Barnaamij muuqaal ah oo
dhawaan lagu sameeyey magaalada Oslo ee caasimada Norway, ayaa lagu soo
bandhigay waxa qofka sirta u ah ee aanu cid kale u sheegin. Barnaamijka oo la sameeyey
xilli hawlo doorasho lagu jiray, ayaa waxa ugu mudnaa laba weydiimood oo la
kala weydiinayey dadka asal ahaan Noorwiijiya ah iyo dadka aan ahayn oo
soomaalidu ku jirto, laakiin muddooyin kala wudan waddanka ku noolaa.
Waxa ay laba su'aalood kala
ahaayeen inuu qofku sheego xisbiga uu u codaynayo ama uu u codeeyo, iyo ta
labaad oo ahayd inuu qofku sheego xilligii galmo uu sameeyo ugu danbaysay.
Dhammaan dadkii Noorwiijiga
ahaa way diideen inay sheegaan xisbiga ay u codaynayaan/u codayn doonaan,
iyagoo ku adkaystay inay sir u tahay oo aanay cid u sheegayn. Waxay se si dhib
yar uga jawaabeen ta galmada oo rag iyo dumar ba qof kastaa xilli ugu danbaysay
wuu sheegay.
Dadka ajaanibka ah ee
Soomaalidu ku jirto oo iyagana su'alahaas la waydiiyey, si dhib yar waxay u
sheegeen xisbiga ay codka siinayaan ama ay codka siin doonaan. Laakiin su'aasha
galmada markii la waydiiyey, waxay u ku gaabsadeen inay sir tay oo aanay
sheegayn. Dadka qaar iyaga oo maxa xoqanaya oo su'aasha ka yaabban ayey
dhaqaaqeen.
Halkaa waxa aad ka arkaysaa
sida ay u kala fog yihiin codbixiyeyaasha doorashada ee waddamadu, oo tusaale
ahaan dadka Noorwiijiga ah ee codkooda qarinayaa waxay og yihiin in codkoodu
yahay waxa xisbiyadu isku haystaan ee loolanka ugu adag ay ugu jiraan, oo mid
kastaa ku dadaalayo inuu helo. Taasina waxay keentaa in xisbi kastaa la shir
yimaado barnaamij-siyaasadeed miisaaman iyo doodo wax-ku-ool ah.
Innagana waxa aad arkaysaa
dadweyne dhan ama beel abaabulan oo leh: "Haddii aanu reer hebel nahay,
xisbi hebel ayaanu codka siinaynaa." Halkii ay dadkaasi ku gorgortami
lahaayeen codkooda oo inta ay u aamusaan xisga uu barnaamijkiisu ganciyo ay
codkooda siin lahaayeen. Waa se la iska gaadhi doonaa haddii Alle ka dhigo.
In codbixiyuhu codkiisa qariyaa waxay halxidhaale culus ku
noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni darro la soo dersayso, isla
markaana filashada guushu waxa ay kaga laalmaysaa raar sare.
In codbixiyuhu codkiisa
qariyaa waxay halxidhaale culus ku noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni
darro la soo dersayso, isla markaana filashada guushu waxa kaga laalmaysaa raar
sare.
Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment