Maalin
kasta waxa aad arkaysaa wax ku-yaab-gelinaya. Fajac iyo amakaagna
kugu reebaya, isla markaana kugu beeraya su'aalo maankaaga dhex
muquuranaya. Waxay ahayd horrantii bishan December ee sannadkan
2013ka mar aan la kulmay dhacdo iga yaabisay. Si kedis ah waxa aan u
furay muuqaal ku jiray barta internet-ka ee loo yaqaanno Youtube.com.
Waa fannaan ka mid ah fannaaniinta da'da yar ee xilliyadan danbe
heesihiisa sida weyn loo xiiseeyo. Wuxuu hees muuqaal ah ummaddiisa
ugu soo bandhigay isagoo si anshaxa ka baxdan ula fara-ka-ciyaaraya,
u taataabanaya, ugu dheg-dhegaya gabadh ajaanib ah. Taagga wuxuu
is-leeyahay muuji ilbaxnimo iyo wax cusub, balse ma oga dhaawaca uu
fankiisa iyo naftiisa u gaysanayo.
Fannaankani
wuxuu tusaale u yahay qaar ka mid ah dhaliyarada fanka ku jirta oo
waxay sameeyaan caqliga saliimka ahi ka xishoonayo oo aad naxayso
marka aad aragto. Qaar ka mid ahi waxay xalaasheen in ummadda
horteeda ku sameeyaan xumaan ay diinteennu innaga xarrimtay. Waxay
samaynayaan wax ceeb iyo meel-ka-dhac ku ah milgaha fanka ummada
Soomaaliyeed. Bal ka warrama marka ay inan fannaanad ahi soo qaadayso
hees ee ay madaxeeda, laabteedaa iyo meelo kale oo ka mid ah
cawradeedu bannaan yihiin oo islaam-islaam dhalayna ay tahay, ilaahay
ayaan idinku dhaariyee maxaad ku qiimayn lahaydeen? Maxay iyada iyo
ta gaaladda ahi ku kala duwan yihiin? Yaa ku yidhi hablaha heesaya
haddii aad is qaawisaan oo aad cawradiinna muujisaan si weyn ayaa la
idiin daawanayaa oo raalli ayaa la idinka noqonayaa? Iyamaa mudan in
dadka la raalli-geliyo iyo in ilaahay la raalli-geliyo? Waxa laga
yaabaa in qaar hablahaas ka mid ahi aaminsan yihiin ilaahay ayaad u
soo noqon doontaa oo waad ka toobad-celin doontaa denbiga aad
samaysay. Waa dhab in aad ilaahay u soo noqoto oo aad denbi-dhaaf
waydiisato, laakiin xumaantii aad samaysay ee meel walba gaadhay ee
aad ula-kaca u samaysay yaa masaxaya oo baabiinaya? Kollay
su'aalahaas iyo kuwo kale oo badanina way hor yaallaan. Weliba ku
darsada'oo marka ay inantaasi dadka caadiga ah la joogto hablaha kama
garan kartid, waa qof asturan oo akhlaaq iyo dhibirsanaan huwan. Mar
allaale marka ay hawlaha fanka guda-gashon way is-qaawinaysaa.
Dhalinyaradan
wiilasha iyo hablaha isugu jiraa marka ay hab-dhaqankan samaynayaan
ee ay leeyihiin sidan ayaanu u heesaynnaa, waxa muuqata inay ku dhex
milmeen soona gudbinayaan fan ummad kale leedahay. Waayo, inantu
marka ay cawradeeda muujinayso ee naasaheedii iyo meelo kale oo
jidhkeeda ka ahi muuqanayaan ma qalbiga ayay ralli-gelinayaa oo ay
hananaysaa mise dareeenka jinsiga ah ee ragga? Inanku sida oo kale
marka uu gabadh isku dhedhejinayo ee uu taataabayo muxuu u dan
leeyahay oo uu raabaa? Maxayse tahay farriinta uu gudbinayaa? Waa
su'aalo idin horyaalla oo ina hor yaalla oo u baahan in laga doodo.
Arrinta
kale ee mudan in la xusaa waxay tahay, haddii uu fanku leexdo waxa ka
dhalanaya dhaqan-geddis iyo fasahaad. Waxa wiiqmaya farriintii dhaqan
iyo noloshii faca-weynayd ee dadka Soomaaliyeed lahaayeen. Waxa soo
baxaya dad aan garanayn waxa saxa a iyo wadda toosan ee fanka. Lama
diidana in fanka la horumariyo, lana tartansiiyo ka caalamka ee waxa
mudan in maanka lagu hayo inaanu lumin udub-dhexaadka fanka oo ah
dhaqan-soomaaliga.
Dadka
suugaan-dhaadhiga ah iyo inta ka agdhowi-ba way ka dheregsan tahay
kaalinta uu fanku kaga jiro dhaqanka Soomaalida leedahay. Waxaana
fanku soo maray maxaaxil kala duwan oo mid kastaa waayadiisa lahaa.
Waxaase si gaar ahaan loo xusaa inuu fanku horumarkii ugu ballaadhnaa
gaadhay sannaddadii todobaatanaadkii iyo sideetanaadkii, xilliyadaas
oo dadku arrimaha fanka u dhuun-daloolaa sheegaan inuu helay
maal-gelin, caqli-midayn (sida kooxihii Waaberi, Durdur iyo kuwii la
midka ahaa), hal-abuurnimo farshaxankeedu sarreeyo oo laga dhex arko
karo salfasooyin heer caalami ah iyo kuwo maxalli ah-ba. Waqtiyadaa
aan soo sheegay waxay cid kastaa ka marakacaysaa inuu fanku gaadhay
halkii ugu sarreeyey oo qolyaha qaar ayaa ku sheega “xilligii
dahabiga ahaa.” Waxaana isla waqtiyadaa bilawday laba loolan oo
iska soo horjeeda oo dadna fanka badbaadinayay mid kalena qarribayay.
Mid waxa hormood u ahayd dawladdii kacaanka ahayd ee waqtigaa
talinaysay oo u arkaysay in fanku yahay meesha keliya ee ay
farrinteeda ku gudbin karto kuna kasban karto dadka, halka ka kalena
ay gadh-wadeen ka ahaayeen dad isu xil-qaamay badbaadinta fanka iyo
dadaalo kale oo siyaasadeed oo xilliyadaa waddanka ka aloosnaa.
Markii
ay dhacday dawladdii millateriga ahayd ee Soomaaliya ka talinaysay
sannadkii 1991kii guud ahaan bahdii fanku way kala dadaatay. Waxay ka
mid noqdeen dadkii faraha badnaa ee qaxoontiga noqday ee u guuray
waddamada jaarka ah iyo caalamka-ba. Tan iyo maalintaa waxaad
marqaati ka rihiin in aanu fanku helin maal-gelin iyo caqli-midaysan.
Marka laga tago dad iskood isu xilqaamay oo dhabarka u ritay
badbaadinta fanka iyo faro-ku-hayntiisa-ba. Halkaa marka ay arrintu
marayso waxa soo baxday dhalinyaro u heellan inay muujiyaan kaalinta
wax-ku-ool-ka ah ee fara-ku-haynta iyo sii noolaynta fanka. Qaar
badan oo ka mid ahi waxay ku noolaayeen qurbaha iyo meelihii dalka ka
baxsanaa ee loo qaxay. Qolo waxay wax ka bilaabeen inay fanka ku soo
dhex-galaan soo cusboonaysiinta heesihii ay hore u qaadeen
fannaaniintii hore, kuwo kale waxay ku dhiirradeen inay ummada u soo
bandhigaan kuwo ay leeyihiin, halka qaar kale xoogga saareen
barashada noocyada kala duwan ee aaladaha la tumo ee muusigu ugu
horreeyo.
Dhalinyarada
qurbaha jooga iyo kuwii dalka ku hadhsanaa ee ku dadaalayay soo
celinta haybaddii iyo kaalintii uu fanku ku dhex lahaa umma
Soomaaliyeed, waxa barbar socday caqabadahan. Qolada gudaha joogta
waxay caqabadda ugu wayni ka haysatay dhanka dhaqaalaha iyo helista
qalabka casriga ah ee la adeegsanayo. Halka ay qolada qurbuhuna ku
dhex noolaayeen ummado leh dhaqan iyo fan u gaar ah, taas oo saamayn
xooggan ku yeelatay hana-qaadkii fankooda. Waxa kale oo dhalinyarada
qurba ee fanka hawlihiisa waday dhibaato kala kulmi jireen helitaanka
midhaha heeso cusub ee ay soo qaadaan, inkasta oo sannadadii danbe
arrintaa wax weyni iska beddeleen.
Xilligan
aynu ku jirno waxa muuqata in dhalinyardii fanka bilawday ay dad waa
weyn noqdeen oo laga yaabo qaar ka mid ahi markii labaatan sano soo
wadeen inay ka fadhiisteen. Waxaase fanka ku soo biiray sannaddadii u
danbeeyey dhalinyaro doonaysa in fankoodu la mid noqda ka caalamka,
kuwaas oo isugu jira qaar fiican oo ilaalinayaa hufnaantii iyo
toosnaantii fanka iyo qaar u heesaya sidii ay la noqoto. Waxa laga
yaabaa in kuwaas u heesaya qaabka ay doonaan in aanay jeclaysan
doonin qoraalkan oo ay jidhka isgelinayaa, niyadda ka diidayaan, isna
illawsiinayaan. Laakiin waxa aad ogaataan in adduunyadani maalmo
kooban tahay, cimriga noloshaaduna uu tirsan yahay, ma waxay idin la
tahay in aayaha noloshiinna aad saldhig uga dhigtaan khiyaali iyo
fikir marin habaabi ah? Iyada oo ilaahay idinka danbeeyo oo idinla
xisaabtami doono.
Farriintani
maaha mid cid gaar ah lagu fadeexadaynayo. Mana aha mid fikirkeedu ka
dhashay arrin sahlan ee waxay ka digaysaa fool-xumo iyo fan-ceebees
si ballaadhan u soo if-baxay. Waxay farta ku fiiqaysaa kooxo
fara-ku-tiris ah oo fasahaadiyay milgihii iyo sharaftii uu lahaa
fanka ummadda Soomaaliyeed. Waxay ibo-furaysaa dood lagu hilaadinayo
laguna falanqaynayo dhaqan u muuqda inuu bahdilaad ku yahay fanka
faca-weyn ee dadka afka Soomaaliga ku hadla.
Haddii
aan gunaanadka ku soo dhawaado, waxa lagama maar maan ah in si toos
ah iyo si dadban-na looga doodo su'aalahan; fanku marxalladan uu
galay miyuu ku saxan yahay oo waxba kama qaldana? Mise wuxuu ku sugan
yahay marxalad halis ahoo gurmad ayuu u baahan yahay? Fanku ma isaga
ayaa is wadaya mise cid wadda oo hogaamisa ayuu u baahan yahay? Yuu
xil ka saaran yahay ilaalinta fanka iyo ka warhayntiisaba?
Dhalinyaradu ma inay sida ay doonaan yeelaanbaa mise waa inay
ilaaliyaan qiyamka iyo karaamada ummada ay ka dhasheen ee afka
soomaaliga ku hadasha? Dhammaan su'aalahan iyo kuwii aan hore u
xusayba waa qaar u baahan in si qotodheer looga doodo lagama soo
saaro wax badbaadiya karaamada milgaha fanka.
Cabdishakuur
Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
No comments:
Post a Comment