Go'aankii ay guddida
doorashooyinka Somaliland shirkadaha isgaadhsiinta kaga dalbadeen inay xayiraan
barashada bulshada, waxa uu u muuqdaa go'aan salka ku haya laba daran mid
dooro: In la helo nabad iyo degenaansho inta lagu hawlan yahay doorashada iyo
natiijadeeda, lagana badbaado wararka been-abuurka ah ee bulshada kicinaya. In la
lumiyey xorriyaddii hadalka ee bulshada iyo fikir wadaagistii ba, maadaama oo
baraha bulshadu hadda noqdeen meelaha laga la socdo afkaarta bulshadsa.
Waxana tallaaban xayiraadda
diidmo kala hor yimi u dhaqdhaqaaqayaasha iyo u doodayaasha xuquuqul insaanka
ee Somaliland, oo iyagu cuskanaya qodobka danbe ee ah inay bulshadu xor u
ahaato fikir cabbirista, isla markaana la jebiyey dastuurka Somaliland ee
muwaadiniinta u damaanad qaadaya inay fikirkooda si xor ah u cabbiraan.
Guuleed Dafac oo ah
guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka HRC ee xaruntiisu tahay magaalada
Hargeysa, ayaa xarun ahaan waxay gafanta ku dhufteen go’aanka guddida
doorashooyinka, waxana uu yidhi: “In baraha bulshada la xidhaa, waa cay iyo
af-lagaaddo loo gaysanayo shacabka. Waxa ay ka dhigan tahay: garaadkooda ayaa
hooseeya, oo la aamini kari maayo. Waa tallaabo keeni doonta, in dawladaha soo
socdaa markay doonaan dadka ka xidhaan. Waa tacaddi iyo dhaqan
keligii-talisnimo. Mana aha shaqada Guddida Doorashada inay arimahaas gasho.
Waxaan ka codsanayaa Gudida hawlo badan baa u yaale, inay ka noqdaan amarkaas
oo aanay cagaha la gelin wax sumcadooda, ta Somaliland iyo ta doorashada ba
waxyeeli doona.”
Mar kale Guuleed waxa uu
sheegayaa inay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland: “Waxa aanu
Maxkamadda sare u gudbinay dacwad aanu kaga cabanayno go'aanka gudida doorashadu
ku xayirayo baraha bulshada. Go'aankaas oo aanu u aragno inuu yahay mid ka dhan
ah dastuurka iyo shuruucda dalka u taal.”
Sida guud baraha bulshadu
sannadihii u danbeeyey waxay noqdeen barkulanno lagu kulmo oo xogo kala duwan
lagu wadaago. Waxa ay noqdeen sidii ardaaga goob la isku xog waraysto. Dadka
qaar habeenkii marka ay seexanayaan moobilka legga ayey gashadaan si ay xogta ugu
danbaysa u la socdaan. Kuwo kale salaaddii marka ay toosaan wax kale iyaga oo
aan qaban indhaha ayey ku kala furaan. Kuwo kale waxay soo bandhigaan
dhaliilaha u muuqda ee ka dhasha hannaanka hogaaminta dalka iyo sida loo saxayo. Qaar kale
oo badani waxa ay dadka kula wadaagaan waxa u qabsoomay, guusha ay gaadheen iyo
talooyin kala geddisan. Mar kale, dadka qaar waxay
ba baraha bulshada u adeegsadaan niyaamyo gacansi. Kuwo kale eheladooda meelaha
fog jooga ayay si joogto ah ugu la socdaan, oo waxay kaga raysteen telfoonkii
lacagta badani kaga baxaysay.
Lama soo koobi karo
saamaynta togan ee baraha bulshadu ku leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada,
waxa se wanaagyadaa barbar socda dhincyo taban oo saamayntooda leh. Waxa ugu
daran abuurista iyo faafinta wararka been abuurka ah ee loo yaqaanno "Fake
news" oo hadda caalamku si weyn uga qaylinayo oo uu Maraykanu ugu
danbeeyey. Waxana jira siyaabo loo xaqiijiyo wararka been abuurka ee baraha bulshada lagu
baahiyo, waxaana qodobada guud la cuskado ka mid ah: In la xaqiijiyo isha warka, in si xeel dheer loo
akhriyo ciwaanka iyo xogtaba, in loo fiiro yeesho qoraha, in la hubiyo xogaha
la cuskayo ee la xiganayo, in la eego taariikhda la qoray, in loo dhug yeesho
inuu yahay war kaftan ah iyo inuu dhab yahay, inuu yahay war aan dheelitiranayn
ama aan dhexdhexaad ahayn, iyo ugu danbayn in wax la waydiiyo qof khabiir ku ah
xaqiijinta xogaha iyo ilaha warka.
Bulshada Somaliland siyaabo
kala duwan ayey uga falceliyeen go’aanka guddida doorashooyinka, iyagoo qaar badan
oo ka mid ahi fikirkooda ku cabbireen facebook. Haddii aan soo qaato laba
falcelinood, oo aan ku horreeyo qof ka soo horjeeda xayiraadda baraha bulshada isla
markaana taageersan diidmada xuquuqul insaanka, waa Axmed-Khaliif Maxamed X
Jaamac oo sidan yidhi: “Waan taageersanahay dacwaddaas guddoomiyahayga iyo
bahda xuquuqal insaanku gudbiyeen. Somaliland ma geydo, garawshiiyana looma
helaayo, in baraha bulshada loo xidho tirinta codadka. Waxa laga hadlayaa ma
aha, jacayl Facebook iyo wax la mid ah, balse waa sawirka foosha xun ee
Somaliland laga gudbinayo. Waa tallaabo mustaqbalka saamayn ku leh. Shuruucda
dalku sidaas ma qabaan. Ta caalamkuna waa la mid. Waddan keligii teliye haysto uun
baa albaabada la isu xidhaa.”
Waxa fikirka sare ka soo
horjeeda Cabdi Mire oo isaguna yidhi: “Wax walba waxa nagala weyn badbaada
dalka. Micno yeelan mayso todoba cisho oo baraha bulshada la xidho intii
propogando la faafin lahaa. Waan ku taageersanahay go'aanka ay gaadheen
komishanku.”
Baraha bulshada waxa ugu dhib
badan Facebook oo ah meesha loogu faafinta badan yahay wararka been abuurka ah
qiimaynta guud ee ii soo baxday. Sidaa darteed, aniga facebook oo aan culays
badan ka tirsanayey, isla markaana aan ku tashanayey in aan hakiyo ama yareeyo
isticmaalkiisa inta hawlaha doorashadu socdaan, ayaa waxa ila kulmay go'aanka
guddida doorashooyinka oo runtii aan moodayey inay i ogaayeen. Waxa se aan u arkaa tallaabo
lagu degdegay in guud ahaan ba la xiyiro baraha bulshada.
Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment