Wednesday, November 13, 2013

Falanqaynta Webka: Bandhiggii Buugga Miisaanka Nolosha


11kii bishan November oo ku beegnayd habeen hore, waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay buug loogu magac-daray "MIISAANKA NOLOSHA." Farxad gaar ah ayay ii lahayd inaan ka qayb-galo bandhigii lagu gardaadinayay buuggaas, aniga oo weliba nasiib u yeeshay inaan xidhiidhiyo xafladdii daah-furka buugga.
  
Buugan waxa qoray Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan "Haldeeq" waa buug uu si buuxda ugu qaadaa-dhigay dhinacyo kala duwan oo nolosha ah. Buuggu wuxuu ka kooban yahay saddex cudub. Cutubka koobaad wuxuu qoruhu kaga hadlayaa Milicsiga Nolosha. Waxa uu soo qaadaanayaa dhawr mawduuc oo cutubkan la xidhiidha kuwaas oo ay ka mid yihiin; Macallinka nolosha, wadatshigu waa tiirka nolosha, barbaarintu waa badbaado, marinka nolosha, bay'addu waa badweyn, hantida iyo hogaanka, cabbirka nolosha, caddaaladi waa sinnaan, baqal baa nirig dhashay iyo dulmigu waa dabar-goyn.
Dhammaan qodobada cutubkan ku jiraa waxa mid kastaa uu leeyahay sharraxaadyo si mug leh u iftiiminaya nuxurka ay ka hadlayaan. Weliba cutubkani wuxuu diiradda saarayaa arrimo si biyo-kama-dhibcaan ah u taabaya geeddi-socodka nolosha. 
 
Cutubka labaad waxa uu qoru ugu magac-daray "Milgaha Nolosha" waxa hoos imanaya dhawr qodob oo kala ah; Carruurnimadu waa ku caqabad nolosha, casharka nolosha, love number "5", duullaankii ayaxa, saamiga saboolka, Booraan hadimo, dayb daalac iyo dayar madoobaad.
Sida oo kale cutubka saddexaad ee buugga wuxu qoruhu u bixiyey "Weled iyo Waalid." Waxa cutubkan qodobadiisu yihiin; Dhaqanka Carsaanyada, ubadka iyo adduunka, habaar waalid, buur iyo guur-doon, furriinku waa firdhiso, mahadhada nolosha, Hagradaaba Hagran, saxidda aayadaha buugga ku jira iyo tixraaca buugga. 
Guud ahaan buuggu saddexdaa cutub ayuu ka koooban yahay, waana 213 bog oo loo daabacay cabbirka "A5". Run ahaantii markii aan guud-mar-akhtis ku sameeyey buuggan Miisaanka Molosha waxa ii soo baxday inuu yahay hage ama tuse in badan oo dadka ka mid ah ku jihaynaya jidka toosan ee nolosha. Marna waa baraarujiye soo bandhigaya caqabado nolosha haysta oo sixitaan u baahan sida in caddaalad iyo sinnaan la helo.

Buugan uu qoray abwaan Haldeeq wuxuu jidka u furayaa in lagu dhiirado in qalinka loo qaato sidii wax badan looga qori lahaa dhibaatooyin kala duwan oo ragaadiyey amma haysta nolosha dadka Soomaalida. Qoruhu wuxuu daliil ahaan u soo qaadanayaa aadayo qur'aan ah oo ku saabsan nolosha iyo caddaalada, sheekooyin iyo suugan. Waxa buuggan ku duugan 25 sheeko oo sheeko weliba taabanayso laf-dhar nolosha ka mid ah. Waxa ku jira 50 maanso iyo 100 maahmaahood oo si yaabo kala duwan nolosha uga hadlaya.
Isku soo wada xooriyoo, guud ahaan dadka xiiseeya qoraalka iyo inta jecel wanaaga nolosha waxa aan ku talin lahaa inay buugan wehel ka dhigtaan.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office
http://heersaremuxumed.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment