Saturday, November 9, 2013

Xuskii Saxaafadda!

Horta waan ku faraxsanaa inaan ka qayb-galo xuskii saxaafadda Somaliland ee  shalay ka dhacay Hargeysa. 

Arrinta keli ah ee aan sida weyn u doonayay waxay ahayd in xuska lagu soo bandhigo guulaha la gaadhay, hagar-daamooyinka jira, himmalada la hiigsanayo, caqabada tooska ah iyo kuwa dadban ee saxaafadda haysta, in laga sheekeeyo cid horumar gaadhay.
in la iftiimiyo galdaloolooyinka ka jira gudaha saxaafadda iyo sida loo sixi karo. 
Arrimahaa iyo kuwo kale oo badan ayay ila ahayd in diiradda la saaro oo si heersare ah looga hadlo. Hasayeeshee waxa shalay madasha hadheeyey oo yoolkii la lahaana siqiiriyey eedayn mucaaradka ka socotay iyo jawaab-celintii muxaafadka, oo runtii inta badan saamaysay sababtii dhabta ahayd ee xuska loo qabtay.
Haddii ilaahay ka dhigo sannadka soo socda waxa aan ku talin lahaa in xuska loo sameeyo hadaf-cad iyo bartilmaameed sugan, si aanay u mahara-habaabin is-beegsiga mucaaradka iyo mucaaradka.



HeersareMuxumed

heersare2009@gmail.com


 

No comments:

Post a Comment