Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool inta aanay
geeridu haleelin. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne
la'aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn.
Carabtu
waxay ku maahmaahdaa “Atacab bacda raaxa” oo ka dhigan daal ka dib in
raaxo jirto. Haddii ay timahaagu madow yihiin waa marka ay caddaan
doonaan. Haddii jidhkaagu is haysto waa kolka uu debci doono. Haddii ay
maskaxdaadu si hufan u shaqaynayso waa xilliga ay tabcaan noqon doonto.
Haddii aad socodka laba lugoodinayso waa marka aad tukube qaadan doonto
amma aad u baahan doonto caawiye.
Marka
laga yimaado gabowga uu waqtigu keeno, waxa jira gabow uu qofku isu
keeno. Kollay waxaad hore u maqasheen, “Hebel wuu cimri degdegay.” Waa
odhaah tilmaamaysa qof ka soo hor maray xilligiisii gabowga. Waxa jira
arrimo badan oo keena gabowga degdegga ah sida ay sheegaan bahda
caafimaadku, kuwaas oo ay ka mid yihiin; cibaado la'aanta oo ay ugu
mudan tahay salaad la'aantu, daroogooyinka uu qofku dabada isugu qabto,
jimicsi la'aanta, baahida joogtada ah, galmada badan ee xaaranta ah
(sinada) oo qofku xanuuno ka qaado, wererka iyo culuysyada (stress-ka)
qofka maskaxda kaga furma.
Waxa
inta badan la arkaa in qofba qofka uu ladan yahay amma wax roon yahay
in noloshiidu ay bilic-roon tahay. In qofba qofka uu ka jimicsi badan
yahayna inuu ka da' yar yahay qofka aan jimicsida samayn. Maxaa yeelay,
qofka beni'aadanka ah jidhkiisu waxa uu baahan yahay korriin, daryeel
iyo ka war hayn joogto ah. Maaha inaad tidhaahdo hordo dheer ayaan
seexanayaa, inta aan doono ayaan fadhiyayaa, wax kastana waan cunayaa.
Qofku waxa uu ka samaysan yahay lafo, jiidh iyo muruqyo isku dhisan.
Meel kasta oo qofka ka mid ah waxa ku jira muruq iyo laf iscaawinaya.
Labaduba waxay u baahan yihiin xannaanayn iyo ka warhayn joogto ah.
Muruqyadu waxa dawo u ah inay helaan jimicsiyo kala duwan oo dhisa, isla
markaana tayeeya shaqadooda iyo adkaysigooda.
Haddii
aynu tusaale u soo qaadanno, dadkeenna badankoodu ma sameeyaan jimicsi
joogto ah marka laga reebo qayb yar oo ka mid ah. Waxa aad arkaysaa qof
in ka badan laba iyo toban saacadood qayilaya oo meel fadhiya, marka uu
qayilaada dhammaystana seexanaya oo saacado kale oo badan hurdaya. Ma
waxa uu u haystaa inuu bir yahay amma dhagax-dixeed? Imisa xanuun ayaa
qofka noocaas oo kale ah ku dhici kara? Waa qaladaadka ay dadkeennu
sameeyaan ee u baahan in laga wacyi geliyo.
Waxa
la xaqiijiyey haddii aad jidhkaaga ka shaqaysiin waydo inaad
dhibaatooyin la ehel noqonayso. Muruqyadaadu waxay noqonayaa kuwo
jilicsan oo daciif ah. Wadnahaaga iyo sanbbabadu uma shaqaynayaan si sax
ah oo habboon. Xubnahaagu waxay noqonayaan kuwo adag oo si sahlan u
dhaawacmi kara. Haddii ay dhibaatooyinkani isbahaystaan caafimaadku waxa
uu ku sugan yahay halis.
Qaybahan
soo socda waxaad ku akri doontaan qodobbo muhiim ah oo iftiiminaya
faa'idooyinka jimicsiga, waana kuwan ee ka bogosho wanaagsan:
Jimicsigu waxa uu ka qayb qaataan ka hor-tegista cudurrada
Jidhkeennu
waxa uu mar kasta u ooman yahay inuu helo jimicsiga noocyadiisa kala
duwan. Jimicsiga joogtada ahi waxa uu u fiican yahay inuu qofka ka
ilaaliyo miisaanka badan ee jidhkiisa fuulaya iyo inuu caafimaadka
wanaajiyo. Wuxuu yareeyaa amma meesha ka saaraa xanuunnada ku dhaca
wadnaha, Kansarka, dhiig-karta, macaanka iyo xanuuno kale oo khatar ah.
Waxa uu jimicsigu qurxiyaa muuqaalka qofka isla markaana waxa uu dib u dhigaa gabowga oo ah dulucda qormadeenna.
Jimicsigu waxuu dhisaa awoodda qofka (Improves Stamina)
Marka
aad jimicsiga samaynayso waxa uu jidhkaagu qaadanayaa tamar badan oo
isu beddelaysa wax jidhka gelaya. Jimicsiyada joogtada ah ee qofku
samayn karo ee awooddiisa dhisaya waxa ka mid ah; socodka amma lugaynta
joogta ah, kaxaynta baaskaylka, waxyaabaha la tumo sida kuwa feedhka
lagu barto iyo jimicsi siinta qaybaha kala duwan ee jidhka amma
muruqyada.
Jimicsigu waxa uu kor-u-qaadaa firfirooniyada qofka (Enhances Flexibility)
Samaynta
jimicsiga joogtada ahi waxa uu qofka ka dhigaa mid firfircooni u
saaxiib ah. Jidhka qofku wuxuu awoodaa inuu iska caabbiyo culaysyada
kala geddisan ee ku imanaya. Waxa kale oo uu qofku awoodaa inuu
jidhkiisa sida uu doonayo uu dhaqdhaqaajiyo, meesha uu doono u weecin
karo.
Faa'idooyinka
kale ee jimicsigu leeyahay waxa mid ah in aanu qofku aad u naaxin amma
jidhkiisu u kala bixin, inuu qofku ka badbaado werwerka iyo buuqa
maskaxda kaga furma, inuu qofku si wanaagsan u seexdo iyo inuu qofku
dareemo da' yaraan (younger).
Faa'idooyinkaa
aynu sheegnay iyo kuwo kale oo badan ayuu jimicsigu qofka beni'aadanka
ah u leeyahay. Muhiim ma aha inuu qofku jimicsi badan sameeyo oo uu
is-wareeriyo, balse waxa lagama maar maan ah inuu qofku yeesho waqti
jimicsi amma ha lugeeyo amma wax kale ha sameeyee, waxa mudan inuu qofku
wax uun sameeyo. Waxa aad samayn kartaa guriga inaad ku samayso
jimicsiyo sida push up-ka 10, 20, 30... iyo intii aad awoodo inaad
samayso. Inaad guriga ku rakibato baaskaylka lagu arko, inaad samaysato
xadhig-ku-boodka. Haddii aad karayso oo aad helayso waxa ugu habboon
inaad goobaha jimicsiga ee loo yaqaan GYM-ka inaad tagto.
Waxa
aynu qormadan ku soo afmeeraynaa, way cad tahay in qof kasta da'da
neceb yahay. “Waar ma aniga ayaad odayga igu leedahay.” iyo “Adeer
raalli ahaw.” Ayaad marar badan arkaysaa oday iyo wiil dhalinyaro ah oo
is waydaarsanaya. Macne badan ma laha in da'da la diido oo hore ayaa loo
yidi; “Haddii ay geeriyi ku dayn lahayd gabow ayaan ku daynayn.”
Hasayeeshee waxa muddan in qofku iska war-hayn badan yeesho, in aanu
iska noolaan ee uu ku xisaabtamo inuu jidhkiisu u baahan yahay daryeel
iyo korin, inuu yareeyo amma joojiyo waxa uu arko inay naftiisa halis ku
yihiin.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment