Monday, November 25, 2013

Ma Kala Maaranno!

Waxa uu noqday wehel nolosha ila wadaaga. La'aantii waxa aan dareemaa cidla iyo welwel. Mar wuxuu ii yahay gaashaan, marna difaace, mar kalena u doode. Culayskiisu waa wax yar oo fudud laakiin wuxuu ii leeyahay miisaan macnaawiyan ah oo aan la malayn karin. Wuxuu ii horseedaa hal-abuurnimo, hilaadin, halabsi iyo soo bandhigista arrimo biyo-kama-dhibcaan ah oo dhadhab ku hoos libidhsan. Ma jecli inaan u adeegsado handdadaad, hagardaamo, halis-gelin iyo waxyeelayn kale. Waxaan u adeegsadaa intaas beddelkooda oo ah wax saxid, wacyigelin, wadaagista fikirrada wax-ku-oolka u ah geedddi-socodka nolosha. 
 Wax ba yaanay arartu ila sii durkin'e, waxa aan ka hadlayaa waa “QALINKA” oo aniga iigu astaysan dhammaan sifooyinka aan sheegay iyo qaar kale oo qarsoon. Qalinku waa waxa yar ee aynu aragnay inta uu le'eg yahay haba kala cabbir duwanaada'e, haddana wuxuu leeyahay awood ilaahay geliyey. Qalinku wuxuu dhigaal u beddelaa hadalada lagu hadlo. Waa laf-dhabarta saxeexyada macluumaadka iyo document-yada dadku is-waydaarsanayaan amma la wadaagayo. Waa sugaha amma saxaha xogaha kaydka ah ee taariikhda gelaya.
Qofku marka ay da'diisu waynaato wuxuu u baahdaa tukube ka caawiya xagga socodka, kicitaanka iyo taageersiga. Tukubahaasi wuxuu u kala baxaa ul xooggan, bud, bakoorad amma qalabka casriga ah ee dadka waa weyn ka caawiya xagga socodka. Tukubahaasi wuxuu ka mid noqdaa meertada nololeed ee qofka weyn, la'aantiina socod ma hawaysto. Sida uu tukubahaasi ugu tallaalan yahay nolosha qofka weyn ayuu anigana qalinku iigu turqan yahay. Waxa aan mar kasta jeclahay inuu jeebka iigu jiro, si marka aan wax u xusuusto ee ay maskaxdayda wax ku soo dhacaan aan markii ba u qoro. Haddii markaa aan jeebkayga qalin ka waayo waxaan dareemaa niyad-xumo mug leh, werwer iyo cadho. Waxa aan isku dejiyaa inaan maskaxdayda ku qoro wixii qorshuhu ahaa inaan qoro.
Inkasta oo aan dareensanahay inaan ka mid yahay dadka saaxiibka dhaw la ah qalinka, haddana dad kale oo badani kuma baraarugsana muhiimada biyo-kama-dhibcaanka ee la saaxiibista qalinku leedahay, iyadoo ku xidhnaanta iyo adegsidaga joogta ah ee qalinku tahay mid qofka ka dhigaysa inuu halabsado fursado badan oo qofka si sahal ah u seegi lahaa. Waxa aad marar badan arkaysaa arday wax baranaysa oo haddana qalin baryaya amma raad-raadiya. Waxa aad arkaysaa qof meherad xisaabiye ka ah oo qofkii la xisaabinayay qalin waydiinaya. Waxa qofkaa ka sii daran mid xafiis fadhiya oo haddana dadkii uu waraaqaaha u saxeexayay qalin waydiinaya. Dadkani waxay tusaale u yihiin kuwa ku guul-darraystay la saaxiibista qalinka.
Saaxiibbada aanu shaqo-wadaagta nahay waxay isugu jaraan qaar neceb inay qalinka adeegsadaan oo koombuyuutarada uun wax ku qora iyo kuwo haddii jeebkooda ay qalin ka waayaan si weyn uga xumaada. Tusaalahani wuxuu marqaati u yahay dadka aab hore u soo sheegay, waxa inoo muuqata inay dadku isugu jiraan kuwo saaxiib dhaw la ah qalinka iyo kuwo xidhiidhka u jaray oo aan danayn.
Biya-dhaca qormadu wuxuu yahay, muddooyinkii danbe waxa aan u fiirsanayay in xilliyadan danbe dad badani dayaceen ku xidhnaansha iyo la saaxiibista qalinka. Waxaana mudan marka aad habeenkii seexanayso in aad agtaada qalin iyo buug dhigato si marka aad hurudo ee wax kugu soo dhacaan inta aad kacto aad u qorto. Waxaana aan ku soo gabagabaynayaa haddii markasta jeebkaaga qalin laga helo, waxa aad ka dhigan tahay askari aag dagaal ku jira oo qorigiisii u cabbaysan yahay. Sidaa awgeed waxa aan ku talin lahaa in si qaddarin iyo qiimo leh loogu xidhnaado adeegsiga qalinka, oo yaan lagu beddelin qalabka badan ee casriga ah ee beryahan danbe la isticmaalo.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

Oodweynenews.com, Hargeya Office

http://heersaremuxumed.blogspot.com/

Heersare iyo qalin

No comments:

Post a Comment