Maadaama
oo ay maanta ku began tahay 20ka bisha Feebarweri oo ku astaysan xuska maalinta
dhalinyarada Somaliland laguna saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay
dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri
1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad.
Waxa farxad ii ah inaan halkan
idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi
guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda qiimaha leh ee Dr. Aadan
Yuusuf Abokor, laga soo bilaabo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo
marxaladihii ka dambeeyey.
Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ka
mid yahay aqoonyahanka reer Somaliland ee waqtigoodii, waxbarashadii iyo
wax-tarkoodiiba u horay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxuu ka mid ahaa
dhalinyaradii mutadawiciinta ahaa ee xabsiga dheer u galay wax-u-qabashada
dadkooda, ka dib markii ay isu baysteen xal-u-helista iyo maaraynta xaalado
nololeed oo aad u qallafsanaa oo waqtiyadaa ku habsaday dadkii reer Somaliland
ee xilligaa joogay. Isaga oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee sannadkii 1982-kii
tacaddiga iyo xadhiga la isugu daray, markii uu damiirkoodu siin waayay inay ka
joogsadaan xaaladdii ay dadkoodu ku sugnaayeen, ka dib markii taliskii waagaa
jiray ee Siyaad Barre uu gabay xilkii ka saarnaa goboladdii waqooyiga ee maanta
Somaliland ah.
Dr. Aadan waxaan 23-kii September ee
2011-kii kula kulmay xarunta hay’adda PROGRESSIO ee magaalada Hargeysa,
waqtiyadaas oo uu shaaciyey inuu ka fadhiistay masuuliyaddii hay’addaas oo uu
afar iyo toban sannadood hayay. Waxaan la yeeshay waraysi dheer oo uu si mug
leh ugaga hadlay dharaarihii UFFO, sidii lagu xidhay, sababtii loo xidhay,
jeelkii 20 Jirow ee lagu xidhay, sidii ay uga soo samata-baxeen xadhigii
ciqaabta ahaa ee 20 Jirow, xilligii iyo qaabkii loo soo daayay, kulankii
dhex-maray iyaga iyo Siyaad Barre, wixii ay waqtiga isku dhaafin jireen, markii
la soo daayay halkaa ay wax ka bilaabeen, aragtidiisa Somaliland ee hadda iyo
arrimo kale.
Ka hor inta ay naan guda gelin
dulucda xog-taarikheedkan bal aynu ku horrayno; waa kuma Dr. Aadan Yuusuf Abokor?
Dr. Aadan sannadkii 1946-kii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, isaga oo 3 jir
ah ayaa loo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yamen oo waalidkii degenaa. Halkaas
ayuu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe illaa sare. Isaga oo wax ka baran
jiray Iskuulo ay dowladdu leedahay oo uu maamuli jiray gumaystihii ingiriiska,
maadaama oo Yamen uu waqtigaa guumaysan jiray Ingiriisku.
Waqtigaa uu dugsiga sare dhammeeyey
oo ahayd 1967-kii waxay ku soo beegantay xilli ay Yamen ka socdeen dagaallo
xornimo-doon ah oo ay wadeen Jabhad Yamaniyiin ah, iyada oo dadkii Soomaalida
ahaa ee waqtigaa Yamen ka soo yaacay loo yaqaannay “Xabbadi keentay.” Dr. Aadan
isagu Soomaaliya muu soo qaban ee waxa uu u kacay dhinaca Qaaradda Yurub.
Waxaana uu markab dalxiis ka raacay Yamen isaga oo uu wehelinayey nin ay
saaxiib ahaayeen, iyaga oo tegay dalka Talyaaniga una sii dhaafay Jarmalka.
Waxaana ay halkaa u tegeen inay jaamacad ka galaan. Dowladii Jarmalku waxay u
sheegtay inay deeqaha warabasho siiyaan dawladda Soomaalida oo aanay jirin wax
deeq warabsho jaamacadeed ah oo ay cid siin karaan. Isaga oo halkaa ku sugan
ayuu la xidhiidhay walaalkii Muuse Yuusuf Abokor [Muuse Tuur] oo joogay dalka
Poland iyo labada nin oo kale oo kala ahaa Dr. Maxamed Cali Sanqoole iyo Dr.
Maxamuud oo halkaa caafimaadka ka baran jiray, kuwaas oo uu u sheegay inuu u
baahan yahay scholarship-jaamacadeed. Waxaana uu nasiib u helay inuu helo
scholarship uu ku baranayo caafimaadka. Muddo sideed sannood ah ayuu Poland
joogay oo uu waxbarashadiisa Jaamacadeed ku diyaarinayey.
1976-kii ayuu digtoorku soo
dhammaystay waxbrashadaa-jaamacadeed ee uu ku qaadanayey dalka Poland, isaga oo
hal sano ka soo shaqaynayay cusbitaallada dalkaa uu wax ka baranayay, waxaana
uu soo bartay daawaynta cudurada guud.
1977-kii ayuu go’aansaday inuu
waddankiisa hooyo dib ugu soo noqdo, waxaana uu ka soo degay magaalada Xamar.
Shaqadiisii ugu horaysay ee dhakhtarnimo-na waxa uu ka bilaabay Digfeer oo ahaa
cusbitaalka guud ee Xamar. Intii u dhexaysay 1977 ilaa 1979-kii ayuu ka
shaqaynayay cusbitaalka Digfeer.
1980-kii ayaa Digtoorka loo soo beddelay
cusbitaalka guud ee Hargeysa, ka dib markii uu codsaday in xaggan loo soo
beddelo. Markii uu dhawr bilood joogay ayaa loo magacaabay agaasimaha
Cusbitaalka Hargeysa. Waxa uu la kulmay xaalad aad u liidata oo ka jirta
cusbitaalka, taas oo salka ku haysay cadaadiskii baahsanaa ee taliskii Af-weyne
ku hayay dadka reer Somaliland ee waagaa Hargeysa ku noolaa. Si wax looga
beddelo xaaladdaa uu ku sugnaa cusbitaalku waxa uu Dr. Aadan isugu yeedhay
dhallinyaradii aqoonyahanka ahaa ee dalka ku soo noqday iyo dadkii ganacsatada
ahaa, iyaga oo shir ka yeeshay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda
cusbitaalka, waxbarashada iyo arrimaha kale ee bulshada.
Waxa kale oo xilligaa waddanka ku
sugnaa Urur dhakhaatiir ah oo la odhan jiray Germany Amergency Doctors, oo
adeegyo caafimaad u fidin jiray dadkii ku jiray xeryaha qaxoontiga ee Hargeysa
u dhawaa. Waxaana Dr. Aadan iyo qolyihii la shaqaynayay ay ururkaas
dhakhaatiirta ah ka codsadeen in dadka xanuunsanaya ee xeryaha qaxoontiga la
keeno cusbitaalka oo lagu daaweeyo, iyagiina way ka ogolaadeen oo markii ay
xaaladda cusbitaalka qiimeeyeen waxay ogaadeen inay wax ka qaban karaan.
Waxaana ay xilligaa cusbitaalka u qoondeeyeen miisaaniyad dhan 2 milyan oo
lacagta Jarmalka ah, iyaga oo mar kasta keeni jiray dhakhaatiir mutadawiciin ah
oo bil illaa laba bilood amma sannad-ba cusbitaalka joogi-jiray. Markii
cusbitaalka qalab cusub la keenay, lacagna la keenay ee qoladii jarmarka ahayd
dawooyinkii keeneen, ayuu cusbitaalkii noqday ku ugu wanaagsan Soomaaliya.
Hawshii halkaa kumay joogsan ee
kooxo kale oo dhalinyaro ah, ayaa iyaguna si tabaruc ah dugsiyada wax dhigis
uga bilaabay. Kooxihii NSS-ta iyo nabad-sugidda ee ku sugnaa Hargeysa ayaa
illaa af-weyne gaadhsiiyey hawlaha ka socda waqooyiga iyo abaabulka wax-qabasho
ee lagu hawlan yahay, taasoo ka hor imanaysay qaabkii loogu talo-galay in dadka
reer Somaliland ee xiligaa joogay inay nolol xun ku noolaadaan.
Haddii aynu intaa ka soo gudubno,
waxaynu hadda si toos ah u dhex muquuranaynaa qaybtii ugu muhiimsanayd ee
nuxurka qoraalkeenna. Waxuu Dr. Aadan oo si faahfaasan uga xog-warramayaa
su’aal la xidhiidhay qaabkii loo xidh-xidhay kooxdii UFFO iyo sidii loo
asaasay-ba, waxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxa dhacday markii aanu halkaa
wax marinaynay in aanaan joojin ee aanu halkaa shirarkayaga ka sii wadannay. Shirarkaasna
kolkii danbe waxa aanu kaga hadli jirnay waxyaabaha cadaadiska ah ee lagu hayo
waqooyiga haddii ay tahay xagga siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Illayn berigaa
Rajiimka dad badan ayaa u shaqayn jiray oo isugu jiray nabad-sugidda amma
kooxii loo yaqaannay dhabar-jebinta iyo hay’ado badan oo sir-doon ah, wararkii
illaa Xamar iyo taliskii Af-weyne ayay gaadheen.
Niman Wufuud ah oo Af-weyne uu Xamar
ka soo diri-jiray kuna soo odhan jiray ‘soo dejiya reer waqooyigii wuu kacsan
yahaye.’ Nimankaasi way yimaadaan oo way nala hadlaan, annaguna wixii waddanka
ka jira ee dadku ka cabanayeen ayaanu ku dhiirannaa oo aanu u sheegnaa.
arrimuhu waxa ay berigaa ku wanaagsanaayeen marka ay weftigu yimaadaan waxa ay
odayaashu ku odhan jireen ‘Annaga dhalinyarada-yada ayaa noo hadlaysa oo
sheegaysa wixii dhibaatooyin ah ee jira.’ Iyaguna may hadli jirin, annaguna
waanu ku dhiiran jirnay oo qolaadaa ka socota Rajiinka Xamar wax walba waanu u
sheegi jirnay.
Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa
jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo
qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga
dadkana kor loogu qaadi jiray, ayaa u gacan-galay qoladii sir-doonka. Manuu
ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan
jiray ‘Ninkii helawba joornaalkaas sii badi oo dad kale gaadhsii.’ Sidaas ayuu
dadku isku gaadhsiin jiray.
Warqadii markii la helay waxay
gaadhay dowladdii Af-weyne, waxaana dawladdii bilawday in dhalinyaradii la
xidhxidho. Markii ugu horreysayna waxa la xidhay laba nin oo naga mid ahaa--
waa Maxamed Baaruud iyo Axmed Jabane oo imika Canada jooga, waxaana lagu
xidhay nabad-sugidda oo ahayd meeshan ay imika yihiin wadaaradda arrimaha
dibadda iyo Laanta socdaalku. Markaa annagana waa na loo sheegay in nala
xidhayo oo qolada NSS-ta waxa ku jiray niman reer waqooyi ah, kuwaas oo noo
warrami jiray naguna odhan jiray ‘idinkana waa la idiin soo socdaa oo waa la
idin xidhayaa.’
Anigu waan ogaa in la xidhayo oo
xafiiska [xarunta cusbitaalka Hargeysa] ayaa la igu yimi oo la igu yidhi ‘Adiga
caawa ayaa laguu imayaa oo lagu xidhayaa.’ Haddana annaga oo og in nala xidhi
doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu joognay, oo aanu nidhi ha la
ina xidho oo bal aynu eegno waxay sameeyaan. Is-la habeenkii aniga oo guriga
jooga ayaa duub-castii amma millaterigii oo gurigaysa ku wareegsan la iga
toosiyey, waxaana ay i toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS
ah laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini waayeen. Markaa xaas maan
la hayn ee solone [keli] ayaan ahaa. ‘Soo bax’ ayay igu yidhaahdeen waad soo
noqon doontaaye, markaa wax dhar ah maan qaadan. Kolkii aan debedda u soo baxay
ayaan arkay gurigii oo ay ku wareegsan yihiin qoladii duub-casta ahayd. Waan
soo raacay oo meesha Laanta socdaalka oo berigaa cusbaa oo aanu weli la
wareejin Laanta socdaalku, ayaa la igeeyey oo ay xarun ka dhigteen todoba
NSS-ta ah oo laga soo diray Xamar madax-na uu u ahaa nin la odhan jiray Cali
Xuseen, oo ahaa ninkii qolada jabhadda SSDF-ta ee Majeerteen ku takhasusay ee
gamta [laayey] u joogsaday. Waxaana uu ahaa nin aan naxariisba lahayn oo
dhiigyo-cab ah, qolada uu watayna waxay isugu jireen Daarood, Hawiye iyo
qolyooyin kale laakiin Isaaq kumuu jirin. Nin sheekhaal ah oo u garaaci-jiray
Teebka ayaa ku jiray oo isagan ay CID-da ka soo kaxaysteen.
Sidii habeen kasta dhawr qof loo soo
qabanayay ayay tiradayadii gaadhay dhawr iyo labaan qof, oo gurigaa iyo mid
kale ayaanu ku jirnay oo qof walba qol goonni ah ayay ku xidheen, iyagoo
katiinad nagu xidhi jiray habeenka ay na waraysanayaan. Waxaana waraysigii
socday afar bilood, dhammaan shirarkii samafalka ahaa ee aanu isugu iman
jirnay waxa ay ka dhigeen shirar siyaasi ah oo lagu inqilaabayo dowladda
Soomaaliya. Maalintii afartii bilood dhammaatay ee ay kiiskoodii
diyaarsadeen, ayaanu ogaannay qodobada ay doonayaan in na lagu qaado, kuwaas oo
wada ahaa qodobo dil ah. Markiiba waraaqo ayaanu qornay oo inta aanu dad u
dhiibnay ayaa suuqa la geliyey, annaga oo ku qornay in maxkamadda nala gaynayo
oo qodobo dil ah na lagu qaadayo.
20-ka bisha February ee hadda loo
aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland waxa ay ku timi, iyadoo ardaydii
dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo soo rawaxday oo filaayay in maalintaa na la
keenayo maxkamadda ayaa waxay la kulmeen gaadhi shebegle ah oo maxaabiis siday,
dabadeedna shiid ayay ku bilaabeen askartii iyo maxaabiistii. Markii ay
xaaladdu halkaa maraysay ayaa iskuulladii kalena laga soo dareeray sida 26-ka
June iyo qaar kale, kolkaasaa maxkamadii la isugu wada yimi, oo ardaydii meel
walba qabsatay. Markii uu booliskii ku filnaan waayay caabiskii ka hor imanayay
ayaa millaterigii uu xilligaa Gaanni haystay la soo saaray, oo dabaabadahoodii
iyo Beebeeyadoodii wata. Dhawr arday oo aan filayo ilaa saddex arday inay
ahaayeen ayaa berigaa ku dhintay. Markaasaa magaaladiina bandoo la saaray.
Markii arrintii yara degtay
waxoogaa, ayaa annaga maxkamadii 28-kii February nala keenay. Waxa na lagu
qaaday maxkamadii Badbaada oo aan qofka loo ogolayn inuu hadlo amma aan waxba
la waydiinayn, laakiin looyar ayaa lagu qabanayaa oo kuu hadlaya. Si kasta ha
ahaatee, waa maxkamad-uun dadka la tusayo in maxkamad lagu taagay, laakiin
go’aanka horeba loo gaadhay. Waxa na lagu xukumay xukunno kala duwan oo
saddexdii noogu horeeyey oo kala ahaa; Maxamed Baaruud, Axmed Jabane iyo
Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi waxay ku xukumeen dil, aniga iyo niman
badan oo kale waxa ay ku xukumeen xabsi daa’im, halka ay qolooyin kale kaga
xukumeen 25 sano, 35 sano iyo xukunno kale.
Waxa ay maxkamaddii xukuntay 20 ka
mid ah 28 yagii. Waxa ay sii daayeen 8 qof oo ay yidhaahdeen iyagu waxba may
ogayn. Markii uu xukunkii dhacay ayaa waxa Xamar u duulay ninkii NSS-ta haystay
ee ina Siyaad Barre qabay iyo Ina Lax-was oo arrinta yada loo soo diray. Markii
uu xukunkii dhacay ayay Xamar tegeen oo ay Af-weyne la kulmeen, kolkii
rabashaddii dhacday ay joogsan wayday ayuu xukunkii ka jebiyey saddexddii dilka
ahaa wuxuuna ugu beddelay xabsi daa’in.
Jeelka Hargeysa ayaanu ku jirnay
sideed bilood. Wax kalena ugu maanaan jirin ee waxa la doonayay in dadka la
dejiyo, oo waxa ay lahaayeen October marka la gaadho ayaa la saamaxayaa oo
Madaxweynuhu cafinayaa. Markii October la gaadhay ayaa Xamar na loo qaaday,
dabadeed Odoyaashii ayaa Gaanni u yeedhay oo isna Kitaab ayuu gacanta u saaray
in na la soo cafinayo, iyaga [Odoyaasha] laftoodu sidaa ayay aamin sanayeen,
illayn odaygu cidna waxba umuu sheegine.
Markii nala qaaday ee Xamar nala
geeyey ayaa annaga oo laba habeen joognay, waxa habbeenimadkii la keenay
baabuurtii shebegga lahayd ee Millateriga kolkaasaa na lugu guray oo toos na
loo geeyey meel la yidhaahdo 20 Jirow oo 180 KM u jirta Baydhaba.
Meeshaasi waa meel aan cidna loo ogolayn inay u soo dhawaato ilaa 5 Km dhinac
kasta, reer-guuraa meesha maraya mooyee cid kale uma soo dhawaan karto. Waa
meel Jeel ah, oo waa halkii ay ku xidhnaayeen Ina-cigaal [Madaxweynihii
geeriyooday ee Somaliland] iyo Abshirkii reer Puntland. Waxaana la soo daayey
markii annaga February nala gaynayay maxkamadda bishii ka horeysay ee January.
Waa jeel qof walba keligii qol lagu xidhayo oo cid is-arki maysaan. Maalinta
lagugu xidho ayaa kuugu danbaysa qof aad aragto, wuxuum-baad is-arkaysaan
ninkaa gaadhka ah ee furaha sida iyo marka ay saddexda waqti raashinka kuu
keenayaan laakiin cid kale oo aad arkaysaa ma jirto.
Waxa ay markaa nagu kalliftay, Nin
naga mid ahaa oo Yuusuf Gaydh la yidhaahdo oo isaga waraaq laga helay
markii na la geeyey meesha [Jeelka]. Waraaqdaas-na uu u diraayey nin sucuudiga
jooga oo uu ku lahaa ‘SNM-ta taageera oo Afweyne iska celiya’ ayaa laga helay
shanddadiisii markii nala geeyay 20 jirow. Ninka meesha haystaana waa nin yar
oo Mareexaan ah oo markii hore isba-toore ahaa, haddase kornayl ah. Waxa uu
yidhi ‘kan isaga (Yuusuf Gaydh) ifka ka qariya, oo waxa aad gaysaan meel shishe
oo silsilado ku xidha.’ Markaa isaga waa na laga fogeeyey oo waxay ku
xidh-xidheen silsilado ay lugaha kaga xidheen oo uu suuliga uun gaadhi karo. Habeen
kasta inta uu yidhaa iigu yeedha ayuu hor dhigaa kafanta iyo baaskoolad,
kolkaasuu ku yidhaahdaa ‘haddii Nimankaa aad waraaqda u qoraysay aad i siin
waydo magacyadooda baaskooladdaas inta aan madaxa kaaga dhufto ayaanay cid
danbe iskaa waydiinayn.’ Habeen kasta wuu argagixin jiray. Yuusuf-na wuu diiday
inuu magacyo siiyo, waayo wuu ogaa haddii uu magacyada siiyo in Safaaraddii
xumayd ee Sucuudigu inay nimankaas dhibaato u gaysanayso.
Yuusuf oo dhibaatadaas soo maray
ayaa markii danbe na lugu soo celiyey, oo laynka-yagii ay qolalka-yagu ku
yaalleen ayaa lagu soo celiyey. Yuusuf markaa xoog ayuu u soo dhibaatooday oo
habeen iyo maalinba wuu ku xidhnaa albaabku oo madow ayuu ahaa qolkiisu
lagamana furi jirin albaabka. Waxa uu u baahday inuu la hadlo ninka saaxiibkii
ah ee ku xiga, dabadeedna gidaarka ayuu soo garaaci jiray, saaxiibkiisa ku
xigaana wuu soo garaaci jiray oo waan noolahay ayuun-bay arrintu ahayd. Waa tan
la yidhi ‘necessity is the mother of invention.’ Qofka marka ay baahidu ku
badato maskaxda ayuu ka sheqaysiiyaa oo wuxuun-buu qofka beni’aadamka ahi soo
saaraa. Markiiba waxa uu ka fikiray wixii la odhan jiray (DHIIDHAADA) ee ay ku
wada hadli jireen maraakiibtu, dabadeedna waxa uu ogaaday in waxaasi yahay wax
la garaaci karo. Markiiba waxa uu bilaabay Alphabet (Inuu xarfo u beddelo
garaaca gidaarka), waxa uu ka bilaabay A laa Z sidii uu isugu gay-gaynayay.
Dhibtaada keliya ee na haysatay
waxay ahayd in qofka kugu xiga aad u sheegto oo aad ku tidhaahdo ‘waar waxan
aan garaacayaa waa xarfo ee qoro,’ haddii aad intaa ka gaadhsiiso isna wuu
qoranayaa oo gidaarka ayuu ku qoranayaa, dabadeedna wuu xafidayaa markaasu
masaxayaa. Maxaayeelay galab kasta waa la baadhaa qolalka. Inta badan askariga
gaadhka hayaa marka ay sanqadhiisu kaa yara fogaato ayaa qofku inta uu albaabka
shebegga ah istaago ayuu odhanayaa ‘waxan aan garaacayaa waa xarfo ee qoro.’
Isna sidaas ayuu ku qoranayaa. Xarfihii ayaanu dhammaantayo is-gaadhsiinnay, oo
waxa ay noqotay inaanu si caadi ah u wada hadalno. Aroortii marka aanu soo toosno
ilaa habeenkii gidaarkaas ayaanu ka wada sheekaysan jirnay. Waxa dhacday in rag
halkaa qur’aanka iyo tafsiirkaba laga baray, oo laba nin oo mid tafsiirka
yaqaanay midna aanu aqoon ayaa halkaa tafsiirka iska baray.
Kan Mareexaanka ah ee Jeelka haystay
oo noo ogolaa uun Kitaabka qur’aanka, ayaa aniga ii ogolaaday inaan
shandaddayda kala baxo buug 800 oo bog ahaa kaas oo aan qolka ku dhex haystay.
Markaa waxa xanuustay Maxamed Baaruud oo igu xigay, waxa ku dhacday wuu
fadhiisan kari waayay, habeenkiina hurdo ayuu iska waayay, haddii uu seexdana
wuu sasayaa. kolkaa waxa uu ka baqanayay waalli oo wadnaha ayaa aad u
garaacayay. Tii dhakhtarnimada ayaan ku isticmaalay inaanay waxani dhibaato
lahayn, aniga oo si psychology ah u isticmaalay in waxani tahay cidhiidhiga uu
ku jiro oo dhakhtarnimadii ayaan hadal ku waday, inuu jimicsi sameeyo ayaan u
sheegay. Wixii markii ay waxba ka tari waayeen, ayaan buuggii soo qaatay oo
waxa aan ku idhi ‘Buugga ayaan kuu akhriyayaa ee dhegayso.’ Buugga markii aan
gidaarka uga akhriyey fikirkii uu ka fikiryey waad waalan doontaa oo wadnaha
ayaa iskaa-taagi ayaa meeshii ka baxay, oo waxay noqotay inuu sheekadan
wanaagsan uun dhegaysto, oo faraha ayaan maryo isaga duubay si aanu gidaarku
wax ii yeelin. Aroortii illaa galabnimadka ayaan buugga u akhriyi-jiray, oo
habeenkii waa madow oo buugga lama arki karayo ee kolka uu habeenkii seexdo ee
uu salalo, ayuu i toosin jiray oo sheeko caadi ah….illaa caruurnimadii ayaanu
ka sheekaysan jirynay. Sidii ayuu ku degay oo uu xanuunkii kaga ladnaaday.
Buuggiina waxa aanu ku dhammaynay laba bilood iyo dheeraad. Muddo gaaban-na way
nagu qaadatay inaanu fartaa ku xafidno.
Si kasta ha ahaatee, waxa aanu
meeshii (jeelkii) ku jirnay muddo todoba sannadood ah. Waxa nala xidhay markii
hore 1981-kii bishii November, waxa aanu halkan joognay (Hargeysa) ilaa bishii
October 1982-kii. Waxaana nala soo daayay oo aanu 20 Jirow ka soo baxnay
1989-kii, ka dib markii Maraykanku cadaadis saaray Af-weyne, oo wakhtigaa
dagaalkii qaboobaa ayaa dhammaaday, oo waxa meesha ka baxay Maraykanku wixii uu
kelitaliyeyaasha sida Afweyne uga baahnaa. Markaa waxa noo hadli jiray ururo
badan oo ay ka mid ahaayeen Amnesty International, African Watch iyo American
Academy of Science oo ah akademiyadda culuumta sayniska ee Maraykanka oo waxa
ay leedahay qayb xuquuqda aadamaha raadisa, iyaguna aad ayay noogu hadli jireen
oo cadaadis ayay saari jireen dawladda Maraykanka, intii hore cadaadiskoodu wuu
shaqayn waayay ee markii la gaadhay 1989-kii ee uu Maraykanku arkay inaanu
digtaytar iyo Siyaad Barre u baahnayn ayuu lacagtii ka joogoiyey. Waxaana uu
maraykanku ku yidhi ‘lacagtaa bixin maayo illaa aad sii dayso wixii maxaabiis
ah ee siyaasad u xidhan.” Siyaad Barrena 1989-kii lacag wuu u baahnaa oo
dagaallo ayaa ku socday oo SNM, SSDF iyo iyo Itoobiyaba dagaallo ayaa kaga
socday. Markaa lacag ayuu u baahnaa oo waatii shilinka Soomaaliyeedna baaba’bay
ee dhaqaaluhuna hoos u dhacay. Qof nagumuu reebin oo wuu na soo wada daayey.
Jeelkii dhammaa ee 20 Jirow waxaa nagaga hadhay oo keliya nin Itoobiyaan ah oo
lagu soo qabtay dagaalkii 1977 Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray. Dhammaan
wixii siyaasad u xidhnaa ee xitaa meelaha kale ku xidhnaa wuu soo daayey.
Markaa kolkii hore ayaan sheekada
kaa illaabaye 20 Jirow 14 qof ayaa na lagu geeyey oo Afweyne ayaa yidhi ‘wixii
toban sano ka yar ku haya jeelka Xamar.” Lix ayaa ka yaaraa 10 sano oo naga
hadhay. Lixdaa qof saddex waxa lagu xukumay siddeed sannadood, saddexda kalena
min saddex sannadood ayaa lagu xukumay. Markaa iyagu way naga horreyeen oo way
dhammaysteen xadhigoodii. 14-ka yagii ku xidhnaa 20 Jirow ayuun-baa la soo
daayey.
Soodayntayadu mid cajiiba ayay ahayd
oo na looma sheegin. Galabnimadkii ayuun-baa qof kasta waxa loo keenay garan
cad iyo macawis cusub. Waanu yaabnay illayn weligayaba waxba namay siin jirin
oo waxa yaga oo googa’ay ayaanu toltolan jirnay. Gidaarka ayaanu ka wada
hadalnay annagga oo isku leh; ‘Waar maanta maxaa jira?’ Markaa Ciidna may ahayn
ee munaasibaddii ayaanu garan waynnay. Kolkii cashadii garawga ahay nala siiyey
ee meeshii la nagu xidhay, ayaa fiidkii markii uu shaacu madoobaaday nin walba
laga furay qolkii uu ku xidhnaa. Waxaanu maqalnaa uun sanqadhan la furayo
albaabada, waanu yaabnay illayn weligayo xilligaas oo kale nagamay furin’e.
Markaasaa nala kaxeeyey oo nala geeyey qol uu fadhiisan jiray ninka jeelka
haysta. Aniga saddex qof ayaa iga horeeyey oo markii aan soo fadhiistay ayaan
eegay saddexdii qof ee iga horreeyey kolkaasaan garan waayay. Hadda waa
nimankii aanu saaxibbada ahayn ee aanu wada xidhnayn. Todobadii sano ee aanu
xidhnayn ayuu mid waliba isbeddelay. Mid lafo noqday oo caato noqday, mid
caddaaday oo jidhkiisu qorrax la’aantii isbeddelay intii uu jeelka ku jiray…qof
waliba wuu is beddelay. Wada-hadli mayno’oo inta labadii habeennimo baabuur
badan oo Laankuruusarro ah la keenay ayaa nala saaray annaga oo katiinadaysan.
Marka aad jeelka ka baxayso iyo marka aad soo gelaysaba indhaha ayaa lagaa
xidhayaa si aanad u ogaan waddada la marayo. Baydhabo marka la gaadho ee aad
aragto laydhka Baydhaba ayaa lagaa furayaa maradii indhaha kaaga xidhanayd,
laakiin katiinadu way kugu xidhnaanaysaa.
Markii aanu Baydhabo maraynay ayaanu
garannay inaanu Xamar ku soconno oo inay rajadu yara wanaagsan tahay ayaanu
dareennay. Kolkii hore maanaan garanayn in nala tooganayo iyo in meel kale na
loo wado. Labadii Habbeenimo ayaa nala geeyey Xamar sidii na loo sii waday ayaa
nala geeyey Madaxtooyadii, waxaanu is hortaagnay qolkii Afweyne oo ninkii ugu
horreeyey ee na arkay isaga ayuu ahaa. Afweyne waxa uu isaga hadlay nac-nac iyo
wax bilaa macne ah. Nin kasta waxa uu waydiiyey; “Ma qabtaa dembigii lagugu
xidhay.” Markaasaa nin kastaa ku yidhi; “Mayee ma qabo.” Bal inuu waalan yahay
iyo kale todoba sannadood ka dib ayuu na waydiinayaa in aanu dembigii qabno iyo
in kale. Markaasuu nagu yidhi; “Anigu waxba ma xidho ee wax ayaan soo daayaa ee
nimankii idin xidhay waa iyaga iyo ilaahood.” Waxaas ayuu isaga hadlay.
Kolkaasuu nagu yidhi; “Soomaali dhiigeedii wuu datay, waqooyigii wuu ku daayay,
Hargeysi way ku daysay, Burco way ku daysay.” Waxa uu noqday ninkii ugu
horreeyey ee noo warramay, waxaana uu u jeeday meeshii cidi kumay hadhin ee
dadka inii kale qaxoontiga ayay joogaan. Annaga oo yaaban oo leh waar tolay
miyuu waashay waxan uu ku hadlayaa waa maxay, ayuun-buu yidhi “Ordoo guryahoodii
geeya.” Mid yar oo noogu yaraa lana yidhaahdo Cabdiraxmaan Masalle ayaa yidhi;
“Oo Madaxweyne gurigan aad sheegaysaa waa maxay soo digan leh Hargeysi way ku
daysay.” Markaasuu gartay inuu khaldamay oo uu yidhi; “Waar orda qaada oo
hudheel geeya.” Hudheel ku yaalla Xamar ayaa nala geeyey oo bac lacag ah ayaa
na loo dhiibay. Waxaana hudheelkii noogu yimi dadkii reer waqooyiga ahaa ee
ogaaday in nala soo daayay. Bacdan lacagta ah ee na loo dhiibay waxaanu u
haysannaa in lacag badan na la siiyey. Markii aroortii aanu ka quraacannay
ayaanu bacdii lacagta ahayd u dhiibtay mise waxba kamay soo hadhin. Bacdii
dhammayd ee lacagta ahayd waxay noqotay qutaacdii. Markaas ayaanu ogaannay sida
ay lacagtu u baaba’day.
Markii ay dadkii noo warrameen oo
mid kasta oo naga mid ah war aan fiicnayn loo sheegay, mid la yidhi aabahaa
ayaa dhintay, mid la yidhi walaalkaa ayaa dhintay…..aniga aabbahay ayaa dhintay
intii aan xidhnaa. Nin kale oo aan kuu sheegayay oo Muuse Tuur oo la idhan
jiray oo mutacallim ahaa isna Hargeysa ayuu ku dhintay oo madaafiicdii Hargeysa
lala dhacayay ayuu ku dhintay. Markaa nin walba war xun oo caynkaas ah ayaa loo
dhiibay, kolkaas ayaanu tashannay oo waxaanu iswaydiinnay maxaynu qaban karnaa?
Waxa kaliya oo aanu ku tashannay inaanu dadkii la xidhiidhno oo Jabuuti ayaanu
tagnay, waxaanu uga soo gudubnay Itoobiya oo xeryihii qaxoontiga ayaanu soo
marnay oo dhibaatada taagan ayaanu aragnay. Markaa ayaanu u tagnay qoladii
SNM-ta ee Diridhaba, haddana waxaanu booqannay ciidamadii SNM-ta ahaa ee jiidda
hore joogay. Annaga oo gubaabo iyo mahadnaq u jeedinnay.
Waxay soo socotaba waxaanu
samaysannay urur samafal ah oo la odhan jiray SORA, kaas oo aanu ugu
talo-galnay inaanu wax ugu qabanno dadkeenii qaxoontiga ku sugnaa. Markii dalka
la soo galay 1991-kiina ururkii ayaanu sii wadnay, annaga oo aad uga shaqayn
jirnay dayac-tirkii iskuullada iyo waxyaabihii danta guud ahaa. Halkaa ayaanu
ka sii wadnay hawlihii samahafalka.
Markaa shaqada hay’addan PROGARESSIO
waxaan bilaabay 1998-kii, waxaan ka shaqaynayayna 14 sano. Shaqada ugu weyn ee
ay PROGARESIO qabatay waxa weeye sidii ay wax badan ula qaban lahayd waxan la
yidhaahdo ururada rayidka. Iskata oo aanu ka shaqaynnay caafimaadka,
HIV/AIDS-ka iyo deegaanka. Laakiin halka ugu weyn ee ay xoogga saartay waa
ururada bulshada. Sannadkii 1995-kii ayay PROGARESSIO xafiiskii ugu horreeyey
ka furatay Hargeysa, walow xilligaa ay ururada rayidka ahi yaraayeen haddna way
cusbaayeen oo khibrad hore may lahayn. Waqtigii Afweyne-na lama ogolayn ururada
rayidka ah. Waxaanu xilligaa la shaqayn jirnay HAVAYOCO iyo NAGAAD oo 1997-kii
samaysantay. Ururadaas ayay ahaayeen kuwii markii hore aanu la bilawnay.
PROGARESSIO waxay soo shaqaalaysaa dad ajanebi ah oo khibradda, aqoonta iyo
farsamadaba kala shaqeeya ururadeenan rayidka ah.
SONYO markii la asaasay ee
2003-diiba wada-shaqaynta waanu la bilawnay. Waxaanu markii ugu hoorraysay-ba
aanu u keennay gabadh filibiiniyad ah oo aad u soo dhistay SONYO. Waxaana ay soo
dhisaysay saddexdii sannadood ee ugu horreeyey, taas oo sababtay inay noqdaan
urur bisil illaa haddana sidii ayay PROGARESSIO ula shaqaysaa SONYO.
Ururada danbe ee aanu la shaqaynayna
waxaa ka mid ah GAVO oo markii hore Berbera degenayd haddase degan Hargeysa,
Burco iyo Ceerigaabo. Waxa kale oo aanu la shaqaynay qolo kale oo FOPAG la
yidhaado (Forum for peace and governance). Dhinaca HIV/AIDS-ka waxaanu kala
shaqaynaa ururka dhalinyarada ee HYDA. Waxa kale oo aanu cusbitaalka weyn ee
Hargeysa kala shaqaynnaa dawooyinka la siiyo dadka la nool xaruunka AIDS-ka.
Waxa kale aanu la shaqaynaa urur TALO-WADAAG la yidhaahdo oo daryeela dadka
xanuunkan la nool.
Hawlihii doorashooyinkana waanu ka
qaybgalnay sida tii Baarlamaanka iyo tii madaxtooyada ee kal hore dhacday.
Waxaana aanu keennay goob-joogeyaal caalami ah oo korka kala socday
doorashooyinkaas. Waxa kale oo aanu buugaag ka qornaa aqoonsiga Somaliland
maadaana oo ay Somaliland ga’doonkan (isolation) ku jirta si ay ga’doonkaas uga
baxdo. Buuggii ugu horreeyey ee aanu arrintan ka qornay waxaa la yidhaahdaa
“BECOMING SOMALILAND” waxaana qoray nin aanu lacag siinnay oo la yidhaahdo Mark
B. waxaana ku jira taariikhdii SNM, asaaskii Somaliland ilaa hadda. Qof kasta
oo ajanebi ah oo doonaya inuu Somaliland wax ka ogaado haddii uu buugan akhriyo
way ku filan tahay.”
Dr. Aadan Yuusuf maadaamoo uu dhibta
intaa le’eg uu soo mutay Somaliland, waa maxay aragtidiisa ku waajahan heerka
Somaliland marayso, isagoo arrintaa sharraxaad ka bixinaya waxuu ku jawaabay oo
uu yidhi; “Horta Somaliland marxalad adag ayay ka soo gudubtay, wixii inagu
dhacay waqtiyadii hore iyo la dagaalanka cadawgu Soomaalida ku hayaan…waxaas oo
dhami dhibaato badan ayay ina soo gaadhsiiyeen, laakiin ilaahay mahadii waxaas
oo dhan waynu ka soo gudubnay oo caqabadihii ugu waa weynaa ayaynu ka soo
gudubnay. Caqabadda ugu adag ee imika ina haystaa waxa weeyaan xagga
siyaasadda, inkasta oo aynu dimuqraadiyadii ku guulaysannay oo aynu
doorashooyin qabannay, haddana wax badan ayaa innaga dhiman oo ta ugu weyni
tahay xisbiyada oo xaggii xisbiyada ayaynu ka liidannaa. Xisbiyadu waa waxa
dimuqraadiyadda asaaska u ah, oo haddii aanay xisbiyadu xagga doorashada isku
bed-bedelin wax badan ayaa dimuqraadiyada ka dhiman. Saddexdan xisbi ee hadda
jira (KULMIYE, UDUB iyo UCID) waxaan u arkaa inay yihiin kuwo aad u liita.
Imika toban sannadood yay jireen illaa haddana wax horumar ah oo ku soo
kordhayaa ma jiro. Siyaasayad iyo waxay ku kala duwan yihiin oo aynu ku
doorannaana ma jirto. Waa xisbiyo aan xitaa ogayn dadka xubnaha ka ah,
taageerayaashoodu inta ay yihiin. Markaa horta dhibaatadaasi dalka way
haysataa. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ay la kulmeen guddidii ka soo
talo-bixinta ururada siyaasadda ee ogolaaday in la furo ururada siyaasadda.
Taasina waxay keentay inay xitaa dardar iyo dhiirigelinayso saddexda xisbi ee
jira oo ay ku talo galaan in meesha tartar imanayo.
Ta kale ee aan anigu ku dhaliilayo
Somaliland waxay tahay golayaashii sharci-dejinta ee Wakiillada iyo Guurtida oo
weliba golaha ay ummadu soo dooratay ee Wakiillada ay dadku ka niyad-jabsan
yihiin, oo wixii ay ka filayeen aanay ka soo bixin oo ay noqdeen uun dad iyagu
isku mashquulsan amma dad kala qayb-qaybsan oo arrimo ku kala qaybsan, iyagoo
noqday dad dadweynihii soo dhex-galeen oo ay kala kaxaysteen. Markaas oo
sharciyadii muhiimka ahaa iska yaalaan ay kolka sharci la moodo inay cidi ka
danbayso eryanayaan. Runtiina waxaad moodaa inay wadaniyadii ka maqan tahay,
iyaga oo dano gaar ah uun eryanaya. Taasina dadkeennii meesha u soo halgamay
(Somaliland) waxay ku riday in aynu aad iyo aad uga xumaanno oo aynu ka
niyad-jabno. Markii hore ee Baarlamaanka la dooranayay rajadeenna iyo
filashadeennuba aad ayay u sarreeyeen.
Markaad hoos u soo dhaadhacdo
dawladihii hoose ee iyagayna la doortay 2002-kii, waabay ka sii liitaa oo waa
kuwan is haysta ee dhul uun eryana. Doorashada soo socota waxaa habboon in la
eego qofka la dooranayo ee aan la dooran xisbi amma urur, waana in aanay noqon
in liis la isdaba taxo oo aan la dooran dad aan talo lahayn ee sidii baarlamanka
waa in uu qofku isa soo sharraxo oo dadku qiimeeyaan oo ku doortaan qofkaas
ayaanu doonaynaa. Hadda waxaad moodaa dadkii codka bixinayey inay bislaadeen oo
laga yaabo inaan cod danbe si sahlan looga helayn. Maanta magaalooyinkeennu way
dayacan yihiin oo nimankii aynu doorannay waa kuwaas.
Dadweynahana waxaan ku dhaliilayaa
xaggii cashuur-bixinta oo ma jiro waddan socon kara bilaa cashuur. Haddii ay
ganacsatada iyo dadka shaqaalaha ahiba ay cashuurta la dhuuntaan dhibaato weyn
ayay dawladda u keenaysaa tii hore iyo tan-ba. Sababtoo ah dee meel kale oo wax
ka soo gelayaan ma jirto, dad ina caawinaya oo inoo kabaya miisaanayaddeenuna
ma jiraan. Markaa waxaan dadka farayaa oo aan ku boorinayaa inay cashuurka
bixiyaan illayn waa inta ay wax ku dhaqdhaqaaqayaane.
Inkasta oo aynu caqabado badan ka
soo gudubnay haddana intaas ku gabagabaynayaa. Balse xagga ictiraafka haddii
aan wax yar ka idhaahdo, maaha inaynu wax walba ku illawno ictiraafka isaa iska
iman doona. Intaa waa la ina qiimaynayaa oo waa lala socdaa warkeena. Berigii
dhawayd doorashadii madaxweynaha ee 2010-kii dhacday wax badan ayay ina
tartayoo adduunkii iyo dad aan warba inoo hayan ayaa inoo jeestay. Waddamadii
deeqda bixin jiray qaar badan oo ka mid ah ayaa deeqdii inoo laban laabay.
Markaa waxa weeye marka aad hawshaada qabsatid ee lagu arko adiga oo dadaalaya
ictiraafku wuu iska iman. Laalkiin haddii aad tidhaahdo waxba qabsan maayo oo
kolba wefti ayaan dirayaa oo aqoonsi ayaan raadinayaa…aqoonsi laguma helo wefti
la diro oo kolba meel loo diro. Weftigaa la dirayo lacagta ku baxaysa in la
geliyo dalka ayaa ka fiican oo wax lagu qabto ayaa habboon. Adduunku hadda wuu
isku xidhan yahay oo waxa jira “Globalization” oo iska tuulo ayuu noqday oo
waxa isku xidhay waxa la yidhaahdo “Information technology” meel uu warkaagu ka
maqan yahay ma jiro. Marka wax wanaagsani dhacaanna waa la maqlayaa marka waxa
xumi dhacaanna waa la maqlayaa.”
Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa bishii
September ee sannadkii 2011-kii shaaca ka qaaday inuu ka faadhiistay shaqadii
uu ka hayay hay’adda PROGARESSIO, waxaan waydiiyey sababta ku kallifta inuu
shaqadaas ka fadhiisto, isaga oo arrintaa sharxayana waxa uu yidhi; “Waxa aan
wax weyn ka bartay dhalinyarada SONYO ee aan muddada dheer la shaqaynayay, oo
waxyaabaha ugu badan ee ay ka cawdaan waxa weeye ‘Odayaal ayuun-baa na hor
taagan.’ Laakiin taas xaqiiqadu maaha ee Sababtu waxa weeye mar haddii aan ka
shaqanayay oo aan Progaressio muddo 14 sannadood ah aan ka shaqaynayay. Waxa
muhiim ah maadaama oo aanad meeshii wax cusub iyo ikhtiraacid aanad ku soo
kordhinayn waxaa loo baahan yahay inaad meesha u bannayso qof kaa da’ yar oo
haya himiladii uu wax ku qaban lahaa. Yaanay kaa noqon uun inaad meeshii ku
dheganaato. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘waan baahanahay bakhti looma
cuno.’ Maaha meel lacagi kaa soo gelayso inaad tidhaahdo yaanay idhaafin oo aad
halkaas uun fadhidid, ilaahay ayaa dadka arsaaqa. Anna marka aan hawshan ka
fadhiisto hawl-gab amma bisil ma lihi (retirement) oo Yurub iyo Maraykanka ayaa
lagu retire-garoobaa laakiin waxii hawl ah ee Somaliland la iiga baahdo waan
wadi karaa ee fadhiisan maayo. Maadaama oo lala shaqaynayo ururo yar yar oo
dumar iyo dhalinyaro isugu jira oo u baahan tamar badan, anigu waxaan is idhi
waxaad gaadhay saacaddii ay ku habboonayd inaad u bannaysid qof laga yaabo inuu
kaaga fiicnaan doono, illayn aniguba waxaan soo bilaabay aniga oo da’dan ka yar
14 sanana waan soo waday shaqadan’e. Waan garanayaa markii aan bilaabay iyo
imika sidaan ahay, inaan anigu is-qiimeeyo oo aan is-idhaadho waxay ku fiican
tahay qof kaa da’ yar ayay noqotay. Dadka waa weyn ee meelahaa fadhiga anigu
waan diidanahay oo waan ka soo horjeedaa. Waxaan doonayaa Cabdirashakuurow
(Heersare) inay arrintani tusaale fiican u noqoto dadka waa waa weyn ee
meelahaa iska fadhiya ee u bannayn la’ dadka yar-yar ee dardarta haya ee wax ka
beddelaya shaqooyinka.”
Mar kale Dr. Aadan waxa uu ka
jawaabayaa su’aal ah; maadaama oo aad shaqadii ka fadhiisatay maxaa kuu
qorshaysan oo aad qabanaysaa, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Kollay ma
noqonayo qof meel iska fadhiisanaya oo aan waxba qabanayn. Imikaba waxaan ku
jiraa guddida maamusha cusbitaalka Hargeysa, waxa kale oo aan guddoomiye ka
ahay board-ka addakemiga nabadda iyo hurmarinta, hawlahaasi waa kuwa
mutadawacnimada ah ee hawlihii kale ee shilinka lagu raadiynayayna dee waan
wadi doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Kollayba madax noqon mooyo oo waanigaa ka
fadhiistay ee wixii la talin ah ayaan qabanayaa.
Ugu danbayntii Dr. Aadan Yuusuf
Abokor, waxuu xaadirinayaa tiradoodu intii ay ahayd waqtigaa lagu xidhay 20
Jirow, isla markaana ay soo wada dhammaysteen todobadii sannadood ee ay ku
jeelkaas, isaga oo xusay inay ahaayeen 14 qof oo kala ah:
1. Maxamed Barud Cali
2. Axmed Yuusuf Jabane
3. Maxamed Maxamuud Cumar Caashi
4. Dr. Aadan Yuusuf Abokor
5. Axmed Xuseen Aabay
6. Cabdiraxmaan Xaji Cabdalle Aadan
7. Aadan Warsame Siciid
8. Yuusuf CabdilaahKahin
9. Cali Yuusuf Aar
10. Dr. Maxamed Sheekh Xasan Taani
11. Dr. Cusman Cabdi Maygaag
12. Baashe Cabdi Yuusuf
13. Xuseen Maxamed Ducaale
14. Maxamed Cali Ibrahim
Sawirro:
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse
[Heersare]
http://heersare1.blogspot.no/
No comments:
Post a Comment