Waxa uu ku nool yahay dacalka waqooyi ee caalamka. Habeen keliya isuma arko inuu ka maqan yahay dalkiisii hooyo. Mararka qaar waxa ku wada kulma farxad iyo naxdin is barbar socda, oo xaalado kala duwan ku kala saabsan. Waxa dhib ugu filan dhawaaq aan laga fiirsan oo si yar loogu tiraabay, oo markiiba ay soo gudbiyeen baraha bulshada ee caalamkii ka dhigay ardaa la wada joogo. Taa beddelkeeda, waxa rayn rayn ugu filan dhanbbaal farxadeed oo soo gaadha.
Mar waxa uu is arkaa
isaga oo hiiftaamaya oo haaraamaya cid masaafad ahaan ka fog. Mar na waxa uu is
arkaa isaga oo iskii isu dejinaya oo nafku ku kallifayso inuu adkaysto, kana
gaashaanto gocasho aanu xalkeeda gacanta ku hayn. Xilliyada qaar waxa uu miciin
iyo dan moodaa inuu isaga jiro xaalad is illowsiin ah, haddana ma jooga’e waxa
uu is arkaa isaga oo ku foogan falkii uu is diidsiinayey. Isaga oo tiisa la
ildaran, ayaa waxa miciin iyo niyad-dejin soo bida mid ka sii daran oo is na
jahawareer dhex dabbaalanaya. Isagu se kan wareersan waxa uu dhaamaa waxoogaa
waaya-aragnimo ah oo waddanka ayuu kaga danbeeyey. Xilliyada qaar talooyinka uu
bixinayo iyo waaya-aragnimo warranka uu samaynayo wuu ku nafisaa oo shidaal
fiican ayuu ka helaa. Xitaa isaga oo og waxa la isku hayo ama hadalada la isku
tuur tuurayaa inay yihiin wax bulshada lagu kala kasbanayo, haddana marka ay
hadaladaasi marar badan soo noqnoqdaan waxay ku abuurayaan culays iyo diiqad.
“May u meel dayaan.”
Ayuu naftiisa ku yidhaahdaa isaga oo yaaban oo keligii is maqashiinaya. Waxa la
joogaa xilli uu naawilayey in hore loo socday oo laga gudbay ducufnimo aan
hadda la dugsan karin. Waqtigan la joogo waxa uu filayey in hufnaan iyo
heersare la hiigsaday. Muu filayn soo hadalqaadka iyo daliil-ka-dhigashada
xajiimooyin ku dhisan hadimooyin hore loogu dagmay. Ku darsada oo meesha soo
muu dhigan in si aan gabbasho lahayn hayb hayb la isugu kala guri doono.
Yeelkeede, waxa uu
haddana isku qanciyaa oo uu naftiisa ku yidhaahdaa: “Iska adkayso oo jidhka is
geli waa laga gudbayaaye.” Isqancintani waxa ay dawo uga noqotaa in uu gaadho
heer quus ah oo qanaacadii qaldhabayso. Waxa se anfariir ku reeba marka uu arko
qof weyn oo uu ku tirinayey xilkas iyo looga qaateen, marka inta uu afka furto
uu ku tiraabo naxli iyo hadal aan tudhaale ku jirin oo uu dan ku gaadhayo. Waxa
damqasho kale ku beerta kolka uu arko iyada oo aan dheg ba jalaq loo siinayn
qaar badan oo ka mid ah mudanta bulshada, oo marka ay u adkaysan kari waayaan
xaaladaha qaar ka hadlaya oo dadka wax u sheegaya, isla markaana laga
doorbidayo ka wax qarribaya.
Marka aan abbaarta ku
soo dhawaado, qoraalkan uu ciwaankiisu yahay “May u meel dayaan” waa dareen aan
la wadaago dad badan oo reer Somaliland ah. Gaar ahaan in badan oo ku nool
meelo waddanka ka baxsan. Waa dareen aan arkay inuu aad uga duwan yahay marka
aad waddankii joogto. Maadaamaa oo qofku aanu dalkiisii hooyo joogin waxa uu
wehel ka dhigtaa xogwareysi la xidhiidha hadba xaaladda taagan. Inuu hadh iyo
habeen ba ku fooganaado raacdaynta meeshii uu warkaa ka heli lahaa oo ay ugu
badan yihiin baraha bulshada gaar ahaan mareegaha. Waxa uu qofku saaxiib dhow
la noqdaa moobilkiisa, kombiyuutarkiisa ama wixii kale ee uu wararka iyo xogaha
waddankii ku saabsan uu kala socon karo.
Xilliyadu kala adag,
deegaannaduna kala xaalad iyo nolol ba duwan. Sida guud waqtiyada ugu badan ee
dadka dibadaha ama qurbaha ku nool uu wererku la soo dersaa waa marka ay jiraan
khilaafaadyada siyaasadeed, waqtiyada doorashooyinka, xaalad amni darro oo
waddanka la soo derista iyo marka nolosha guduhu adkaato maadaama oo qoysas
badani isku tiirsan yihiin.
Dad badan oo aan ku
jiro waxa dhib laxaad leh ku haya marka loo meel deyi waayo hadallada la
odhanayo. Marka qabyaaladdu xadhkaha goosato ee ay qarannimada ka xoog
roonaato. Dadka raba inay bulshada hogaanka u noqdaan marka ay qabiil iyo
qabyaalad gaashaan ka dhigtaan si ay yoolkaa u gaadhaan. Bulshada in ka mid ahi
marka ay doonayso danta guud inay u gawracdo dan gaar ah oo ay ku raadjoogto.
Kolka ay dhegahaaga ku soo noqnoqonayaan hadalo naxli iyo niyadjebin abuuraya.
Waqtigan Somaliland
waxa ka socda olole loogu baratamayo hanashada kursiga dalka ugu sarreeya oo ah
madaxweynenimo. Saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI waxay ku jiraan
tartan. Mid kastaaba waxa uu awoodda saarayaa inuu helo taageerayaal badan oo
guusha gaadhsiiya. Guddida doorashaduna waxay muddeeyeen in 13 bishan November
ay doorashadu dhici doonto.
Waxa aan rabaa in aan
wax ka yar iftiimiyo wixii iiga baxay intii ololuhu socday. Sida guud waa olole
nabad iyo degenaansho ku socda. Xisbi kastaana isku deyayo inuu hanto
taageerada iyo codka bulshada. Marka laga yimaado barnaamijyada siyaasadeed ee
xisbiyadu ku ololaynayaan, waxa soo baxday in loo ololeeyo si jaantaa rogan ah,
oo hadallo cunfi abuuraya la isku weerarayo ama la isku weeraray ba. Waxa dadka lagala xishoon waayey in dhegahooda
lagu rido in sidii jawaan Xamar la gaynayo. Dhegaha iyo dubaaqa dadka waxa laga
ilaalin waayey dib u xusuusinta xanuunkii iyo cuqddadii dagaalkii sokeeye ee
umadda reer Somaliland dhex maray ayna ka heshiisay. Waxa uu noqday olole uu
maykarafoonku gacanta u galay dadka aan ehel u ahayn oo waxay doonaan ku
hadlaya. Waxa ay noqotay in la is qaddarin waayey oo run iyo been ba lagu
ololaynayo. Waxa aad arkaysaa iyadoo la samaynayo waraaqo been-abuuur ah oo
qarannimada Somaliland minjaxaabin ku ah. Intaas oo amuurood oo ugaamayaa marka
ay igu kulmeen waxa aan cod dheer ku leeyahay: “May u meel dayaan.”
Midda kale ee aadka
iiga sii yaabisay ee aan ololaha ku arkay waxa weeyaan; weriyaashii Somaliland
oo qaar ka mid ahi xisbiyada u ololaynayaan. Waa weriye oo shaqada uu qabanayo
ee magaceeda uu sitaa waa mid ku dhisan mabaadi’ ay ka mid tahay
dhexdhexaadnimo. Wuu taageeri karaa xisbi iyo musharrax, laakiin sida dadka uma
ololaynayo ee codkiisa ayuu ugu hiilinayaa maalinta doorashada iyo codbixinta.
Taageeradiisa laabta ayuu ku haysanayaa oo ka uu taageersan yahay iyo ka aanu taageersanayn
ba si isku mid ah ayuu ugu shaqaynayaa.
Gunaanadka waxa aan
leeyahay dadka iyo dalka ba ha loo tudho, oo ha loo meel dayo hadalada iyo
ficillada duminta iyo natiijo-xumida keenaya.
Cabdishakuur Xaaji
Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment