Sunday, February 2, 2014

Hal-abuur Mise Hiyi-raac?

Hal-abuurnimadu waa wax ku yimaada aqoon iyo garasho xeel-dheer oo ilaahay ku mannaystay qaar ka mid ah dadkiisa. Waa hanti qofku meel kasta oo uu joogo wax kaga qabsado. Waa kayd koriya qanaacadda qofka oo ah mustanbeedka niyad-ku-noolaanshaha iyo imaan-qabka nooleed ee dadka. Waa masraxiyadda uu qofku ku muujiyo kartidiisa iyo hibada ku qarsoon. Waa habka fikir loogu beddelo wax shaqaynaya oo midho-dhal ah. Intan oo amuurood waxa ka oo horjeeda qof bilaa hal-abuurnimo ah kuna astaysan daba-socod, qishid, iyo dhallan-geddinta fikradaha iyo hal-abuurnnimada dadka kale kaas oo ku sifoobaya “hiyi-raac”.

Dadka Soomaalida ahi waxay isugu jiraan kuwo leh hal-abuurnnimo iyo kuwo kudayda inta hal-abuurnnimada leh. Waxa inta badan dhacda qofka hal-abuurnnimada aan lahayni in aanu dadaal ku bixin ka shaqaysiinta maskaxdiisa iyo keenista fikrad cusub. Waxa jira arrimo badan oo la caddeeyey inay yareeyaan hal-abuurnnimada dadka Soomaalida ah kuwaas oo ay ka mid yihiin; koritaanka maskaxda ee marxaladda caruurtnimo oo qaar badan oo ka mid ah caruurta Soomaalida oo cadaadis badan la kulma sida dilmada iyo hanjabaadda badan ee waalidkoodu ku hayaan. Waxyaabaha kobciya curinta qofka oo aanay dadka Soomaalida ahi nasiib u wada helin. Tirada dadka wax bartay ee Soomaalida oo yar. La qabsiga joogtada ah oo qofka illowsiiya inuu wax hal-abuuro. 

Haddii aynu abbaarno dulucda qormadeenan “Hal-abuur Mise Hiyi-raac.” Marar badan waxa la arkay in dadka Soomaalida ah ee hawlaha ganacsiga ku jiraa inay isku wax soo dejiyaan. Arrintaasi waxay sababtay in hadda wax badan oo dalka gudihiisa lagu isticmaalo in dibadda laga soo waarido, kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay waxyaabaha quutal-daruuriga ah ee lagu nool yahay. Waxa dhacday in dadka qaar isku dayeen inay hab-dhaqankaa beddelaan iyaga oo ku fikiray inay la yimaaadaan hal-abuurnimo. Tusaale ahaan, waxay sameeyaan warshado biyo, waxa si aan ka gabbasho lahayn la isaga qishay fikirkaa oo mar keliya ayuumnaa lagu dhaqaaqay in warshado biyo la sameeyo. Waxa la mid ah sharaabka, Saabuunta Taydha amma oomada, Furshaanta, Isgaadhsiinta, xawaaladaha iyo waxyaabo kale oo badan. Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay muddo ku qaadatay abuurisii shirkadahaasi oo cilmi-baadhis xeel-dheer sameeyeen. Halka kuwo kale inta ay fikirkii qisheen iyaga oo aan waxba ka beddelin ay ku hawl-galeen.

Qofku marka uu dhallan-geddiyo fikir ammaano ku ah oo aanu lahayn, waxa uu la mid yahay qof ku dul soconaya biriij dumaya amma inta indhaha la xidhay lagu yidhi dhex lugee meel godad ku badan yihiin. Waayo, qofkani fikirkan uu soo min-guuriyey waxa iska lahaa qof ku dhibaatooday oo dhinac kasta ka eegay kana baaraan-degay oo si hufan u bidhaamiyey dhib iyo dheef waxa ku duugan, sida uu ku hirgelayo, caqabahada ku xeeran, muddada uu qaadan karo dhaqangalkiisu iyo mustaqbalkiisu waxa uu noqon doonaba. 

Dad badani waxay jecel yihiin inay si dhib yar u gaadhaan waxa ay doonayaan. Mana door bidaan inay u dhibaatoodaan oo waxay ka doonaan inay meel gaaban “Short cut” kaga soo boodaan. Maskaxda inay ka shaqaysiiyaan waa ku dhib. Hal-abuurnimadoodiina waxaad moodaa in laga habaaray. Mar walba waxay u heellan yihiin inay daba-socod noqdaan oo cid kale marti u noqdaan. Ceeb uma yaqaanaan inay hal-abuurnimada dawarsadaan oo ay qishaan. Markii ay maskxdooda dulleeyaan ayay kalsoonidii ka guurtay. Dadka noocan ahi waxay ku badan yihiin magaalooyinka Somaliland iyo deegaannada kale ee Soomaalidu degto. Maxaa dadkan lagu dawayn karaa ayaad is leedihiin?

Haddii aan tusaale gaaban soo qaato laba sano ka hor magaalada Hargeysa may lahaan jirin shirkado kireeya baabuurta yar yar ee lo yaqaanno Tagaasida. Marka laga reebo dad iyagu si shaqsi ah u kireeya. Sannadkii ina dhaafay badhtamihii waxa magaalada laga hirgeliyey shirkad cusub oo Tagaasida kiraynaysa, taas oo la timid baabuur u gaar ah oo iyagu soo dejisteen. Muddo bilo gudahooda waxa laga daba keenay shirkad kale, haddana mid kale...haddana mid kale. Hadda waxay ku dhaw yihiin toban. Xaggeebay markii hore dad kani ku jireen? Mase la odhan karaa waxay si toos ah ugu daydeen hal-abuurnimadii shirkaddii u horraysay?

Gunaanadka qoramadu waxa uu yahay, qof kastaa waa inuu ogaadaa in ilaahay u sameeyey maskax awooddeeda iyo muggeeda leh oo u baahan wax furfura, ka fikirsiiya kana shaqaysiiya. Waa inaad ogaataa in hal-abuurnimadu tay tahay wax-soo-saarka ay maskaxdu samayso marka ay fikirto. Waa in aanad sabool ka noqon sahay kuu kaydsan oo noloshaada badbaado iyo wax tar u ah. Waa inaad wax barataa oo wax badan akhridaa si curintaadu u kobocdo. Waa inaad cilmi-baadhis xeel-dheer samaysaa si aad u horumarinayo aqoontaada iyo fahankaaga nololeed. Waa inaad si sax ah u fikirtaa “positive creative thinking” si aad u yeelato hal-abuurnimo togan oo bilaa turxaan ah. Waa inaad wax badan tijaabisaa si aad natiijooyin badan u gaadho. Waa inaad khalaadka ku celcelisaa oo aanad ka daalin inta aad ka saxayso. Waa inaad ka fogaataa qishka iyo min-guurinta hal-abuurnimada dadka kale. Waa inaad mar kasta maanka ku haysaa inaad wax cusub soo kordhiso, isla markaana waa inaad ilaalisa xuquuqda hal-abuurnimada.
photo(1)

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

No comments:

Post a Comment