Wuxuu ahaa
safar guure, dheelmasho, galab-carrow iyo kallahaad inta ba isku
darsaday. Waxa aan ka baqoolay magaalada Hargeysa aniga oo u sii
jeeday meel aan muddooyinkaa ba rabay in aan tago. Waxa aan sii
xawaareeyaba gaadhay bartii aan beegsanayay.
Intii aan
dhexda sii socday waxa aan si feejigan isha ula raacayay deegaanka oo
meelo kala duwan oo ka mid ahi ka soo doogeen abaar daran oo hore ugu
dhufatay, halka meelaha qaar weli ay ka sii muuqato raadkii iyo
omoskii abaartu.
Waxa aan ku
safrayey waddada laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo magaalooyinka
bariga ka xiga. Abbaartaydu waxay ahayd Burco. Saacado ka dib ayaan
magaalada Burco gaadhay aniga oo dhawr jeer dhexda ku sii hakaday.
Markii aan nastay meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah ayaan
booqday.
Burco markii
aan cabbaar ah dhex qaaday, waxa aan dareemay in sidii ay xaamiga u
ahaan jirtay in aanay hadda u ahayn: “Burco waxa hadda ka jira
xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin shaqo la'aan baahdan,
dhaqdhaqaaq ganacsigu wuu liitaa, sixir barar wuu jiraa, qiimaha
sarrifka doollarku meel sare ayuu nagu marayaa oo tayadii lacagta
Somaliland way hoosaysaa. Waxa kale oo weli taagan dhibaatadii
tahriibka. Nolosha dadku waa isku jir. Dadku'se wax badan ayay
tebayaan.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse oo deggan magaalada Burco.
Meelaha aan
sida gaarka u danaynayay in aan booqdo waxa ka mid ahayd jaamacadda
Burco siiba kulliyada barashada caafimaadka xoolaha. Hormoodka
kulliyada Xamse Jibriil Ibraahim ayaa ii sheegay in habsami-u-socodka
waxbarasho ee kulliyaddu uu si hufan u socdo. Wuxuu ii kaxeeyey halka
uu jaamacadda kaga nool yahay dameerka ay kulliyad ahaan qalliinkiisa
doorka weyn ka qaateen oo lagu dhex xannaaneedo Jaamacadda, oo Xamse
tilmaamay inay mar kasta la socdaan caafimaadkiisa isla markaana uu
hadda wanaagsan yahay. Dameerkaas oo xaaladdiisa dayacnayd oo hore uu
ummada ugu soo bandhigay weriye Cabidmaalik Muuse Coldoon.
Markii aan
ka soo laabanayay magaalada Burco oo aan maalmo kooban ku sugnaa,
waxa farxad ii ahayd in aanan sidii hore safar-kelinnimo ah soo
gelin. Waxa baaburka aan ku safrayey igu wehelinaysay xaaskayga oo
Burco iiga sii horraysay. Intii aanu dhexda soo soconnay waxa aanu
fursad u helnay in aanu bilicda deegaanka ka boganno.
Inta u
dhexaysa Burco iyo Sheekh waxa jira meelo tigaad fiicani ku taallo
isla markaana ay xareeddu fadhigo. Safarkaa dheer iyo Hargeysa iyo
Burco aanu isaga kala gooshna waa meesha deegaanka Sheekh waa meesha
keliya ee aanu dareennay in raxmaadka roobku maasheeyey, walaw aanaan
laamiga ka degin.
Safarkaasi
xiisaha gaarka ah ee uu ii lahaa waxa ka midaa, dhammaan safaraddii
aan hore ugu tegi jiray Burco waxa aan ka mid ahaan jiray wefti oo
baabuur la wado ayaan saarnaan jiray, ama cidda aanu is raacno ayaa
gaadhiga kaxayn jirtay. Hasayeeshee doorkan aniga ayaa isku tashaday.
Dawgasha Sheekh-na waxay ahayd markii iigu horraysay ee gaadhi aan
wado aan ku maro.
Dad badan
ayaa ka cabsada inay dawga baabuur mariyaan. Waxaana sababaha ugu
weyn lagu macneeya leex-leexadka waddada, haadaamaha dhaadheer ee
qofku dulmarayo, feejignaanta iyo kaantaroolka faraha badan ee qofka
looga baahan yahay. Dadka qaar oo ku dawakha meeraysiga waddadda
dawga dhex maraysa.
Marka dawga
la soo dhaafo ee xagga Berbera loo soo socdo waxa aad kuu soo
jiidanaya quruxda buuraha oo midabbo kala duwan isugu dhafan. Waxa
aad arkaysaa buur istambar ah, mid sibidh ah, mid kale oo aad mooddo
rinji la diyaariyey. Waa khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay
dhulkeenna ku mannaystay. Inta aad dhex marayso waxa aad ka
fikiraysaa sidaa looga faa'idaysan karaa, maxaa looga faa'idaysan
waayay, hawl intee leeg ayay u baahan yihiin adeegsiga khayraadkan
diyaarsan? Iyo dareenno kale.
Inkasta oo
qoraalkani ahaa mid aan si kor-ka-xaadis ah ugaga hadlayay safarkaa
aan dhawaan ku tegay magaalada Burco, haddana waxaan uga dan lahaa in
ay mararka qaar muhiim tahay in safarradu marka uu qofku galo inuu
wax badan kala soconayo xaaladda deegaanka uu ku nool yahay, ta dad
iyo duunyo ba.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment