Wednesday, December 13, 2023

Bandhiggii Kulmiyey Qalinlayda iyo Qoraalquudata!


Waxa uu ahaa kulan la mahadiyey oo kulmiyey dad isu baahnaa: qalinlayda iyo qoraalquudata. Kulanka waxa suurtageliyey ururka Somali Nordic Culture Presenterar, oo soo agaasimay badhigdhaqameedkii Soomaalida ee ka qabsoomay caasimadda dalka Iswiidhan ee Stockholm. Waxa uu bandhiggu soconayey saddex maalmood (8-10/12/2023). Waxa uu ahaa bandhig si heersare ah loo soo agaasimay, oo wakhti iyo maarayn hufan ba loo huray. Marka laga yimaado musdanbeedka ururka, waxa hawsha xuddun u ahaa laba qof oo maddaaleyaal ah: Muuse M. Ciise “Dalmar” iyo Degmo Axmed. Hannaankii hawsha loo hagayey iyo hawlwadeennadii gacanta ku hayey bandhiggu, waxa ay hirgeliyeen in saddexdaa maalmood noqdaan kuwo si weyn loo faa’idaystay. Waxa la kulansiiyey halabuur kala duwan oo dalal kala duwan isaga kala yimi; qoraayaal, filinsameeyeyaal, bareyaal, arday iyo martisharaf tiro badan. Waxa la soo bandhigay oo la wadaagay buugaag xanbaarsan: aqoon, suugaan, sheekofaneed, taariikh iyo buugaag carruurta loo qoray. Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyey in ay soo bandhigaan gabayo ay ku tiriyeen afafka Iswiidhishka iyo Ingiriisiga. Waxa kale oo daraasad iyo tababar ku saabsan Afsoomaaliga soo bandhigay bare sare Morgan Nilsson, oo muddo dhawr iyo toban sano ah baadhitaan ku samaysanayey Afsoomaaliga, isla markaa na hadda ka dhiga jaamacadda Goteborg ee dalka Iswiidhan. Nasiib weyn waxa loo helay in madasha lagu daawaday filinka "Xaaska Xabaal Qodaha" oo noqday filin adduunka saamayn ku yeeshay, oo fikirkiisa iyo iskudubbaridkiisa uu lahaa Khadar Caydaruus. Waxa aan ka mid ahaa dadkii fursadda u helay in ay bandhigdhaqameedka ka qaybgalaan. Mar uu i xannibo xanuunkii Karoona iyo marar badan oo kale, oo mashquulka iyo waayahu i hakiyeen ba, wakhti u maan helin in aan madal furan kaga hadlo buugga "Hogatuska Nolosha" ee maaxdii macallinka nolosha, abwaan Hadraawi, Ilaahay SWT ha janneeyo oo ha u denbidhaafo e. Dadka Stockholm deggen iyo inta ka baxsan bandhigga ka soo qaybgashay, ayaa nasiib u yeelay in aanu madal furan ku wadaagno buugga. Qabanqaabiyeyaasha bandhigdhaqameedku, waxay guteen xil weyn oo dad badan saarnaa. Waxa ay u hiiliyeen dhaqanka iyo afka ba. Waxa ay muujiyeen karti iyo hufnaan muujinaysa, haddii Alle idmo, in sannadka soo socda na ay qaban karaan bandhig kale qaayo badan. Way ku mahadsan yihiin xilkasnimada iyo xilka ay guteen ba. Qore: Heersare Muxumed