Waxa jirta maahmaah tidhaahda “Waarimaysid'e war ha kaa hadho.”
Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u
nool yahay in wax uun laga dhaxlo. Weliba si gaar ah waxay u
caddaynaysaa in qofku taariikh iyo magac ka tago isla markaana looga
baahan yahay inuu sameeyo horumar nololeed oo wax-ku-ool ah. Qof
weliba-na wuu jecel yahay in marka ay tiisu timaado ee uu god-galo in
wuxuun lagu xasuusto, laakiin waxa lagu kala duwan yahay hanka iyo
hiigsashada. Qof wuxuu ku hammiyaa in laga dhaxlo taariikh, cilmi,
aragti-nololeed iyo waaya-aragnimo sugan. Qofna wuxuu ku hammiyaa in
hanti uu tabcay laga dhaxlo, halka qof kale aanay midna-ba talada ugu
jirin.
Inta
uu qofku nool yahay wuxuu maraa maraaxil kala duwan oo mid kastaa
waayaheeda leedahay. Wuxuu la kulmaa horumar, haliso iyo hagardaamooyin
kala duwan. Wuxuu yaqaannaa hababka looga gudbo xilliyada adag, kuwo
lagu gaadho badhaadhe, kuwa lagu fardaamiyo mashaqooyinka iyo
waxyeelooyinka qarsoon. Wuxuu hore u tijaabiyey isku dayo guul-darro ku
dhammaaday iyo kuwo uu ku badhaadhay-ba. Dhan kasta oo aad ka eegto
qofka waaya-aragga ahi wuxuu ka biyo-keenay nolosha dhinacyadeeda kala
duwan. Waa balli uu ka cabbi karo cidda u ooman wax-ka-barashada nolosha
la tijaabiyey ee muddada soo jirtay.
Marka
aynu leenahay waayo-arag wax ka baro, waxa aynu u jeednaa wixii
wanaagsan ee wax tar leh ka baro, balse uma jeedno wax kasta ka baro.
Waayo, qofka waaya-aragga ahi wax wanaagsan iyo wax aan wanaagsanayn ba
wuu soo maray.
Qofku
marka uu da' yar yahay waxa ku jira firfircooni badan oo ku
hogaaminaysa inuu wax kasta ka biyo-keeno, iyadoo da'yarta qaar marka
lagu waaniyo in ka joogsdaan samaynta wax aan wanaagsanayn ay inta ay
is-dhegamariyaan ku dhaqaaqa inay tijaabiyaan waxaa loo diiday amma
lagala taliyey, si ay u ogaadaan waxa ku jira waxa loo diiday. Waana
sababta waayo-aragnimadu muhiimka ugu tahay qofka da'da yar.
Muddooyinkan
danbe waxa si weyn loo dareemaa in dhalinyaradu si weyn u danaynayso
inay talada dalka ka qayb galaan, inay xilal sare ka qabtaan laamaha
kala duwan ee dawladda, inay doorashooyinka ka qayb-galaan, iyagoo isu
arka inay xilalkaa ka soo bixi karaan. Waa run inay aqoon leeyihiin,
hal-abuurnimo iyo hogaaminna leeyihiin, hasayeeshee waxa mudan inay wax
badan ka bartaan waaya-aragga siyaasadda. Waxaana arrinta ku duugan laba
arrimood oo midda koobaad tahay in qofka da'da yari barto caqabadaha ka
hor iman kara ee qofkan ka horreeyey ka gudbay, waa midda labaade inuu
isfaham dhex maro siyaasiyiinta cusub iyo siyaasiyiintii hore. Haddii ay
waaya-aragnimadaa wadaagaanna waxa saxmi kara halisooyin hore looguu
wiiqmay.
Ka
soo qaad, waxa aad danaynaysaa in aad diblamaasiyadda barato. Wax aqoon
ah uma lihid aan ka ahayn dhega-dhegayn. Kollayba tallaabooyin kala
duwan ayaad qaadaysaa si aad xog badan u hesho, hasayeeshee ta ugu mudan
ee aad ku go'aan qaadan kartaa waa inaad hesho qof diblamaasi ah oo ku
shaqeeyey waxa ay tahay diblamaasiyaddu. Tusaale anigu hadda waxa bartaa
diblamaasiyadda, qaladaadka aan sameeyey ee aan gadaal ka saxay waxa ka
mid ah; markii aan bilaabayay cidna talo fiican maan waydiin, balse
xilli danbe ayaan helay diblamaasi ruug-caddaa ah oo i siiyey talooyin
wax-ku-ool ah.
Waxa inta badan dhacda marka uu qofku waxbarasho jaamacadeed bilaabayo inuu ku wareero; “maxaad
barataa, kulliyaddee ayaad gashaa, ma caafibaad baad bartaa, mise
dhaqaale, mise sharci, mise xibaadka iyo maaraynta, mise mise mise.” Haddii
qofka dhalinyarada ahi sameeyo talo uruursi iyo inuu wax badan waydiiyo
dadka waaya-aragga ah waxa badan ayaa u kordhaya, isla markaana wuxuu
ka badbaadayaa jahawareer iyo khalkahal ku yimaada.
Inta
ay maskaxdaadu korayso ee ay da'deedu yar tahay waxa mudan in aad
waaya-arragga wax ka barato, la saaxibto kuna xidhnaato. Waxaana qofka
waayo aragnimadiisa looga faa'idaystaa laba siyaabood; inuu yahay qof
wax qora oo bulshada qoraal ahaan kula wadaagi kara waaya-aragnimadiisa
iyo inuu yahay qof bulshada ku xidhan una heellan inuu dadka uga
sheekeeyo wuxuu waaya-agga ku yahay. Haddii qofku aanu waxna qorin,
dadkana aanu ku xidhayn waaya-aragnimadiisu way qasaartaa oo lagama
dhaxlo.
Muddo
dhawr sano laga joogo waxa telefishanka Aljazeera qaybtiisa carabiga ka
socon jirtay barnaamijyo taxane ahaa oo weriyaha ruug-caggaa ah ee
Maxamed Xasanayn Haykal oo 1957 illaa 1974 tifaftire iyo agaasimeba ka
ahaan jiray Wargeyska weyn ee Al-ahram, uu kaga hadli jiray
waaya-aragnimadiisa iyo waxyaabihii uu goob-joogga u ahaa ee waddamada
carabta dhacdooyinkii mahadhooyinka ku reebay ee xilliyo badan gilgilay
waqtigii uu shaqaynayey. Wuxuu ahaa barnaamijyo waaya-aragnimo badan
xanbaarsanaa. Sidaas oo kale Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu tilmaamo odayga
Somaliland wuxuu leeyahay waaya-aragnimo nololeed oo qotodheer oo
dhinac kasta taabanaysa. Qofka danaynaya inuu wax badan ka ogaado
geeddi-socodkiisii nonoleed iyo waaya-aragnimadiisaba wuxuu ka heli
karaa buugga Samo-talis ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr.
Labadan
tusaale waxa aan u soo qaatay, waxa mudan in qofku weeleeyo
waaya-aragnimadiisa si loola wadaago, wax na looga barto isla markaana
looga dhaxlo. Waayo, maalin kasta waxa dhegaheenna ku soo noqnoqda
ruug-caddaa hebel oo ay ahayd in wax laga barto oo xijaabtay.
Ciddii kale ee doonaysa inay wax badan ka barato arrimaha la xidhiidha waaya-aragnimada waxay raadsan kartaa buugga la yidhaaho “Waaya-arag” ee
uu qoray qoraaga Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye. Buuggaas oo hadda
laga heli karto maktabado ku yaalla magaaladada Hargeysa sida
Redsea-online oo ku taalla fooqa orietal-ka.
Ganunaanadku
wuxuu yahay, sida aad wax badan u ogaado, si aad guul u gaadho, si ay
garashaadu u kobocdo, si caqabado badan oo meerta nolosha ah uga
badbaado, si aad ummadda wax ugu soo kordhiso, si aad adigu isu ogaado
waa inaad hal-ku-dhig ka dhigataa; “waayo-arag wax ka baro.”
Caddishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Oodweynenews.com, Hargeya Office
http://heersaremuxumed.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment