Thursday, December 7, 2017

Wareysi Aan 2011kii Ka Qaaday Gudoodo Carwo. Diyaarintii: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

Alle ha u naxatiistee Shamis Abokor Ismaaciil "Guduudo Carwo"  oo maanta Hargeysa lagu aasay, ayaa bishii Jeeniweri  ee sannadkii 2011 waxa aan Hargeysa ka qaaday wareysi aan xilligaa ciwaan uga dhigay "GOORMAA KUUGU DAMBAYSAY GUDUUDO CAWRO."
Wareygsii aan xilligaa ka qaaday ayaan idin la wadaagayaa ee ka bogasho wanaagsan:

Sunday, November 12, 2017

Somaliland: Xayiraadda Baraha Bulshada. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).


Go'aankii ay guddida doorashooyinka Somaliland shirkadaha isgaadhsiinta kaga dalbadeen inay xayiraan barashada bulshada, waxa uu u muuqdaa go'aan salka ku haya laba daran mid dooro: In la helo nabad iyo degenaansho inta lagu hawlan yahay doorashada iyo natiijadeeda, lagana badbaado wararka been-abuurka ah ee bulshada kicinaya. In la lumiyey xorriyaddii hadalka ee bulshada iyo fikir wadaagistii ba, maadaama oo baraha bulshadu hadda noqdeen meelaha laga la socdo afkaarta bulshadsa.

Monday, November 6, 2017

Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).

Barnaamij muuqaal ah oo dhawaan lagu sameeyey magaalada Oslo ee caasimada Norway, ayaa lagu soo bandhigay waxa qofka sirta u ah ee aanu cid kale u sheegin. Barnaamijka oo la sameeyey xilli hawlo doorasho lagu jiray, ayaa waxa ugu mudnaa laba weydiimood oo la kala weydiinayey dadka asal ahaan Noorwiijiya ah iyo dadka aan ahayn oo soomaalidu ku jirto, laakiin muddooyin kala wudan waddanka ku noolaa.

Saturday, November 4, 2017

May U Meel Dayaan. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)


Waxa uu ku nool yahay dacalka waqooyi ee caalamka. Habeen keliya isuma arko inuu ka maqan yahay dalkiisii hooyo. Mararka qaar waxa ku wada kulma farxad iyo naxdin is barbar socda, oo xaalado kala duwan ku kala saabsan. Waxa dhib ugu filan dhawaaq aan laga fiirsan oo si yar loogu tiraabay, oo markiiba ay soo gudbiyeen baraha bulshada ee caalamkii ka dhigay ardaa la wada joogo. Taa beddelkeeda, waxa rayn rayn ugu filan dhanbbaal farxadeed oo soo gaadha.

Friday, September 29, 2017

Gudagalka Xilliga Caleen-daadashada + Sawirro

Waxa la galay oo lagu jiraa xilligii dayrta. Waa waqti u kala duwan deegaaanada iyo bii'adaha qaaradaha caalamka. 

Monday, February 20, 2017

Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abbokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Sannad kasta maanta oo kale 20ka bisha Feebarweri waxa Somaliland looga dabbaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo lagu saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad. Waxaana farxad ii ah in aan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda UFFO oo uu si mug leh uga hadlayo Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ay dheer tahay taariikhdiisa laga soo bilaalo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.

Friday, February 17, 2017

Faallo: Xadhig Mise Xal? Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)


Qofku marka uu afkaar iyo mabaadi’ kaa duwan aamisan yahay haddii aad xidho waad sii shidaalinaysaa uun. Fikirka uu qofku aamisan yahay xadhig laguma suuliyo ee xal iyo xog ayaa lagu beddelaa. Marka wax la isu sheego ee la is hoga-tusaaleeyo qofku inuu qancaa waxay ku xidhan tahay sida wax loogu sheegay iyo sida loogu bayaamiyo fikirka uu aaminsan yahay ka lidka ku ah. Marka uu jiro sharci qoran oo aan cidina ka gudbi Karin oo bulshada loo faahfaahiyey. Intaa wixii ka dambeeya arrinku waa: “War la hel ba talo la hel.”

Sunday, January 15, 2017

Faallo: Waraysigii Af-hayeenka Al-Shabaab Maxaa Iiga Baxay? Qalinkii: Cabdishakuur Heersare


In muddo ah aniga oo aan daawan waraysi laga qaaday masuul sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaan dhawaan daawaday waraysi lala yeeshay afhayeenka Al-Shabaab Cali Raage. Waxaana waraysiga la yeeshay suxufiga Xamse Maxamed, waxaana baahisay warbaahinta Dalsoor.

Sunday, January 1, 2017

Arrin Iga Yaabiyey! Qalinkii: Cabdishakuur  X. Muxumed (Heersare)

Waxa dhawaan i soo gaadhay in idaacadda qaranka Somaliland ee Radio Hargeysa laga sii daayey codad mid ka mid ah baraha bulshada gaar ahaan WhatsApp-ka laga soo dejiyey. Warkii waan dhegaystay, qodobka ugu weyn ee loo cuskaday wuxuu ahaa: "Qaar ka mid ah mareegaha ayaa baahiyey."