Muu
ahayn caways madadaalo iyo meexaano la isugu yimi. Manuu ahayn mid
waqtiga lagu luminayay. Guud ahaan dadkii madasha ka soo qayb galay oo
uu badnaa dhalinyaro waxay isugu yimaadeen inay si mug leh daaha uga
rogaan baylah wax ka qabashadeedu bulshada ka dhexayso. Waxay si aqooni
ku jirto uga doodayeen waddooyinka ugu mudan ee lagu badhitaari karo
dadaallada ku waajahan qabyo-tirka baahidaa jirta.
Waxa
aan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay ka qaybgalka cawayskaa.
Arrimaha diiradda lagu saarayay waxa ka mid ahaa akhriska, qoraalka iyo u
hiilinta afka hooyo ee Soomaaliga. Madasha waxa ku wada sugnaa
hal-abuurro isugu dhafnaa qalinlley iyo suugaanley. Labaduba waxay ka
midaysnaayeen abuurista dadaallo kor loogu qaadayo heerka wax akhriska
ee bulshada dhexdeeda, faa'idada wax aqkhriska ku duugan oo ah inuu
qofka wax badan akhtiyaa uu dadka fursad qaali ah dheer yahay.
Cawayskaa
oo Hargeysa ka qabsoomay habeennimadkii sabtidu gelaysay ee
todobaadkan, ayaa waxa soo qabanqaabiyey isutag dhallinyaro oo la
yidhaahdo “Hiil-qalin”. Waxaana Nada Yuusuf Cumar oo ka mid ah
dhalinyaradaas kana hadashay madashu ay sheegtay inay dhalinyaro ahaan u
midoobeen u hiilinta qalinka, soo saarista sheekooyinka joogto ah oo
lagu baahiyo baraha bulshadu ku kulanto sida mareegaha iyo Facebook-ga.
Waxaana
ay madasha ku kulansiiyeen qoraayo isugu jiray kuwo hadda uu soo saaray
buugaagtii ugu horreeyey iyo kuwo muddoo dheer ku soo dhex jiray
badweyna qoraalka iyo dadka, naadiyada akhriska iyo dadka sameeya
akhtiska joogtada ah. Waxa kale oo madasha lagu soo bandhigay filim
gaaban oo uu sameeyey saxafiga Cumar Seerbiya kuna saabsanaa faa'idada
wax akhriska.
Waxa
kale oo la is hogatusaaleeyey in afka soomaaligu u baahan yahay u
hiilin ku qotonta barashadiisa, qoristiisa, faafintiisa, ku-ababinta da'
yarta soo kacaysa, iyo guud ahaan goobaha waxbarashada ee isugu jira
dawliga ah iyo gaarkuba ay muhiimad gaar ah siiyaan dhigista afka
soomaaliga.
Afkaarta
madashada lagu soo bandhigayay waxay ka kala imanayeen qaar ka mid ah
dadka haldoorka hal-abuurrada “qoraalka iyo suugaanta” iyo inta kale ee
ehelka u ah dhiirrigelinta hal-abuurka. Iyadoo cawayska lagu wadaagayay
dood furan oo fikirrada lagu wadaagayay lagagana arrinsanayay arrimaha
aynu kor ku sheegnay. Qof kasta oo fikirkiisa dhiibanayay wuxuu isu
arkayay in xil ka saaran yahay u hiilinta afka soomaaliga,
ku-dhiirigelinta bulshada ee wax akhriska iyo kobcinta qoraalka.
Arrimaha
kale ee la guddoonsaday in la dardargeliyo waxa ka mid ahaa in bulshada
si toolmoon loogu dhiirrigeliyo wax akhriska, si tacabka qoraayaashu u
noqdo mid loo aayo. Loona helo qoraayaal da' yar oo ku qalabaysan aqoon
iyo hal-abuurnimo xeer-dheer, kuwaas oo ku dhiirran kara inay bulshada
la wadaagaan wax-soor-saar tayaysan iyo curin wax-ku-ool ah.
Dhankasta
oo laga eego cawayskaasi wuxuu dhabbada u xaadhayey qaybo-tirka qaybo
ka mid ah baylaha jira ee bulshada ragaadiyey. Wuxuu ahaa caways xitaa
aniga igu beeray in aan sii lalablaabo dadaalkii aan awal ba hore u
waday ee ahaa dhiirrigelinta qoraalka iyo wax akhriska. Ballanteennu waa
“wax qoris ama wax akhtis”.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment