Marar badan waxa aad la kulmaysaa amma dhegahaaga ku soo dhacaya
dhiillooyin kala duwan oo xanbaarsan culayska ay leedahay Indho
la'aantu, qof ka cabanaya indho-xanuun, mid leh labadii indhood-ba waan
beelay, qof kale oo kuu sheegaya inuu il beelay tii kalena halis ku
jirto, mid kale oo kuu sheegaya in indhaha biyo laga furay, qof kale oo
isna kuu tilmaamaya in aragii ku yaraaday oo aragtida dheer amma ta
dhawi ay ku adagtahay. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa sal-dhig u
ah cabashada aafooyinka haleela indhaha.
Si aan arrintan xaqiiqadeeda wax badan idiin la wadaago, waxa ii suurta gashay inaan magaalada Hargeysa kula kulmo Dr.
Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ah dhakhtar ku takhasusay
caafimaadka Indhaha ahna maamulaha Cusbitaalka Manhal, waxaana
xaruntiisa koobaad tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo aan kula kulmay
si aan xog dheeraad ah uga helno sababaha dhabta ah ee keena in dadka ku
nool deegaanada soomaalidu ay indho beelaan.
Dr.
Shiine waxa uu ka mid yahay Dhaakhaatiirta tobankii sannadood ee u
danbeeyey ku mashquulsanaa dawaynta, qalliinka iyo wax-ka-qabashada
dhibaatooyinka kala duwan ee indhaha ku dhaca, isaga oo noo sheegay in
qiyaas ahaan dadka ku nool Somaliya iyo Somaliland ee indhaha la'i in
tiradoodu dhan tahay 120,000. 80% ka mid ahina u indho beelaan xanuuno
wax laga qaban karo, isla markaana ay sannad kasta ku soo biiraan 0.12%
oo u dhiganta 120,000 oo qof. Waa kan Dr. Shiine oo arrimahaa faafaahin
ka bixinaya: “Indho la'aanta dalkan aynu ku nool nahay waxa lagu
qiyaasaa 1.2%. Taas macnaheedu waxa weeyaan haddii la isu wada geeyo
deegaannada ay Soomaalidu degaan 10 milyan haddii lagu qiyaaso dadka ku
nool Somaliland iyo Soomaaliya waxay noqonaysaa 120,000 oo qof ayaa
indho la'. Dadkaa 80% ka mid ahi waxay u indho la' yihiin xanuunno wax
laga qaban karo amma laga hor tegi karo, ha u badnaado xanuunkan loo
yaqaanno katarakti/cataract (caadka indhaha gala) iyo galokooma/glaucoma
oo ah biyaha indhaha ku furma. Labadaa xarnuun mid waa la hog tegi
karaa, tusaale ahaan xanuunkan indhaha biyaha ku fura waqti munaasib ah
haddii la ogaado waa laga hor tegi karaa oo wax waa laga qaban karaa
amma ha la daweeyo amma ha la qalo. Cataract amma caadkana waa la dawayn
karaa oo waxa weeye caadka ayaa indhaha laga qaadaa, oo qofka inta
guluub loo geliyo ayay aragiisu caadi ku soo noqonayaa.”
Dr.
Shiine wuxuu intaa araaciyey oo uu yidhi: “Xanuunnada kale ee indho
la'aanta keena waxa ka mid ah fiitamiin la'aamnta sida fiitamiin A oo
qofka ku yaraata. Waxa kale oo keena dad baa jira u baahan inay
muraayado qaataan oo waqtigii munaasibka ahaa inay muraayadaha qaataan
hadduu u baahan yahay sida markii ay da'oodu yarayd ee uu ahaa lix jir
amma todoba jir. Dadkaasi haddii muraayadihii loo baahnaa qaadan waayaan
waxa laga yaabaa iyaga qudhoodu inay indho la'aan ku danbeeyaan.
Xanuunno kale ayaa jira sida allerjiga iyo infection (caabuqyada
xanuunnada huriya) oo mararka qaarkood haddii ay aad u xumaadaan keeni
kara indho la'aan. Markaa guud ahaan dadkaa indhaha la' ee lagu qiyaasay
120,000 waxa sannad kasta ku soo biira 0.12% oo noqonaysa 12000 oo qof
oo indho la' ayaa sannad kasta ku soo biira.”
Dr.
Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) waxa uu sheegay in caadka indha
daboolaa uu da' ku xidhan yahay, isagoo tilmaamay in xanuunnada Macaanka
iyo Dhiigarkuna in ay mararka qaar door ka qaataan in qofku indha
beelo: “90% caadka indhaha galaa da'da ayuu ku xidhan yahay. Qofku marka
uu lixdan sano jir gaadho caadka ayaa soo gala oo qalliin ayuu u
baahdaa. Todobaatan jir marka uu gaadhana caadku wuu sii kordhaa. Dadka
sagaashan jirka ahi 90% caad ayay leeyihiin oo waxay u baahan yihiin
qalliin. Inkasta oo ay jiraan tiro ka yar 10% oo ah carruur ku dhalatay
caadka iyo caruur yaraantoodii indhaha nabar kaga dhacay. Waxa kale oo
jira nooc loo yaqaanno developmental cataract oo ah caad dhalinyarada ku
samaysma oo aan nabarna ku xidhnayn, ilmuhuna aanu ku dhalan, laakiin
da'daa dhexe marka uu joogo sida 15 jir, 20 jir amma 25 jir ayuu ku
bilaabmayaa. Markaa waxa la yidhaahdaa waa mid la socda korriinka lana
yidhaahdo 'developmental cataract'. Laakiin glaucoma (biyaha indha ku
furma) nooc baa jira lagu dhasho oo buftalmoos ayaa la yidhaahdaa oo
ilmuhu isagoo laba illaa saddex bilood jira ayaa la ogaadaa in indhuhu
waa weyn yihiin, oo ilmuhu indhaha lo'a oo kale ayuu yeelanayaa.
Xanuunno kale oo indho la'aanta keeni karaana way jiraan sida Macaanku
marka uu qofka ilaa shan iyo toban sano hayo iyo dhiig-karka.”
Si
indhaha aragooda iyo shaqadooduba u hagaagto waxa mudan in dadku
laasimaan cunista cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ee laga helo Fiitamiin
A sida uu sharxayo Dr. Shiine: “Horta ilaahay mahadi ha ka gaadhee
dadka Soomaalida ah Fiitamiin A kuma yara ee Eeshiya sida Hindiya ayuu
ku yar yahay. Maxaa yeelay dadka Soomaalida ahi waa kuwo hilibka xoolaha
cuna oo oonta amma hilibka xoolaha ayaa laga helaa Fiitamiin A.
Dufankana waa laga helaa, khudradda waa laga helaa. Markaa waa naadir oo
waqtiyada abaaraha ayuun baa la arkaa yaraanshaha Fiitamiin A. Laakiin
marka ay noloshu iska caadi tahay A waa jiraa oo waddankeena kuma yara.”
Ayuu ayuu yidhi Dr. Shiine.
Dr.
Shiine Ayaa noo sheegay in dadka ku nool meelaha xeebaha ah ay yihiin
dadka ugu liida xagga indha ee aan waxba laga qaban karin indhahood,
taasna ay sabab u tahay kulaylka faraha badan ee ku dhaca, isagoo
tilmaamay in dadka hilibka xoolaha cunaa ay yihiin kuwa ugu indhaha
wanaagsan, isaga oo arrintaa sharxayana wuxuu yidhi: “Horta dadka ugu
liita ee aan indho la'aantooda wax ba laga qaban karini waxay u badan
yihiin dadka xeebaha ku nool. Dadka xoolo-cunka ah ayaana ugu indho
wanaagsan. Anigu reer Baydhabo ayaan arkay'oo xaqiiqatan waa dadka ugu
indhaha wanaagsan, ma aqaan sababtu waxay tahay waxaasne filayaa inay
tahay hadhuudha ay cunaan. Laakiin Soomaalida inteeda kale way isku
dhawdhaw yihiin. Dadka reer Jabuuti xagga caafimaadka Indhaha Soomaalida
inteeda kale ayaa ka indho wanaagsan.”
Xoqista
amma marmarista faraha ee uu qofku Indhahiisa ku sameeyo ayaa iyana
qayb ka ah indho la'aanta, iyadoo ay xaqostaasi dhaawac culus u gaysato
qaybta madaw ee indhaha qofka, Dr. Shiine mar kale arrintan ha inoo
sharxo: “Waxaa xusid mudan xanuunkan alerjiga ah ee cuncunka keena,
wuxuu sababaa in xoqista faraha badan ee ilmuhu indhihiisa xoqaa ay
keento inuu yaraado koorniyada oo ah qaybta madaw ee isha. Taas oo
sababaysa in biyaha indhaha ku jiraa ay soo riixaan koorniyada, markaa
inta ay soo dhuubato ayay samaynaysaa wax loo yaqaanno 'karatak koonas'
xanuunkanina maaha mid wax looga qaban karo waddankeenna. Wuxuu qofku u
baahanayaa in inta madawga laga jaro in qof dhintay madawgiisa laga soo
jaro dadadeed qofka lagu talo. Markaa waxa loo baahan yahay in ilmaha
aad looga ilaaliyo xoqidda indhaha. Hooyooyinka waxa la farayaa inay aad
iyo aad uga ilaaliyaan in ilmahoodu indhaha xoqaan oo ay gacanta ku
marmaraan, dhibaato weyn ayaana halkaa ka imanaysa. Haddii cuncunkaa ku
ay arkaan waa inay markiiba la soo xidhiidhaan dhakhaatiirta si dawo
cuncunkaa ka biinaysa loo siiyo.”
Marar
badan ayaad arkaysaa qofka meel madaw oo aan iftiin badan lahayn wax ku
daawanaya amma wax ku akhniya, hab-dhaqankani saamayn ma ku leeyahay
indhaha, waxa aan su'aashan inoo iftiiminaya Dr. Dhiine: “Horta meel
madaw inaad wax ku daawato aad bay khatar u tahay waxaana ay kicin
kartaa xanuunka la yidhaahdo 'angal kaloosidh galokooma' waxa kale oo ay
kicin kartaa xanuunka dhanjafka la yidhaahdo. Horta guud ahaan waxa
fiican in hor-fadhiga Tv-ga la yareeyo waana talo aan jeedinayo. Waayo
Tv-ga la hor fadhiisto waqti badan ayaa ku luma, ardayda wax baranaysana
memoriga (qaybta wax kaydisa ee maskaxda) wuu ka buuxiyaa. Qodobka
labaad, bacadka amma iftiinka badan in qofku wax ku akhriyaa ma
wanaagsana, iftiinka aadka u yarna inuu wax ku aqriyaana ma wanaagsana
oo labadaba indhaha ayaa qofka ku xanuuna. Inkasta oo aan la xaqiijin
saamayn joogto ah oo ay keenaan.”
Dad
badan ayaa aaminsan in qiiqa iyo basaasta madaxu inay indho la'aan
keenaan, walaw aanu qof keliyi kuu sheegayn inuu dhakhtar u caddeeyey.
Haddaba labadan arrimood ayaan hordhigay Dr. Shiine oo sidan ku jawaabay
oo yidhi: “Inta aynu ka ognahay caafimaadka indha salidda madaxa la
mariyaa wax badan kuma kordhiso caafimaadka indhaha. Laakiin in aad
dufan cunto waxa aad ka helaysaa Fiitamiin A. afar fiitamiin ayaana laga
helahaa amma ku milma dufanka waxaana la yidhaahdaa ADEK (Fiitamiin A,
D, E iyo K) inta ba waxa laga helaa wax dufan leh. Markaa waa lato
wanaagsan in qofku cunto dufan leh cuno oo aanu dufanka iska ilaalin. Ta
qiiqa haddii uu qofku allerjik (allergic) ku yahay amma qiiqaha
sigaarka oo dad badan indhahooda waxyeelleeya saamayn wuu yeelanayaa.
Waxa kale oo jira cuntooyin uu qofku Allergic ku noqon karo sida
kalluunka iyo digirta oo dad badan cuncun ku keena, taana waa la arkaa.
Waxa kale oo indhaha u wanaagsan khudradda ay ka midka yihiin dabacasaha
iyo kuwa cagaaran. Dufanka iyo hilibkuba aad bay ugu wanaagsan yihin
indhaha.”
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Haa waan arkay sxb Aad ayaan ugu mahad celinayaa DR. Shiine Iyo adigaba I mean Heersare Thn You sxb ama
ReplyDelete