariye). Xuska loo samaynayo waxa looga gol leeyahay oo keliya in la xasuusto wax tarkiisii, wax dhigistiisii, hal-abuurkiisii iyo guud ahaan ba sooyaalkiisii nololeed ee wanaagsanaa. 

Markasta ilaahay ayaynu u waydiinaynaa inuu Jannadii Fardawza ka waraabiyo, denbigiisa dhaafo. 

Haddii ilaahay ka dhigo maalinta salaasada-habeenimadkeeda oo ku beegan 8/10/2013, waxa magaalada Hargeysa gaar ahaan guriga shaqaalaha lagu qaban doonaa xuska iyo xusuusta sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay geeridii Abwaan Gaariye. Haddii ilaahay ka dhigo waxa halkaa lagu gardaadin doonaa, laba buug oo laga qiray Abwaan Gaariye; Mid waxa uu xanbaarsan yahay suugaantiisii ka kalena waxa lagu uruuuriyey dareenkii iyo odhaahyadii hal-abuurku ka yidhaahdeen geeridii Abwaanbka.

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/