Thursday, October 30, 2014

Gandi Library: Xaruntii aqoon-dhiska Dhalinyarada, "Cabdishakur Heersare"

Gaandi Library way nabad-gashay oo dadkii ka naxayay ayaa ku guntaday. Waxay noo ahaan jirtay sal-dhig aqooneed, madal wax akhris iyo goob aanu ku kulmi jirnay xilligii aan jaamacadda Hargeysa dhiganayay intii u dhexaysay 2004 illaa 2008 iyo xilliyadii ka danbeeyayba.

Waxa aan runtii hanbalyo iyo mahadcelin aan u dirayaa guud ahaan intii ka hawl-gashay soo dhicinta Gandi Library oo ay ugu horreeyaan SONYO, qoraayaasha, dhalinyarada aqoonyahanka ah, naadiyada akhtriska iyo xubnaha xukuumadda ku jira ee damiirkoodu shaqeeyay.
Gandi Library waxay ka mid tahay meelaha ugu qaalisan ee kabtay dhalinyarada xaaladaha adag wax ku bartay iyo kuwa hadda ku jiraba. Maan filayn in xilligan la yidhaahdo Gandi Library ayaa la iibinayaa amma cid kale la siiyey, xitaa haddii la iibiyo hantida ka soo baxda waxa xaq u leh dhalinyarada Somaliland ee ka aflaxday.
Waxay ahayd arrin naxdin iyo amakaag igu beertay markii aan maqlay warkaa sheegaya in Gandi Library la wareejiyey lana xidhay. Markii shalay dib loo furayna farxad gaar ah ayay la hayd.
Haddii mar kale laga daba yimaado oo ay xukuumaddu isku daydo inay iibiso amma cid kale siiso, arrinti ma sahlanaan doonto mana noqon doonto mid laga aamusnaado. Haddii ay xukuumaddu tidhaahdo meel ka fiican ayaanu idiinku beddelaynaa waa arrin laga doodi karo, laakiin ma dhacayso in xoog lagu qaato. Hana ogaado xukuumaddu in Gandi Library aanu ahayn wax cidi si dhib yar isaga qaadan karto amma loo siin karo. Haddii taa lagu hamminaya waxa garaad yaraan
Ugu danbayntii mar kale cid kasta oo ka dhaadhiday falka
Waxa sharaf iyo karaamo huwan dadka muddada dheer gacanta ku hayay Gandi Library ee maalka, muruqa iyo maskaxda-ba ku bixiyey. Waxa kale oo mahad iyo sharaf mudan dhalinyaradii isaga kala danbaysay ka shaqaynta Gandi Library.
Oodweynenews.com
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
Hargeysa, Somaliland
IMG_4946 IMG_4947

No comments:

Post a Comment