Thursday, August 15, 2013

Bandhiga Caalamiga ah Buugaagta oo furmi doona Jimcaha berri


Berri 9.00 subaxnimo ayaa loo ballansanyahay in Guriga Shaqaalaha ee farasmagaalaha magaalo madaxda Hargeysa laga furo bandhiggii buugaagta. Lixdii sano ee la soo dhaafay buu Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, baaxad iyo qiimi ba, soo samaynayey horukac isdaba-joog ah. Mana aha oo keli ah hadda meel haldoor ah oo uu leeyahay fanka Soomaaliyeed e, isla markaas waa mid ka mid ah dabbaaldegyada suugaaneed ee ka dhaca geeska Afrika, kuwa ugu ballaadhan.
Yoolka u mudan ee bandhigga waxaa ka mid ah horumarinta dhaqanka akhrinta iyo qoridda ee dalka ka jirta, iyo soo bandhigidda buugagga qoreyaasha dalka iyo adduunka kaleba, ku-dhiirrigelinta dadweynaha in ay u daawasho yimaaddaan oo akhriyaan buugaagta lana kulmaan oo la sheekaystaan qoreyaasha iyo fannaaniinta. Himiladu waa in ay dadka dhallinta ahi helaan dhaxal aqooneed oo maskaxdooda ku baraarujiya noolaynta qaababka halabuurnimo ee uu aadamigu isku cabbiro, sida sawir-gacmeedka, maanso-tirinta, sheeko-marinta iyo curinta sheeko-masraxeedda.
Bandhigga caalamiga ee Buugaagta Hargeysa waxaa sharaf u ah in uu martigeliyo, waxqabadkoodana dadka soo hordhigo qoreyaal, warfidiyeenno, hal-abuurro, culimo, fikireyaal madaxbannaan iyo fannaaniin heer caalami ah, iyo shakhsiyado dawlado ka socda iyo diblomaasiyiin. Sannadkii kan ka horreeyey waxaa sharaf noo ahayd in aanu soo dhaweyno Nadiifa Maxamed oo ah curiyaha buugga sida weyn loo qiimeeyey ee “Black Mamba Boy”; iyo Mary Harper oo ka tirsan BBC, qortayna buugga “Getting Somalia Wrong”; Dr Georgi Kapchits, af-yaqaan ku xeeldheer aqoonta afsoomaaliga; Saciid Saalax oo ah macallin iyo curiye maansada heesaha soomaaliyeed; Matt Baugh oo ah Danjiraha Ingiriiska u fadhiyey markaa Soomaaliya, madaxa DFID Soomaaliya Joana Reid, madax ka socotey safaaradda ay UK ku leedahay Itoobbiya, ee Somaliland na qaabilsan; Maxamud Sheekh Dalmar, aqoonyahan ku xeeldheer diinta islaamka ahna warfidiyeen la yaqaanno; Helen Conford oo ka tirsan shirkada buug-faafinta ee Penguin; Evan Christopher oo ah hoobal jazka tuma iyo marti kale. Sannadkan waxaa na farxad-gelinaya soojiidashada mudanka maansoyahannada iyo maalgeliyeyaassha oo isa soo taray marka loo eego sannadkii hore. Martida sannadkan iyo buugaagta cusub ee lasoo bandhigi doonnaa waxay ku taxan yihiin barmaamijka sannadkan ee qoraallada danbe ku xusan.
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, bilowgiisii ilaa haddadan, waa goob halabuur oo kulmisa fannaaniinta dalalka jaarka; sannadkan na waxaynu arki doonnaa fannaaniin iyo qoraayo ka socda Kiiniya, Soomaaliya, Jabbuuti, Nayjeeriya iyo Itoobbiya oo soo jeedinaya waxqabadkooda ay kaga qayb-qaadanayaan doodda fikirka iyo fanka ee sida qotoda leh uga socota qaaradda Afrika. Waxa ayana iman doona wafdiyo reer Yurub iyo Ameerika ah, ayna ku jiraan qurbojoogga Somaliland iyo Soomaaliya iyo dad ah hormoodka ganacsiga.
Bandhiggu waxa uu dooranayaa dalka marti sharafka bandhigga noqonaya. Waxaanu aad u xiisaynaynaa aqoontooda iyo wacyigooda ku saabsan dhismaha siyaasadeed, dhaqanka iyo suugaanta dalalka Afrika. Sannadkan marti sharafku waa dalka Kiiniya oo ay inooga imanayaan dad ina la wadaaga haldoorrada dhaqanka iyo suugaanta dalka Kenya.
Haddaba Redsea iyo bahdoodu waxay ku faraxsan yahiin in ay kugu martiqaadaan Bandhigga Buugaagta ee sannadkii lixaad Hargeysa lagu qabanayo, oo dhici doona 16ka ilaa 21ka Ogos, 2013, waxana iyaga iyo martida isaga iman doonta daafaha adduunka iyo kuwa dalka joogaaba ay idin leeyihiin gacmo furan kusoo dhawaada.
heersaremuxumed.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment