Goobtan
oo kale oo ku taalla badhtamaha magaalaga Hargeysa siiba afaafka hore
ee dhanka suuqa soo xigta ee jiriijka koobaad ee Hargeysa, haddii aad
timaado waxay indhahaagu qabanayaan shinbiro ku dul taagan xadhkaha
laydhka iyo kuwa telefoonnada ee dusha maraya, qaar dhulka u soo
degaya oo xoonsan.
Cabdi
Xuseen Cawaale waa nin dhinaca midig naafo ka ah, muddo ku siman 20
sannadood wuxuu isu xilqaamay inuu quudiyo oo uu wax siiyo
shinbiraha, eyda, bisadaha iyo dameerada naafada noqda ee aan wax
raadsan karin. Wuxuu hadda u muuqda nin hawshan ka soo daalaya
maadama oo uu naafo yahay, hasayeeshee wuxuu ii sheegay in dadku
barteen oo maalmaha uu maqan yahay inay shinbiraha quudiyaan. Waxaana
uu Cabdi Xuseen u muuqdaa nin ku sifoobay ''U Samo-falaha
Xawayaanka''. ''Ilaahay ayuunbaynu waxa kaga doonaynaaye dee
shinbirahan ma quudin karno mana dherkin karno oo awooddooda ma ba
haynno, haddana ilaahay ayaynu ku baryaynaa. ’’ Ayuu yidhi Cabdi
Xuseen.
Waxa
aan waydiiyey Sideebaad shinbiraha u quudisaa, wuxuuna
ku jawaabay oo uu yidhi; ''Waxa
aan u quudiyaa hadhuudhka iy arabikhida (gellayda) ayaan u soo
qaadaa, waana aan u soo iibiyaa oo dadka ayaan u dhex maraa oo Shanta
boqol ayay ii dhiibaan, kunka ayay ii dhiibaan. Dee sida aan sidaa
ugu dhex marayo ayay naftu iga baxdaa. Waxaana aan shinbiraha
quudinayay saddex sano uun ka reeb intii aynu dalka ku jirnay waa 20
sannadood. Waxa kale oo aan quudiyaa eyda, bisadaha iyo dameeraha
naafaha ah ee caguhu birjeex ku wada go'een, illaa qudhaanjada ayaan
sonkorta gidaaraha ugu shubaa.’’
Shaqadani
waa samo-fal oo wuxuu Cabdi Xuseen sheegay inuu dar ilaahay isugu
xil-qaamay inuu shinbiraha iyo xawaanka kale ee soo raaca inuu
quudiyo. Lacagta uu uu ku iibiyo raashinta uu shinbiraha siiyo ayuu
ka uruuriya dadka, maxay shaqadani dareen ahaan iyo macne ahaan ba
kuu samaynaysaa ayaan waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay; ''Waxay ii
samaynaysaa xagga ilaahay ayay cilmi weyn oo baaxad-weyn ku tahay.
Hawshanna ilaahay mooyee cid kale oo igu wehelisaa ma jirto. Weliba
bidix ayaan ahay oo gacanta midig iyo lugtaba waan la'ahay (naafo) oo
dabayl ayaa iga martay saddex jir kaygii. Lacagta aan wax ku quudiyo
marka aan dadka ka soo uruuriyo iyaga ayaa ka fuuryeelaa (ku
fillaysiiyaa) oo shinbiraha ayaan ka fuuryeelaa, bisadaha ayaan ka
fuuryeelaa, oo dameeraha naafada ah ayaan ka fuuryeelaa, eyda ayaan
ka fuuryeelaa illaa qudhaanjada ayaan ka fuuryeelaa. Markaa dib ayaan
haddana ilaahay ugu shaqo tagaa anigu.’’
Isagoo
naafo ah ayuu haddana maalin kasta Cabdi Xuseen suuqa wareegaa oo
lacagta uruuriyaa, shibnibara, bisadaha iyo aydana quudiyaa, balse
wuxuu hadda dareemayaa in awooddiisii hoos u dhacday. Lacag ka badan
$5 shan doollar ayuu maalin kasta kaga baxda raashinka uu shinbiraha
ku quudiyo; ''Waxay igu qaadaataa wallaahay imika waan daallanahayba.
Waxaana aan u daallanahay waxa aan ahay nin haabeen oo dhan iyo
maalin kasta wareegaya oo cidi uma wareegi karto sida aan anigu u
wareego. Markaa ilaahay ayuunbaa i wada'e awood aan ku soconayaa ma
jirto. Raashinka aan shinbiraha siiyaa waxa weeye arabikhi, basle
kuwa aan xaaffada siinay ku quudiyo oo aan u daadiyo labada
habeennimo waxa aan ugu daraa galaan hadhuudh ah oo shinbirta
yaryarada la yidhaahdo aayaa ku jirta. Raashinka aan shinbiraha u
iibinayo waxa ku baxda maalintii 33000 oo shilling ($5). lacagtana
maalin kasta waan uruuriyaa, mana jirto lacag aa kaydiyo oo aniga
ayaaba bakhtiyaya. Qofka marka aan u tagana wuxuun baan ku odhanayaa
'lacagtii xawaanka keen.' Dadka aan lacagta ka qaadaana waa dad
ilaahay oo wax haysta.’’Ayuu yidhi Cabdi Xuseen Cawaale.
Wuxuu
hadda dareemayaa inuu shaqadan keli ku noqday, inta ogaalkayga ah waa
qofka keliya ee magaalada Hargeysa ku nool ee sida joogtada ah u
quudiya shinbiraha, bisadaha, edayda iyo dameeraha gacaha la' iyo
weliba qudhaanjada oo uu sonkorta gidaaraha ugu shubo. Wuxuu ii
sheegay in eyda iyo bisadaha uu meelaha hilibka lagu iibiyo uu uga
soo uruuriyo sanbobbada iyo hilibyada kale ee hadhaaga ah.
Cabdi
Xuseen waa nin ehelu-diin ah oo masaajidda badhatamaha magaalada
Hargeysa aan laga waayin.
Cidda
jecel inay khayrkaa kala qayb-gaashaana si sahlan ayay uga heli
kartaa agagaarta meesha uu shinbiraha ku quudiyo oo ku taalla meel u
dhaw fooqa-dheer ee shirkadda Telesom ku leedahay biriijka afkiisa
amma huteelka hadhwanaag.
Maadama
oo uu naafo ka yahay lug iyo gacan ma shaqaysan karo oo isaga
laftiisa ayaa qaddar kooban ka isticmaala lacagta uu uruuriyo; ''Reer
ma lehi oo shaqo kale ma qabto oo aan ahayn in xayawaankaa aan
quudiyo. Illaa hadda keligay ayaa hawshan qabta. Waan jeclahay in
hawsha la ila qabto oo la i maal-geliyo. Xilliganna culays badan
ayaan dareemayaa. Culayska aan dareemayaana waxa weeye dee waxa aan
ahay nin naafo ah oo weliba waaxi (dhinac) aanu shaqaynayn isla
markaana aan nafaqo haysan. Maalin kastana shinbiraha waan quudiyaa.
Maalin-maalin ayaan ka yara habsaamaayoo maalintaana dadka ayaa laba
galaan u daadiya oo kuma filna.’’ Ayuu yidhi Cabdi Xuseen, oo
dardaarankan dadka u soo jeediyey; ''Dadka guud ahaan waxa aan u soo
jeedinayaa inay wax ila qabsadaan oo ay arkaan waxa aan qabanayo iyo
waxan aan siinayo (quudinta xayawaanka).’’
Cabdishakuur
Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
No comments:
Post a Comment