Monday, December 16, 2013

Weedha Gorfaynta Buugga SAMO-TALIS


Habeenkii xalay waxa jaamacadda Hargeysa lagu soo bandhigay buug xanbaarsan geeddi-socodkii nololeed ee odayga Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe). Buuggan oo ka kooban 277 bog, wuxuu xanbaarsan yahay todobo geeddi oo siyaabo kala duwan uga hadlaya waayihii iyo dorarkii nololeed ee xaajigu soo maray.
 
Waxa aan halkan idiinku soo gudbinaynaa weedhii aan kaga qayb-galay buugga:
SAMO-TALIS, waa buuggii iigu muddada dheeraa ee aan sixitaan amma tifaftir ku sameeyo. Waxaan ku guda-jiray muddo ku siman laba bilood marka laga reebo xilliyo waqtigu igu yaraa. Maxaa yeelay, waxa aan sixitaanka dhinac waday dhugasho, waxbarasho iyo wax korodhsi aan ku dhex dawaafayay boggagga kala duwan ee buuggani ka kooban yahay.
Buuggan SAMO-TALIS ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr, waa buug rumeeyey himmilo dad badan ka dhex-guuxaysay oo salka ku haysay in mar uun buug laga qoro ruug-caddaaga Somaliland “Xaaji Cabdikariim Xuseen-Cabdi Waraabe.” Waa buug xambaarsan waayo-aragnimadii, shakhsiyaddii, taariikh-nololeedkii, samo-taliskii iyo guud ahaan geeddi socodkii nololeed ee Xaaji Cabdi Waraabe oo sida buuggan ku cad noloshiisu illaa 1905-kii kolba marxalad soo maraysay.

Intii aan sixitaanka ku hawl-lanaa waxaan fursad u helay inaan si buuxda u barto; waa kuma Xaaji Cabdi Waraabe? Oo aan illaa yaraantaydii aan maqli jiray. Waxa farxad ah haddii-ba uu Xaaji Cabdi Waraabe geeriyoodo oo tii ilaahay u timaado inuu ka tegayo buug markhaati cad ka ah hawl-garnimadiisii iyo halgankiisii uu u soo galay nabadaynta iyo dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xilliyaddii ka horreeyey iyo mar xalad kasta oo lagu jiray.

Laga soo bilaabo maalintii uu cafiyey ninkii aabbihii dilay waxa uu noqday shakhsi ku sifoobay oo go’aan ku gaadhay u ololaynta nabadda, deminta colaadaha, isu soo dhawaynta bulshada colaaduhu kala irdheeyeen, la shaqaynta iyo talo-siinta hadba maamulka dawladeed ee jira.
Inkasta oo Xaaji Cabdi Waraabe istaahilo/u qalmo in tobannaan buug laga qoro, haddana kani waxa uu barbilaw fiican u yahay in la weeleeyo taariikhda mugga weyn ee Xaaji Cabdi Waraabe, oo xambaarsan waayo-aragnimo nololeed oo qof kasta oo akhriya wax uun u kordhinaysa.
Qooraaga buuggan SAMO-TALIS waa Siciid Maxamuud Gahayr’e, waxaan ku ammaanayaa oo aan uga mahadcelinayaa garashada iyo dadaalka dheer ee uu u galay inuu buuggan dhaxal-galka ah ka qoro Xaaji Cabdi Waraabe, oo ka mid ah hal-doorrada Somaliland ku dhaadato. Waa buug ay ku dheehan tahay farshaxannimo, hal-abuurnimo iyo hoga-tusaalayn muc leh oo qofku si fudud u dheehan karo.

Waxa aniga si gaar ah ii taabatay maadaama oo aan ka mid ahaa ardaydii 2012 ka qalinjebisay machadka sare ee xallinta khilaafaadka iyo nabadda ee jaamacadda Hargeysa sidii wax-ku-oolka ahayd ee Xaaji Cabdi Waraabe uga soo shaqeeyey xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta. Waxaad la amakagaysaa dadaalladii nafhurnimada ahaa ee uu ku bixiyey nabbadda, hadallada dhiiran ee uu u soo jeediyo cid kasta isku dayda inay nabadda waxyeesho, fahamkiisa xeesha-dheer ee ku qotoma wannaagga nabada iyo xasilloonida.


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
http://heersaremuxumed.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment