Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo
badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto
waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan
dad koox-koox u fadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar
daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo
kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.
Halkani
waa hudheelka cunto waddanida sameeya ee loo yaqaanno Gaafuun oo ku
yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Markii aan hore u galay meheradda
waxay indhahaygu qabteen dad kala duwan oo cunaya cunto waddani, kuwo
dalbanaya iyo kuwo socodka ku iibsanaya. Aniga laftayda ayaa dalabka ka
qayb galay: “Aniga waxa aad ii siisaa garaw.” Garawga maxaan kuugu daraa: “Waxa aad iigu dartaa saliid macasaro iyo caano-geel.”
Hudheelkan
cunto waddanida sameeyaa ee Gaafuun oo aan booqosho ku tegay, ayaa waxa
aan halkaa kula kulmay mulkiilaha hudheelka Ibraahim Gaafuun Yuusuf,
waxa aan waydiiyey sababtii ay ku kalliftay inuu hudheelkan sameeyo
maadaama oo uu hore u lahaa hudheel cubtooyinka caadiga ah kariya,
wuxuuna ku jawaabay oo uu yidhi: “Marka ugu horraysa waxa aan iibin
jiray cuntooyinka ay ka midka yihiin Bariiska, Baastada iyo Hilibka oo
hudheel noocaas ah ayaan haystay. Markii aan arkay in aanay cuntadaasi
dheef badan dadka u lahayn, ayaan is-idhi kol haddii aad wax karinayso
wax ummada wax u taraaya oo u wareeg. Waxaana aan kariyaa cuntada
waddaniga ah sida garawga, gellayda oo iyada oo galka leh (baalka) la
kariyo, gellayda oo iyadoo fara-cad la yidhaahdo oo baalka la qaaday la
kariyo, Gellayda oo ridqan oo iyadoo shuuro la yidhaahdo la kariyo,
Digirta iyo cuntooyin kale oo waddani ah.”
Maxaad ula jeeddaa wax bulshada wax u taraaya: “Laba wax labada-ba waan uga jeedaa, mid waa xagga caafimaadka oo meheradda gudaheeda waxa aan ku qoray 'cuntada baalka lehi waa caafimaadka caloosha.' Waxa
aan arkay ummadii oo leh kana cabanaysa xanuunno ay ka mid yihiin
macaan, dhiig-kar, faalig iyo xanuunno kale. Waxaana sababaya sida ay
dhakhaatiirtu na yidhaahdeen cuntooyinkaa dibadaha laga keenayo iyo
saliidaha. Markaa intaas oo xanuun dadka lehi way ii yimaadaan oo way
iga iibsadaan.” Ayuu ku jawaabay Ibraahim Gaafuun.
Ibraahim
Gaafuun Yuusuf waxa kaloo uu ii sheegay inay nafarka amma inta qof cuno
ee cunto waddani ah inay ku iibiyaan 3000 oo shilin Somaliland ah una
dhiganta nus doollar.
Samaynta
cunto waddanidu waxay u baahantahay qof yaqaanna oo xirfad u leh
samaynteeda: “Waxa jira dad gaar ah oo karin yaqaanna oo aanu u
tababarnnay. Dadkaasaa sameeya oo xitaa milix kuma darno. Inta aanu
qofka milixda u ag-dhigno ayaanu ku nidhaahdaa ku darso. Maadaama oo
meheradda ay wax ka iibsadaan oo ay joogaan dad xanuunnada aan sheegay
qaba oo ay badan yihiin. Markaa saa qofka aan xanuunka qabine na
yidhaandaa 'waar maxaad milixdii ugu dari waydeen.' Waxaana aanu ku
nidhaahnaa 'waar waa tan ee ku darso.' Runtii dadka xaafadan ku nooli
waxa yihaahdaan 'dhakhtar caafimaad ayaad noo tahay. Beryihii hore waxa
aanu ku cashayn jirnay roodhi yar amma haaf baasto ah. Mida kale dee
sixirku waa bilaash waa wax jaban waa 3000 oo lacagta Somaliland ah una
dhiganta nus doollar. Qofka aanu u siyaadinayno ee nafar saa'id ah la
siinayo waxa aanu kaga iibinnaa 4000. laakiin qofku ma dhammaynayo
saddexda kun.” ayuu yidhi Ibraahim Gaafuun.
Ibraahim
wuxuu qiray inay hadda soo badatay cunista cunto waddanidu isla
markaana ay dadku si weyn u isticmaalayaan.“Waxa aanu dareemaynaa inay
hadda soo badanayaan dadka cunaya cuntada waddanigu. Maalmihii hore
dadka xaafaddu waxa no odhan jireen 'waar bariis amma baasto ma haysaa.'
Annaguna waxa aanu ku odhan jirnay waxa aanu haynnaa cuntadii waddaniga
ahayd oo jaban oo dawo ah oo calooshaada wax u taraysa. Waxa kale oo
aanu samaynnaa canjeelo (laxoox) oo aanu ka samaynno cunto waddani badan
sida misir, garaw, qamandi iyo waxyaabo kale oo runtii aad loo
isticmaalo, oo aanu ragga ku nidhaahno 'waar sida aad bashan ugu soo qamaamaysaan malaa xaafadaha ayaad iskukaayo diri doontaan. Marka aad dumarka ka soo wada kallahdaan.'
Markaasay ku odhanayaan 'waar daqiiq ayay noo walaaqayaan.' Subaxa ayaa
laxooxdaa kagu quraacdaa oo way culustahay. Qofku marka uu bartana wuu u
xaraaradoodaa.”
Muddoohiyinkii
hore waxa badanaa cuntooyinka noocan oo kale ah cuni jiray dadka waa
weyn, hasayeeshee waxa hadda bartay oo cuna dhalinyarada oo ardaydu ugu
badan tahay sida uu tilmaamayo Ibraahim Gaafuun oo yidhi: “Waxaaba
immika u badan ardayda, oo dadka yaryar iyo kuwa waa weyni-ba si wacan
yay nooga iibsadaan. Dadkuna si fiican ayay immika u barteen oo ay ula
qabsadeen. Dadka qaar ayaa ku odhanaya haddii aanaan cunin habeenkii
seexan kari waynno. Dadka xanuunnada lehi-na si aad ah ayay nooga
iibsadaan. Cuntooyinka aadka u badan ee aanu samaynno waxa ka mid ah
sida aan sheegay laxooxda oo subixii lagu quraacdo, garawga, gelleyda,
shuurada, intaaba aad ayaa loo isticmaalaa oo xitaa xaafadaha ayaa
qaata. Immika dhuxushu waa tan qaaliga ah oo dumarku kayuu ayay kuu soo
gelayaan oo waxay ku odhanayaan 'waar naga iibi ogaygii ayanu u
iibinaynaaye.”
Ibraahim
Gaafuun wuxuu tilmaamay in dadka macmiilka u ah ee ee ka iibsada
cuntada waddaniga ah ay ka manno-sheegtaan qiimaha ay ku iibiyaan
cuntooyinkan waddaniga isagoo sheegay in cuntada waddaniga ah ee ay
sameeyaan inay isugu jirta mid dalka ka soo baxda iyo mid laga keeno
dalka deegaannada jaarka la ah Somaliland sida Itoobiya, isla markaana
wuxuu xusay inay xil iska saaraan ilaalinta nadaafada cuntada iyo
samaynteedaba.
Intii
aan ku sugnaa meheradda Gaafuun waxa dhegahayga soo jiitay sanqadha
milqacadaha amma qaadooyinka iyo jabcadaha cunto waddaniga lagu cuno.
Waxa aan halkaa kula kulmay Dr. Siciid Sheekh Maxamed oo ka mid ah dadka
sida joogtada wax uga cuna Gaafuun oo xilligaa cunayay Shuuro amma
Gelley la ridqay: “Cuntada waddaniga ahi waa noloshii, laakiin dadkeennu
nafaqada ku jirta sida ay ugu jirto uma cunaan ee way ka saaraan.
Cuntada waddaniga ahi waxay ku wacan tahay haddii ay hadhuudh, gellay
amma sarreen tahay in la cuno iyaga oo buushahoodii wata. Markaas ayuu
buushahaasi dadka cafimaad-gelinayaa oo qofka jidhkiisa xoogaynayaa oo
waxa uu muruqu ka samaysan yahay-na samaynayaa, lafuhuna ay korayaan.
Laakiin inta badan Soomaalidu buushaha way ka saartaa. Sidaa ay tahay
haddana reer miyigu waxay yaaqannaan waqtiyada ay u baahan yihiin inay
garawga buushaha leh cunaan oo waa marka ay lafi jabto amma waa marka ay
qofka TB ku dhacdo ee la doonayo in la xannaaneeyo waxay odhan jireen
'hilib, caano iyo garaw isha laga tuuray siiya.”Ayuu yidhi Dr. Siciid
heekh.
Faa'ida
ugu badan ee uu tilmaamay Dr. Siciid Sheekh in laga helo cunista
cuntada waddaniga, ayuu ku sheegay inay qofka koriyaan jidh ahaan iyo
xoog ahaan ba. isaga xusay in cunta baalka lihi ay tahay cunto dabiici
wax-tarkeeduna sugan yahay, isaga ayaa tusaale isu soo qaadanaya: “Waxa
aan dareemaa oo faa'idada ugu weyni a tahay calooshayda yeemis kumaba
dhacaba waa faa'idada ugu horraysa. Mar hadii aanu yeemis igu dhicinna
si fiican ayaan habeenkii u seexdaa. Daalna ma dareemo oo waxa had iyo
jeer ahay nin firfircoon. Ilaahay baana cudurka iyo caafimaadka-ba hayee
cudur iguma dhaco, weliba cudur la xidhiidha nafaqo-darro weligay
igumuu dhicin oo raashinkaas waddaniga ah ayuum-baan cuurtaa.”
Dadka
qaar ayaa jecel inay cunaan gelleysa fara-cadda loo yaqaanno ee baalka
laga saaray amma garawga la tumo ee loo yaqaan buushe-baxa, sida oo kale
dadka qaar ayaa iyaguna daqiiqda quraac ka dhigta, Dr. Siciid Sheekh oo
dadka uga digaya inay sidaa sameeyaanna ayaa yidhi: “Berigii aanu yar
yarayn magaalada Hageysa waxa lagu dhaqan jiray riyo, riyahaa marka
garawga la tumo ee buushaha laga saaro laxooxda ayaa laga samayn jiray,
dabadeed buusha riyaha ayaa la siin jiray. Markaa dumarku waxay odhan
jireen 'way ku badiyaan caanaha markay buusha cunaan.' Markaa macnuhu
waxa weeye buushu nafaqo weyn ayuu xoolaha gelinayaa, laakiin dumarku
sidaa umay garanayn. Annagana laxoox cad oo buushaha laga saaray ayaa
nala siin jiray. Markaa dadkii aniga ila koray waan wada laf-jabnay.
Waxaanse dadka kula talin lahaa inay bahasha la yidhaahdo faracadda (waa
gelleyda buushaha laga saaray) inay iska joojiyaan oo ay cunaan ta
buushaha leh, waa ta aan cunaayee oo shuura shar la' ayay Soomaalidu
odhan jireen. Waxaana cuni jiray oo ay cunto joogto ah u ahayd dadka
beeralayda ah oo innaga aad inoomay soo gaadhi jirin. Waxaana la helay
wax lagu ridqo oo lagu jilciyo, waana ay macaan tahay oo way wanaagsan
tahay ee caruurtiina bara. Laxooxdii caddaydna ka joojiya oo laxooxdaa
buusha leh u sameeya. Waana aad ka nasanaysaane in yar oo bikin boodhe
ah ku dara oo sida roodhida u sameeya. Laxooxdaasi waxay noqonaysaa
laxoox aan khamiirin oo wax ka yar shan daqiiqo intay dabka saaran tahay
ku bislaanaysa, dhadhan macaanna leh oo haddii ay caruurtu bartaanna
aanay afka ka qaadayn.” ayuu Dr. Siciid Sheekh hadalkiisa ku soo
af-meeray.
Ugu
danbayntii mar aan booqday goobta lagu iibiyo cuntooyinka waddaniga ee
qaydhin waxa la ii sheegay in qiimuhu hadda kor u yara kacay. Waxaana
Hinda Siciid Seed oo ka mid dumarka raashinka waddaniga ah ku iibiya
xero-dhahuudha Hargeysa ay ii sheegtay in garawga iyo gelleyda aad looga
iibsado.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
No comments:
Post a Comment