Friday, January 24, 2014

Amuur Iga Yaabisay!


Arrimaha kaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilliga aad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay. Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo oo taabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaan amma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay ku noqonaysaa la yaab.
Waayo, waxay garanayaan qofka aan lahayn cilmiga caafimaadku inuu dhibaato weyn sababayo, dad badanna uu sabab u noqon karo in waxyeelo caafimaadka soo gaadho amma ilaahay ku sababo in qofkaasi dad laayo. Waana arrinta ugu weyn ee keentay in aanu qofna dhakhtar sheegan karin haddii aanu cilmiga caafimaadka soo baran. Taa waxa la mid ah cilmiga saxaafadda oo ah mihnad sida dhakhtarnimada loo barto. Maxaa yeelay qofka suxufiga ahi haddii aanu aqoon saxaafadeed lahayn wuxuu sababi karaa laba dhibaato oo halis ah; inuu naftiisa halis geliyo iyo in deegaanka uu ku nool yahay dhib gaadhsiiyo.
Muddooyinkan danbe, waxa teleshinnada afka soomaaliga ku hadla ku soo biiraya dhalinyaro kala duwan oo runtii dadaal iyo wax-qabad ka muuqdo, balse hal caqabad ahi haysato una baahan in wax laga qabto. Waxa aad arkaysaa in weriyihii samaynayo war amma barnaamij la doonayo in loo tebiyo daawatada oo ah shacabka iyo hogaankooda. Kelmadaha iyo hab-diyaarinta ay adeegsadaan weriyaashaasi haddii aad u fiirsato waxa ku geedaaman qaladaad badan oo runtii dhaawac ku ah mihnadda saxaafadda iyo ku shaqaynteeda. Waxa aad arkaysaa weriye aad moodo af-hayeen xukuumadeed oo intii masuul xil hayaa odhan lahaa isagu odhanaya.
Waxa in badan dhegahaaga ku soo dhacaya weriye war soo tebinaya oo leh: “Tallaabadan ay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dawladood.” “Warshadan uu madaxweynuhu furay waxay sababaysaa horumar dhaqaake” “Dhaliishan ka soo yeedhay mucaaradku ayaa u muuqata mid wax u dhimaysa dadaalka wax-qabad ee xukuumadda.” “Ciidamada booliska ah ee la tababaray waxay sii xoojinayaan adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida.” “Arrintaasi waxay muujinaysaa inay xukuumaddu ku guul-darraysatay ballan-qaadyadii ay hore u samaysay.” Hadal ahaan odhaahyadani waa sax sida ay u qoran yiihiin, laakiin su'aashu waxay noqonaysaa weriyuhu toos ma u sheegayaa? Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay marka aad war tebinayso waxyaabaha ka mamnuuca ah ee laga ilaaliyo warka aad sheegayso waxa ka mid ah in weriyuhu fikirkiisa ku dhex daro. Markaa haddii uu weriyuhu yidhaahdo: “Tallaabadan ay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dawladood.” Warkaa fikirkiisa ayuu ku darsaday oo waxa uu meel kaga dhacay shuruudihii warnimadii.
Warku waxa weeyaan in weriyuhu sheego waxa dhacay, sida ay u dhaceen, cidda wax samaysay amma ka hadashay, meesha uu ka dhacay, sababta iyo sida waxaasi u dhaceen, isaga oo adeegsanaya oo caddaynaya ilaha (source) kala duwan ee uu warkaasi ka xigtay. Haddii uu weriyuhu u baahan yahay inuu warkiisa xidhitaan fiican u sameeyo waa in cid kale u tidhaahdaa: “Tallaabadan ay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dawladood.”
Weriyuhu waa qof bul bulshada wax u werinaya amma u tebinaya. Waa qof u dhexeeya shacabka iyo madaxdooda. Marka uu wax sheegayo maaha inuu wax ku darsado fikirkiisa. Asxaabtii nebiga (NNKH) xadiisyada ka soo werisay mid keli ah kumuu darsan fikirkiisa, laakiin wuxuu soo weriyey wixii nebiga ka sugnaaday. Weliba ku darsada'oo kutubka xadiisyadu ku qoran yihiin ee xilliyadan la adeegsado marka aad akhriyeyso waxa aad arkaysaa Bukhaari iyo muslim. Waa iliha sugay ee xaqiijiyey saxnimada xadiiska. Sidaas oo kale yaa la doonayaa qofka weriyaha ahi inuu sheego sida ay wax u jiraan, waxa dhacay, cidda cabanaysa, cidda jawaabaysa, cidda cid kale dhaliilaysa iyo wixii la mid ah. Maaha inuu afhayeen noqdo oo waxa uu doono uu ku darsado. Cidda loo baahan yahay inay weriyaha saxdo inta aanu bulshada wax ba u soo gudbin waa tifaftirayaasha oo shaqadoodu tahay sixidda iyo kala haadinta wax-soo-saarka weriyaha. Waxaana saaran masuuliyad culus. Waxa hadda dhaliil badani saaran tahay ragga tifaftirayaasha sheegta oo runtii iyagu masuul ka ah in bulshada loo soo baahiyo wax badan oo sixitaan u baahan.
Muddooyinkan danbe waxa soo shaac-baxay weriyaal aan dan iyo muraad ka lahayn ilaalinta akhlaaqiyaadka saxaafadda ee ay ka midka tahay dhex-dhexaadnimadu. Waxa aad arkaysaa weriye doonaya in la ammaano, inuu xukuumadda amma cidda hogaanka haysa iska dhaadhiciyo, inuu cid gaar ah raaligeliyo iyo arrimo kale. Waxa aad arkaysaa weriye aan ilaalinayn dhammaystirkii iyo dheeli-tirkii wararka oo hal dhinac uun sii daynaya, taasina ay ka dhigan tahay inuu dhinac la safan yahay. Waxa aad arkaysaa weriye mihnaddii saxaafadda u fahamsan in lacag lagu raadiyo. Lacagta aan ka hadlayaa maaha mushaharka lagu shaqeeyo ee xarumaha warbaahintu bixiso ee waa lacagaha ay weriyaashu ka qaataan wararka iyo barnaamijyada ay dadka u sameeyaan.
Haddii ay dhibaatadani sii socoto waxay ina dhaxalsiinaysaa oo ay dhaawacaysaa mihnadda saxda ah ee saxaafadda. Waxay kallifaysaa in da' yarta danbe faham qaldan ka qaataan suxufinimada isla markaana ay si gurracan ugu soo biiraan. Waxa dhacaysa in la naco weriyenimada iyo shaqada saxaafadda oo loo qaato inay tahay wax liita oo ay ka shaqeeyaan dad aan aqoon lahayn oo saaqidiin ah. Waxa imanaysa in aan muhiimad la siin waxbarshada cilmiga saxaafadda ee qotadadheer.
Waxa aan qormadan ku soo afmeerayaa, haddii aynu nahay bahda saxaafadda aynu u soo jeesanno sixidda iyo daba-qabataynta karaamada saxaafadda oo in yar oo innaga mid ahi si qaldan u adeegsanayso.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

No comments:

Post a Comment