Ballanteennu waa fikir wadaag iyo falanqayn toolmoon
Wednesday, October 9, 2013
Qoraal Aan Hore Uga Diyaariyey Geeridii Abaan Gaariye
Shalay
oo taariikhdu ku beegnayd 8/10/2013, waxa sannad laga joogaa maalintii
la aasay alle naraxariistii janno ha ka waraabiye Abwaan/macallin
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye".
Waxaana
xalay magaalada Hargeysa lagu qabto xus ballaadhan oo Abwaan Gaariye
lagu xusayay laguna xasuusanayay.Waxa aan xuskan kaga qayb-qaadanayaa
qoraal aan qoray 06/10/2012 oo ka mid ahayd maalmihii lagu jiray geerida
Abwaanka balse aan weli la aasin. wuxuuna abwaabku god galay 8dii
bisha. Qoraalkaasi waxa u i dhignaa sidan:
Mid Buu Ilaahay Oofsaday Abwaannadii Ehelka Ii Ahaa!
Mar
waxa uu ahaa macalinkaygii sugaanta, marna hal-door aan ku daydo, mar
kalena saaxiib aannaan isku gedo ahayn hasayeeshee sheeko-wadaag iyo
fikir wadaag ah. Waxa aan ka mid ahaa dhalinyaradii faraha badnayd ee uu
sida gaarka ah ugu xidhnaa isla markaana uu waayo-aragnimada nololeed u
gudbin jiray. Mar kale waxa uu ahaa mar larag wax badan ku soo
kordhiyey suugaanta soomaalida, isaga oo si xeel-dheer u yaqaannay
naxwaha afka soomaaliga, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee helay
miisaanka maansada soomaaliyeed taas oo uu si xidhiidh ah ugu soo
daabici jiray wargeyskii xiddigta October sannadkii 1976kii.
Rabbi
naxariistii janno ha ka waraabiyee, qofka aan ka hadlayaa waa abwaan
Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo soddonkii bishii september 2012 ku
geeriyooday cusbitaal ku yaalla dalka Norway.
Awbaan
Gaariye, waxa uu ka mid ahaa xeel-dheerayaasha gardaadiya hal-abuurka
da'ada yar ee ku soo biiraya saaxadda fanka iyo badweynta
hal-abuurnimada. Waxa uu ahaa cilmibaadhe iyo hal-abuur si joogto ah isu
hawli jiray horumarinta iyo kobcinta suugaanta iyo fanka ummadda
soomaaliyeed.
Alle
ha u naxariistee abwaan Gaariye, waxa uu ahaa qof ku sifoobay mucallin,
maansoyahan, mufakir, mujaahid, deeqsi iyo qof furfuran oo cid kasta oo
la saaxiibtaa aanay ka xiiso goyn jirin. Waxa uu ahaa halyey
cilmigiisa, caqligiisa iyo cuddudiisa u huray xaqiijinta qarannimada
Somaliland, isaga oo horena uga dhiidhiyey dulmigii taliskii siyaad
Barre ku hayay ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan. Waxa uu ahaa
qofkii ballaysimay silsiladii Deelleey ee dabayaaqadii 1979kii ka soo
shaac-baxday magaalada Muqdisho isla markaana ay ka qayb galeen dad aad u
badan oo xilligaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku sugnaa, taas oo
gilgishay nidaamkii waqtigaa dalka ka taliyey ee Afweyne.
Haddii
aan wax yar ka iftiimiyo wixii uu i baray abwaan Gaariye xilligii aan
dhiganayay jaamacadda Hargeysa waxa ugu muhiimsanaa waxa loo yaqaano
“Somali literature” taas oo abwaanku cilmi ahaan noo bari jiray
qaab-dhismeedka suugaanta soomaalida, isaga oo si gaar ah noogu kala
dhig-dhigi jiray siyaabaha kala duwan ee qofka hal-abuurka ahi wax u
allifo.
Waxyaabaha
sida gaar ah aniga maskaxdayda aan ka bixin ee macallin Gaariye alle ha
u naxariistee i baray waxa ka mid ah sida loogu abtiriyo farshaxanimada
ay hal-abuuradu adeegsadaan marka ay gabay, hees, geeraar amma bad kale
oo maanso samaynayaan kuwaas oo aan ka xusi karo; af-maldahaneyaasha,
loo eekeyaasha, u eekayaasha, hummaagyada, sillan-suganta iyo wixii la
midka ah. Runtii mar kasta oo aan akhriyayo gabay, hees amma kuwo kale
maskaxdayda ka baxo cilmi-suugaaneedka uu i baray rabbi ha u raxmadee
abwaan Gaariye.
Mar
aanu dabayaaqadii sannadkii 2010kii ka wada qayb-galnay shir ka dhacay
dalka jabuuti oo ay ku kulmeen bahda hal-abuurka iyo qalinleyda
soomaalida, ayaa uu noo sheegay inuu hammiga ku hayo inuu doonayo
hirgelinta dugsi weyn oo wax lagu baran doono, kaas oo aan hirgelin hase
ahaatee markhaati ka ah sida uu danayn jiray horumarka waxbrashada.
Alle
ha u naxariistee Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” waxa uu ummada
afka soomaaliga ku hadasha uga tegay dhaxal aan duugoobayn oo ku soo
uruuraya horumatinta afka soomaaliga, isaga oo hal-abuurnimadiisii intii
ugu mudnayd-na lagu uruuriyey diwaankiisa maansada ee “HAGAR-LAAWE” oo
la daabcay sannadkii 2007dii.
No comments:
Post a Comment