Maalmihii u danbeeyey waxa qalbigayga luxayey dareenno xooggan oo ka
dhashay kala qaybsankii dalladda SONYO. Waxa aan isku tiriyaa dadka wax
badan ka og maraaxilkii kala duwanaa ee ay dalladdu soo martay.
Markii
ugu horraysay ee magaca SONYO iso gaadhay waxay ahayd isla sannadkii
2003-dii markii asaaskeeda la hirgeliyey, xilligaa oo aan ka mid ahaa
ardaydii dhammaynaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee ku yaalla
magaalada Hargeysa. Hadafka guud ee loo yagleelay dalladdu wuxuu ahaa
midaynta xoogaggii dhalinyaradii Somaliland ee xilligaa ku guda jirtay
horumarinta baahiyaha dhalinyarada oo ay ugu darnayd kor u qaadista
aqoonta iyo wacyiga dhallinta.
Inkasta
oo aanan ka mid ahayn ururadii ku midoobay dalladda haddana waxa aan ka
mid ahaa dadka sida weyn uga ag dhawaa. Dabayaaqadii 2006dii ayaan ka
qayb ka noqday hawlihii dalladu fulinaysay. Iyadoo horraantii sannadkii
2007dii koox dhalinyaro ah oo aan ku jiray oo kala ahaa aniga, Khadar
Xariir iyo Isaaciil Kalluun – noloo xilsaaray xograadinta iyo soo
bandhigista barnaamij ku saabsanaa doorka ka qayb-galka siyaasadda ee
dhalinyarada Somaliland. Saddexdii xisbi qaran ee xilligaa jiray ayaanu
la kulanay oo hor dhignay su'aalo kala duwan oo ku saabsanaa kaalinta
iyo muhiimadda ay ka qayb-galka dhalinyaradu ugu fadhido xisbi ahaan iyo
fursadda ay dhalinyarada siyeen ee ku qoran barnaamijyadooda
siysaasadeed. Talooyinkii aanu xilligaa soo jeedinnay waxa ku jiray in
xisbiyadu xoojiyaan doorka dhalinyarada ee ka qaybgalka siyaasadda, in
dhalinyaradu golayaasha deegaanka iska sharxaan oo dabarka laga hor
qaado iyo arrimo kale, iyadoo xilligaa wixii ka danbeeyey ay dalladu
laba jibbaartay sidii meesha looga saari lahaa dabarkii dhalinyarada
horyaallay ee ay da'du ka midka ahayd, illaa lagu guulaysanayay gidaarka
la jebiyey oo ay dhalinyaradiina si buuxda uga qaybgaleen siyaasadda.
Dalladda
SONYO waxa soo maray hogaamiyeyaal halyeeyo ah oo waqtigooda iyo
dadaalkoodaba ku bixinayay hore-u-socodsiinta isha ay eegayaan
dhalinyarada Somaliland. Waxaana hogaamiyaashi isugu jireen kuwo
hogaanka guud ee dallada waday iyo kuwo gacanta ku hayay hawlaha
maalinlaha ah ee sahlayay in horumar la sameeyo. Waxaana aan ka xusi
karaa Ibraahim Suldaan, Maxamed Xasan, Dr. Maxamed Aw Cali “Culimo”
Yaxye Ubaxle, Axmed Cabdi wacays, Mustafe Maxamed Khayre, Maxamed Axmed
Maxamuud “Barawaanni” iyo immika oo xilalka guddoomiyaha iyo ka
agaasimenimada kala hayeen Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Siciid Maxamed
Axmed. Inkasta oo aanan soo koobi karin haddana waxa kale oo ammaan
sharaf mudan hawl-wadeennadii kala duwan ee dalladda heerkan soo
gaadhsiiyey.
Cid
kasta oo dalladda soo martay waxay kala tagtay wax qabad loo og yahay
oo lagu reeyey, balse Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Siciid Maxamed Axmed
oo iyaga laftoodu wax qabad badan muujiyey waxa dul taalla dhaliil ah
inay qayb ka noqdeen xooggagii kallifay inay dalladu kala qaybsanto.
Waxa dhacday inay dhinac la safteen, halkay ahayd inay noqdaan marjaca
loo noqonayo haddii ay timaado kala qaybsanka yimi oo kale. Waxa dhacday
in guddoomiye Mubaarik halkii uu xal ka raadin lahaa inuu si toos ah u
caddeeyey in labadii guddoomiye ee labada garab kala doorteen inuu mid
si cad isu barbar taagay. Tallaabadaasina waxay aniga shakhi ahaan iga
dhigtay mid aan si weyn uga xumaado. Waan dareemi karaa culayska dhanka
xumuumadda iyo dhinacyo kaleba kaga imanayay hasayeeshee waxa aan u
han-weynaa inuu intaa ka adkaanayo oo uu u babac-dhigo culays kasta oo
ku imanaya si dalladdu u badbaado.
Dabcan
waan la socdaa inay jiraan dhalinyaro dareenno ka qaba jiritaanka SONYO
una arka wax cid gaar ahi ku adeegsato, anigu-se fikirkaa mid aad uga
duwan ayaan qabaa oo waxa aan SONYO u arkaa dallad kulmisay oo kobcisay
dhalinyarada Somaliland. Warshad soo saartay badiba dhalinyarada
hormoodka ka ah hay'aha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah ba. Madal
hirgelisay damacii dhalinyarada ee ahaa ka qayb-galka siyaasadda iyo
kobcinta garaadka dhalinyarada ee wadciga siyaasiga ah ee Somaliland ka
jira. Dallad kor u qaaday awoodda hogaamineed ee dhalinyarada. Xarun in
badan la dagaalantay cadaadisyo caqabado ku ah dhalinyarada Somaliland
oo ay ku jiraan shaqo la'aata, jihayn la'aanta iyo is-dhexgal la'aanta.
Dallad kulmisa dhalinyaro ka soo kala jeedda dhamaan gobollada
Somaliland.
Dhalinyarada
faraha badan ee xilliyadan danbe kacay ee badankoodu aanay aqoonta u
lahayn SONYO waxay ahayd in la baro oo laga dhaadhiciyo waxay dalladu u
jirto iyo guulihii ay u soo hoysay dhalinyarada Somaliland. Tusaale
ahaan dhalinyarada ku nool Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco,
Laascanood ama Ceerigaabo waxa mudan inay la kulmaan ururada dalladda ku
jira ee magaalooyinkaa ka hawl-gala. Ururradaana waxa xaq loogu
leeyahay inay dhalinta soo kacaysa iyo dallada is baraan. Dallada
lafteeda waxa horyaalla inay hadba la shaqeeyaan garaadka dhalinta iyo
tuhunnada jira.
Xilligii
dheeraa ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin talinaysay
SONYO waxay samaysay ay ku tallaabsatay koritaan mug iyo miisaan leh.
Guud ahaan doorashooyinkii la qaban jiray-na waxay u dhici jireen
hannaan sugan oo ku dhisan loollan iyo ololeyaal togan oo cid kasta oo
hogaanka u heellani soo bandhigi jirtay. Masuuliyiintii kala duwanaa ee
xukuumadda ka tirsanaa ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha soo
marayna waxay ahaayeen kuwo dallada dhismaheedda taageeri jiray, waxaana
ay ka dheeran jireen wixii faragelin ah ee keenayay waxyeeladda
dallada. Waxay xaaladdu isbedeshay markii ay xukuumaddan madaxweyne
Silaanyo xilka la wareegtay, walaw ay xukuumaddan lafteedu ka
qayb-qaadatay horumarka dalladda oo ay bixiyeen halka laga dhisay
xarunta dalladda, haddana faragelin badan ayaa jirta. Shirkii kan ka
horreeyey ee lagu doortay hogaanka hadda talinayey waxa jirtay faragelin
dallada ku socotay, balse waxa danta dalladda ku guntaday hogaankii
xilligaa talada wareejinayay oo uu horkacayay Axmed Cabdi Wacays.
Shirkii ka sii horreeyey ee lagu doortay Axmed Cabdi Wacays waxa dhacday
arrin taariikhiya, waxa jirtay in Axmed Abokor oo Axmed Cabdi kula
tartamayay guddoomiyennimada dalladda inuu Axmed Cabdi Wacays kaga
guulaystay hal cod oo keliya. Axmed Abokor wuxuu xilligaa si sharaf iyo
aayo-ka-talis u muujiyey inuu aqbalay halka cod ee lagaga badiyey.
Shirkan
dhawaanta muranku hadheeyey ee aakhirkii sababay in laba guddoomiye la
kala doorto laba garabna loo kala jabo, waxa eedda koobad dusha u
ridanaya xukuumadda madaxweyne Silaanyo oo uu u horreeyo wasiirka
dhalinyarada iyo ciyaarha Cali Siciid Raygal oo xilligii la kala
qaybsamayay hawsha ku jiray xaadirna ahaa. Waxa eedda labaad leh kuwii
shirka ka dareeray ee dantooda ka doorbiday ta dalladda iyo
wada-jirkeeda.
Marka
laga yimaado dastuurka dalladda, muran kasta iyo khilaaf walba oo soo
kala dhex gala doorashooyinka SONYO waxa jira xad aan la dhaafi karin oo
ah “SONYO-nimada.” Qofka haddii ay maskaxdiisa ku weyn tahay jiritaanka
SONYO waxa qalbigiisa ku beeran SONYO-nimada. Sida ay qof kasta oo reer
Somaliland ah ay maskaxdiisa ugu weyn tahay Somaliland-nimadu.
Waxa
aan calool xumo iyo godob-ba u hayaa ciddii masuulka ka ahayd in SONYO
kala qaybsanto. Xukuumadda madaxweyne Silaanyo-na kaannaan filayn inay
sidaasi ka suurtoobayso, oo haddii ay danta dhalinyarada, badbaadadooda,
wanaagooda, isku xidhnaantooda, aayahooda mustaqbal iyo niyaddoodaba ka
fikirayaan SONYO may kala qaybsanteen oo wasiirka dhalinyarada lamuu
kala safteen. Waxay-se ka doorbideen hirgelinta dan siyaasiya iyo xisbi
hehel yaanu soo dhex gelin.
Dhalinarada
Somaliland xilligan lagu jiro waxay u kala baxeen saddex qaybood; qolo
niyad-jabtay oo ay duruufo halakeeyeen noloshuna ku adkaatay una kala
baxay wax waddanka ka yaacay iyo in weli niyad-xumo ka joogta. Kuwo
shufto noqday oo noloshooda ku jiheeyey waxay la noqotay; tusaale ahaan
sannadkii aynu ka soo gudubnay ee 2014ka magaalada Hargeysa waxa ka
abuurmay kooxo halis ah oo dadka baadhanaya dhibaatana u gaysanaya, iyo
kuwo horumarinta waddanka iyo hal-abuurnimo ku fikiraya. Kuwan horumarka
ka fikira meelaha ay eegtaan ee dugsiga weyn u ah waxa ka mid ah SONYO,
haddii dhibi soo gadho waxa dhaawac ku imanayaa himiladooda. Markaa
haddii ay xukuumadda danaynayso badbaadada dhallinyarada ilaahay ka
badbaabadiyey khatarta tahriibka waa inay SONYO iyo meelaha la mid ah ee
dhalinyarada xoojiyaan, xitaa haddii aanay wax ba ku tarayn inay
hagardaamada ka daayaan.
SONYO
waa shamac ifiya oo aanu dhalinyaro ahaan eeganayno kuna diirsanaynno,
xitaa haddii aan manfac lagu wada qabin waxa ka hawl gala dhalinyaro
badan oo shaqo-abuur ka helay. Waa ilays baxaya ciddii demisa ama wax
yeesha inkaar ayaanu ku ognahay. Waa dallad heer qaran ah oo magaca
dhalinyarada Somaliland kor u qaaday, dadaal badanna ku bixisay wax
noqoshada dhalinyarada.
Waxa
aan qormadan ku soo afmeerayaa; damacu waa belaayo'e dhalinyarada kala
qaybsantay waxa aan leeyahay hal, xukuumaddana waxaan leeyahay hal kale,
daneeyayaasha SONYO-na midh baan leeyahay.
- Dhalinyarada kala qaybsantay waxa aan leeyahay u fikira xadkii aan la dhaafi jirin ee SONYO-nimada, ka fikira badbaada iyo wanaagga dalladda. Isu dhawaansho iyo wadal furan oo lagu arrinsanayo ha bilaabo. Aayaha dallada cid kale yaan laga sugin ee bal ha la isku noqdo oo canaadnimada iyo is-jujuubka ha laga gudbo. Tanaasulna ha lala yimaado.
- Xukuumaddana waxaan leeyahay kollayba ceebi idinka raacday dalladii dhalinyarda ee haddana xalkeeda ka shaqeeya oo dhalinyarada isu soo dhaweeya. Wasiirka dhalinyaradana arrinta ha laga wareejiyo madaama oo dhibaatada kala qaybsanka keentay uu qayb ka noqday.
- Daneeyahaasha SONYO-na waxa aan leeyahay arrinta yaan la eegan ee xalkeedu wax kasta oo uu noqonayo ha l galo, si kasta oo labada dhinac la isugu soo dhawayn kara ha sameeyo.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment