Waxa
la joogaa xilli ay muuqato in la isku dhex milmay. Waxay milgihii iyo
hugiiba ay ka xayuubiyeen mansab waqtiyo hore meel sare kaga jiray
meertada nolosha dadka afka Soomaaliga ku hadla. Waxay u xuubsiibteen
inay ku qadhaabtaan magacii sharafta lahaa ee mudnaa in la qaddariyo.
Magacyo badan ayay ku mutaysteen hab-dhaqanka ay ku sugan yihiin,
iyagoo ku dhex asqoobay ujeedooyin badweyn ah oo hadba dhinac u
jiidanaya. Illayn mar ayuun-baa la xisaabtamaa, bir-magaydo la
yeeshaa, hoos loo eegaa jidka lagu soconayo, ma leh.
Qarnigan
la joogo ee 21aad waxaad arkaysaa arrimo badan oo ku yaab-gelinaya.
Waa qarni bog cusub u furaya cibaarooyin xanbaarsan waxyaabo badan oo
ku cusub geeddi-socodka nolosha. Arrimaha isbedelka weyni la soo dersay
waxa ka mid ah hannaankii saldanadda oo u muuqata mid weji cusub la
soo baxday. Tusaale dhaw haddaan soo qaato, Somaliland qarnigan
horraantiisii ayay u ban-baxday inay ku biirto dawladaha ku dhaqma
qaabka maamul ee dimuqraadiyadda ku dhisan oo hoosta ku wata
hannaanka xisbiyada badan, doorashooyinka xorta ah iyo in
hogaamiyaashu ku yimaadaan codka shacabka. Waxa tan iyo xilliggaa
barbar socday oo sidii tusbax la furay noqday iscaleemo-saar joogto
ah oo ay samaynayaan beeluhu. Waagii baryaba waxa aad maqlaysaa:
“Maantana waxa la caleemo-saarayaa suldaan hebel, boqor hebel,
ugaas hebel, caaqil hebel iyo qaar kale oo badan.” Beelaha
Somaliland muddooyinkii hore waxay lahaayeen saldanad la yaqaanno oo
qabiil kastaa waxa uu lahaa suldaan amma boqor la daba fadhiisto.
Waxaase jiray cuqaal salaadiinta u qaabilsanayd fulinta oo tiradoodu
badnayd. Xilligan aynu ku jirno jilibyada qaar ayaa waxay leeyihiin
dhawr suldaan. Haddaba maxaa sababay suldaan-bararkan soo batay?
Markii
aan arrintan daba-gal ku sameeyey waxa ii soo baxday in geeddiga
siyaasaddu saamayn ballaadhan ku yeelatay tubtii saldanadda. Waxaana
saamayntan xuddun u ah xisbiyada iyo xukuumadda hadba talada haysa.
Mid ka mid ah dadka arrintan u dhuun daloola oo aan fikirkiisa
waydiiyay ayaa yidhi: “Haddii ay siyaasadi ku samaysay waxa laguu
samaystay oo lagaa sugayaa waa arrimo siyaasadeed.” Weedhani
waxay tilmaamaysaa in salaadiin badan oo muddooyinkii u danbeeyey la
sameeyey inay ku yimaadeen caleemo-saar siyaasadeed oo badankooda
waxa samaystay siyaasiyiin doonaya inay taageerada reerkooda
kasbadaan. Waxa marar kala duwan warbaahinta lagu arkaa suldaan
xukuumadda difaacaya oo dhaliilaya xisbiyada mucaaradka ah,
suldaankan waxa muuqata inay samaysatay xukuumadda oo doonaysa inay
danaheeda ku fushato.
Hab-dhaqanka
Salaadiinta ay siyaasaddu samaysay waxaad ku garan kartaan arrimaha
soo socda; Marka ay xukuumadda ka difaacayaan eedaymaha cidda
xukuumadda mucaaradka ku ah ee dhaliisha wax-qabadkeeda iyo
siyaasaddeeda. Tusaale ahaan wuxuu iska dhigaa mid xukuumadda wakiil
ka ah. Wuxuu reerkiisa ka raadiyaa inay taageerto xukuumadda. Haddii
uu siyaasi amma xisbi siyaasadeed ka la socdo wuxuu ku hadlaa afka
mucaaradka, oo waxa aad arkaysaa suldaan dawladda dhaliilaya oo
isticmaalaya luqaddii mucaaradku ku hadli lahaa. Wuxuu raadiyaa inuu
iska horkeeno xukuumadda iyo reerkiisa, isagoo ku raad-gadanaya;
“waxba la inooma qaban, waa la ina quudhsaday. Saamigeennii cid
kale ayaa la siiyey. Sidii aynu ugu lisnay la inooma abaal marin.
Reero innaga yar yar ayaa la innaga door biday. Waa in aynu arrintaa
ka dhiidhinaa oo aynu go'aan ka qaadannaa.”
Waxa kale oo aad salaadiintan ku aqoonsan kartaan, xilliyada ay siyaasaddu kululaato ee
mucaarad iyo muxaafad loo kala baxo. Suldaanka dhabta ahi wuxuu
ciyaaraa door dhex-dhexaad ah oo cidna dhinac ma saaro. Wuxuu u
hiiliyaa danta guud, wada jirka, isu soo dhawaynta iyo dejinta
xaaladda. Hasayeeshee suldaan-siyaasigu wuxuu u hiiliyaa hadba cidda
uu la jiro. Haddii uu xukuumadda la safan yahay wuxuu ku
nuux-nuuxsadaa in xukuumaddu saxan tahay, in nabadgelyada la wiiqayo,
in laga xun yahay tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ay xukuumaddu
fulinayso. Haddii uu mucaaradka la safan yahay-na, wuxuu sidaa si
leeg u muujiyaa in mucaaradku saxan yahay, danta dalka iyo ta dadkaba
u wanaagsan yihiin, lagana gar-daran yahay.
Waayadii
hore shaqada salaadiintu waxay ahayd hagidda iyo guddoominta talada
guud ee reerka. Waxa uu suldaanku lahaa guddi la shaqaysa oo u kala
haadisa qorsheyaasha iyo hawlaha kala duwan ee uu qabanayo. Waxa uu
lahaa xarun uu ka taliyo sida geed weyn oo loo waabi jiray. Hadda
arrimahaas wax badan ayaa iska beddelay. Salaadiinii waxay isugu
jiraan qaar magaalooyinka soo galay iyo kuwo weli miyigii ku sugan
balse xidhiidh joogta ah la leh magaalada. Shaqadii ay qaban jireen
wax badan ayaa ku soo kordhay. Qaabkii ay wax u maamuli jireenna wuu
isbeddelay. Xilligii iyo xaaladihii ay guddoomin jireenna arrimo
badan ayaa ku soo kordhay. Waxaana salaadiintu ahaan jireen kuwo la
xooleeyo oo ka fog baahi iyo dhuuni-raadis.
Gunaanadka
qormadan “Ma Siyaasi-baa Mise Waa Suldaan” waxaan ku soo
af-meerayaa taladan aan ka soo uruuriyey dadka daneeya wanaagga
saldanadda. Horta waa inay Salaadiinta siyaasadda ku dhex milantay
fahmaan inay yihiin hogaamiyaashii dhaqanka ee reeraha. Inay ku
suntanaadaan walaalaynta dadka danta kala jiidanaya, inay ka foogaadaan
in siyaasigu ku guuro dantiisana ku fusho, inay mabda' yeeshaan oo
aanay manfac-raac noqon, inay birmagaydo/wax xakameeya yeeshaan.
Haddii siyaasadda iyo saldanaddu isku dhex milmaan waxa lumaya
haykalkii iyo qiyamkii saldanadda. In reeruhu sidii waayadii hore
saldaaniinta u sameeyaan xoolayn si uu uga maarno ugana xoroobo inuu cid ku
tiirsanaado amma dhaqaale ka raadiyo. Waxay se su'aashu tahay; maxaa
loo bixinayaa suldaanka siyaasadda u xuubsiibtay ee shaqada ka
dhigtay?
Cabdishakuur
Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
No comments:
Post a Comment