Alle ha u naxatiistee
Shamis Abokor Ismaaciil "Guduudo Carwo" oo maanta Hargeysa lagu aasay, ayaa bishii
Jeeniweri ee sannadkii 2011 waxa aan
Hargeysa ka qaaday wareysi aan xilligaa ciwaan uga dhigay "GOORMAA KUUGU
DAMBAYSAY GUDUUDO CAWRO."
Wareygsii aan xilligaa
ka qaaday ayaan idin la wadaagayaa ee ka bogasho wanaagsan:
“Sannadkan soconaya
(2011) ayaa ii noqonaya kii 14-aad intii uu xanuunku i hayay, alxamdulillaah
waa ilaahay mahaddii.” Shamis Abokor.
Shamis Abokor Ismaaciil
oo ku magacdheer Guduudo Carwo, waxa ay ka mid ahayd hablihii ugu horeeyey ee
fanka soomaalida ku biiray gaar ahaan iyadu waxa ay ku biirtay sannadkii
1952-kii, hasayeeshee muddo ku dhow 20 sano way ka dhex-baxday, oo xitaa ma
ogolaato inay ka sheekayso taariikhdii fankeeda.
Shamis Abokor, waxa ay
14 sano sariir-yaal u ahayd xaruun ku dhacay oo sababay in dhinac shaqayn
waayo. Laakiin maskaxdeeda, hadalkeeda, maqalkeeda iyo indhaheeduba si sax ah
ayay u shaqaynayaan, iyada oo xaaladaa xanuun ku jirta haddana cibaada foodda
kama qaado, oo waa qof si weyn ilaahay ugu xidhan.
Wareygisa aan Gudoodo
Carwo la yeeshay oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa waxa ay ka cudurdaaratay
inay ka xog-waranto taariikhdii fankeeda, iyada oo arrintaa ku sababaysay inay
muddo hore ka baxday hawlaha fanka.
Su’aashii ugu horaysay
ee aan weydiiyey ayaa ahayd inay ka xog-waranto xaaladeeda caafimaad, waxana ay
ku jawaabtay oo ay tidhi: “Alxamdulillaah, hooyo waan fiicanahay, oo wax waan
arkayaa, waan maqlayaa oo waan hadlayaa, oo caqligaygu waa taam. Hasayeeshee
dhinac ayaan i shaqaynayn oo ma kaco, balse ilaahay ayaan ugu mahadnaqaa mar
kasta oo aan weysaysanayo iyo mar kasta oo aan tukanayo. Ilaaha innaga oo aan
jirin ina abuuray ayaa halkaa i fadhiisiyey oo igu filan iguna og. hooyo
alxamdulillaah ayaan taaganahay oo dhulkaygiina waan jooga.”
Mar aan weydiiyey hooyo
Shamis Abokor inay ka hadasho xilligii uu xanuunku ku dhacay iyo halkii ay
joogtay, waxa ay ku jawaabtay: “Hooyo markii uu xanuunkani i helay waxa aan
joogay Dirdhabe [dalka Itoobiya]. Waxaana uu igu dhacay sannadkii 1997-kii
bishii u dambeysay, waxa la ii soo qaaday halkan [Hargeysa] oo la i keenay
1998-kii bishii u dambaysay. Sannadkan soconaya [2011] ayaa ii noqonaya kii
14-aad intii uu xanuunku i hayay, alxamdulillaah waa ilaahay mahaddii. Waxa aan
doonayaa waraysigan aad i waraysanayso inaan uga faa’idaysto oo aan u mahadnaqo
niman soomaaliyeed oo xagga dirdhabe joogay xilligaa oo si weyn wax iila qabtay
intii ka xasuusto, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Cabdi Jibriil, Dr. Maxamuud
Cismaan Ciise, Alle ha u naxariistee Cabdi Najiib Xuseen, Alle ha u naxariistee
Maxamed Cabdilaahi Xoogsade, Ruqiya Axmed, Xildhibaan reer Jabuuti ah oo la
yidhaahdo Xuseen Aadan. Alxamdullilaah ilaahay ayaa ii sakhiray ummada
soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.”
Shamis Abokor oo mar
kale aan weydiiyey su’aal ahayd; Qof waliba waxa uu ka tirsan yahay bah amma
koox, adiguna waxa aad ka tirsanaan jirtay bahda fanka ilaa hadda maxaa
xidhiidh ah oo ay kula soo sameeyaan amma cid kuu timaadaa ma jirtaa? Waxa ay
ku jawaabtay oo ay tidhi: “Horta kuwa Hargeysa joogaa iyagu waxba ma haystaan,
qolyaha dibadaha u baxay waxa igala soo xidhiidha oo i soo xasuusta marka uu
ilaahay ii sakhiro; Khadra Daahir, Mustafe Xasan [Mustafe Kiiko], Saynab Cige,
Shamsa Bashiir, Faadumo Qaasim Hilowle, Saynab Xaaji Cali [Baxsan] oo xamarta
xabbadu ka dhacayso joogta, Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Aadan Dacar oo anigu u
aqaano Maxamed shaafici, inanta la yidhaahdo Maryan Mursal marka ay Hargeysa
timaado way ii timaadaa iyo kuwo kale oo badan. Qolada Hargeysa joogtaa aad iyo
aad ayay ii soo xasuustaan sida Xasan
Ganey, Ruun Xaddi, Tiriig Xaashi, Canab Diiriye, Xaliimo yar iyo in kale
badaniba way ii dadaalaan. Waxa kale oo aan Hooyo salaamayaa oo aan mahad u
celinayaa nin la yidhaahdo Sheekh Cali Warsame [Fanaxey] oo alle ii sakhiray oo
xamar oo xabbadu dhacayso lacagta ii soo dirayey imikana oo uu Nairobi joogana
ii soo dira iyo Muslimo Qaasim Hilowle oo joogta Nairobi oo iyana taageeda i
soo xusta.”
Waxa ay intaa raaciysay
oo ay tidhi: “Waxa aan leeyahay fannaaniinta dibada jirta Anigu Shamis ahaan
waxa aan joogaa Hargeysa iyo halkii aan magaca ku kala baxay, allena wuu ila
jiraa oo isaga ayaa igu filan, ee waxa aan idin lee yahay fannaaniintii
Waaberiyey fannaaniinta Waaberi ee xamar jooga u soo gargaara.”
Mar ay Shamis Abokor ka
jawaabaysay su’aal ahayd; xumuukada hadda jirta amma tii horeba, maadaama oo
aad ahayd qof miisaan leh oo waddanka laga wada yaqaano maxay xidhiidh kula soo
sameeyaanaan ama la gula soo sameeyey? Waxa ay ku jawaabtay: “Horta ilaahay ayaan ugu mahadcelinayaa
nabadda iyo caanaha ina siiyey, walaalaheena koonfireedna ilaahay waxa aanu uga
baryaynaa inuu ka dhex saaro dhibaatada dhexdooda taala. Hooyo Raadyow ayaa i
ag-yaala oo aan mar kasta dhegaystaa, waddan afrikaan ah nin madaxweyne u ah
[madaxweynaha Ivory coast ee doorashada laga helay] waa laga furfuri kari
la’yahay, Daahir Rayaale waan u ducaynayaa, taaggiisa markii uu madaxweynaha
ahaa wuu i xusi jiray. Haddana waan u ducaynayaa oo waxa aan ugu ducaynayaa
sidii sharafta lahayd ee uu ku tegay. Tan imika joogta [xukuumada Silaanyo]
taagtooda way i xidhiidhiyaan, balse alle ayaa igu filan. Waxa kale oo jira dad
kala duwan oo i xidhiidhiya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha guurtida Somaliland
Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiiraddii Hore ee qoyska Faadumo Suudi Xasan iyo
guud ahaan Fannaaniinta Hargeysa.”
Hooyo Shamis Abokor
waxa ay talo culus u soo jeedisay fannaaniinta da’da yar iyo culimada waxana ay
tidhi: “Annagu markii aanu yar yarayn ee aanu fanka gelaynay ee aanu
afar-qaadaynay dee waxba maanaan garayn ee xaaraan yaynaan doon-doonin, oo
culimadii hore waan u ducaynayaa towxiidka ayaabay nabareene oo tafsiirka sidan
imika looma aqoon. Culimada yar yar ee hadda tafsiirka dareerinaysa waxa aan
lee yahay qolyaha heesaya ha ka cararina oo koone ha uga bixina’e oo ha ka
hogaaganina’e Sidaa iyo Sidaa yeela ku dhaha. Annagu markii aanu dhalinyarada
ahayn dee cid wax noo sheegta maanaan heli jirin, oo imika meel walaba waxa
laga maqlayaa sheekh Mustafe, Sheekh Dirir, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh
Aadan Siiro, Sheekh Maxamed Carab, Sheekh Cabdiraxmaan Faarax iyo Sheekh Aw
Libaax kulligood waanu dhegaysanaa khayr alle ha siiyee. Fannaaniinta yar yar
ee haddana waxa aan lee yahay ha isku hallaynina fanka ee wax barta, cilmi ayaa
meel kasta ka helaysaane, tii ilaahay [Diinta] iyo tii maadiga ahaydba waad
helaysaane wax barta.”
Mar aan weydiiyey inay
wax yar ka hadasho taariikhdeedii hore, ayaa waxa ay tidhi: “Subxaanalaah,
Hooyo waan kuu sheegayaa da’da aan dashay, laakiin dadku da’da ay i moodayaan
ma ihi oo waxa ay maqleen ‘Guduudo carwoy gugii la arkaba yaa shagaanti kaa
dhiga,’ oo qaarbaa i moodayaba inaan laba boqol oo sano jiray, qolo kalena waxa
ay ku odhanayaam ‘ma Guduudo carwo ayaa nool, oo imika qaar ayaa orayana ‘tolay
xagguu Gudoodo ku arkay oo uu waraysigan kaga soo qaaday?’ Hooyo anigu waxa aan
dhashay 1935-kii. Waxa ay dadka qaar yidhaahdaan ‘dumarku da’da ayay ka
xanaaqaan,’ maxaanu uga xanaaqaynaa oo aanu u dafiraynaa da’da uu ilaahay na
nooleeyey oo aanu ugu mahadnaqayo oo aanu ku caabudayno. Ilaahay axsaan weyn
ayuu ii sameeyey mar hadduu ilaa xilligan i soo gaadhsiiyey oo aanu nafta iga
qaban aniga oo mastax dhex-boodaya.”
Su’aasha ugu danbaysa
ee aan hooyo Shamis Abokor weydiiyey
ayaa ahayd; maxaa laguugu bixiyey magacan Guduudo-carwo, goormaadse ku soo
biirtay fanka? Waxa ay ku jawaabtay oo ay tidhi: “Hooyo marka hore anigu
islaantaa madow ee ilkaha cas ayaan ahay, magacanina waxa uu lahaa taariikh oo
waxa la odhan jiray ‘Guduudo carwoy gugii la arkaba’ ayaa hablaha lagu ammaani
jiray si hirwada ugu soo baxaan, markaa magac jiray ayuu ahaa. Alle ha u
naxariistee weriyihii qaaliga ahaa Cabdi Ducaale Ileeye oo Cabdi Ayuub lagu
naanaysi jiray ee nin Raadyow ka hadla ugu horeeyey, ayaa magacan Guduudo-carwo
ii bixiyey, maadaama oo aan ahaa inan yar si aanay reerkaygu ii ogaan, ayaa
magacaa la iigu bixiyey, waxaana ay ahayd 1952-kii, isla xilligaas ayaan fanka
ku biiray. Mana jecli inaan ka sheekeeyo taariikhdii fankayga oo muddo hore
ayaan ka baxay, oo ilaahay ayaan waydiisanayaan inuu i cafiyo oo uu dembigayga
dhaafo.”
Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)
http://heersare1.blogspot.no/
Maalgashiga Anderson Carl Asset Trade wuxuu ahaa sheygii ugu weynaa ee waligey igu dhacay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa shaqadiisa wanaagsan ee maalgashadayaasha si uu noo siiyo fursad aan ku kasbano dakhli todobaadle ah iyada oo loo marayo madal Maalgalineed Waxaan maalgashaday $100 qiyaastii 7 maalmood ka hor helay $1,650.00 faa'iido hambalyo aniga sababtoo ah waan faraxsanahay oo waxaan gelinayaa wax badan ma dhihi karo wax yar oo ku saabsan madal this waxay ahaayeen kuwo aad u cajiib ah. Haddii aad rabto inaad bilowdo inaad faa'iido ka hesho maalgashiga bitcoin maanta Anderson Carl Asset Trade waa waxa kaliya ee aad u baahan tahay
ReplyDeleteLa xidhiidh
iimayl: andersoncarlassettrade@gmail.com
Whats-app: +1 (252)285-2093