Inta
badan dadku waxay dhibsanayaan gardaradiisa, meel-ka-dhacyadiisa iyo
khaladaadkiisa isdaba joogga ah. Wuxuu ka arradan yahay degenaanshaha
iyo ka fiirsashada wax yaabaha qarribaya hab-dhaqanka suubban ee
suurtagelinaya wada noolaanshaha bulshada. Waa qof mar kasta ku jira
dirir iyo difaac. Dulqaadkiisa iyo cadhadiisu way kala awood badan
yahiin oo waxa mar kasta hogaaminaya dulqaad yaraanta. Qofka
astaamaha noocan oo kale lehi wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ku
sifooba inay ku yar tahay garawshiyuhu, isla markaana xilli kasta ka
qoomameeya godobaha uu galabsado.
Garawshiyaha
iyo godobtu waxay doorar kala duwan ku leeyihiin nolosha
maraaxilladeeda kala duwan. Waxay labaduba horseedaan guul iyo
guul-darro la soo derista geeddi-socodka nololeed ee qofka. Inaad ku
noolaato nolol dhawrsoon oo dhidibadeedu adag yihiin waxa hirgeliya
“Garawshiyaha.” Inaad cidhiidhi iyo cuqdad ku noolaatana
waxa abuura “Godobta.”
Qodobada
garawshiyaha
1-fikir
furan
2-
feejignaan fiiro ku dheehan tahay
3-
Ficil aan degdesiiyo lahayn
4-
Garasho mugleh
5-
Hal-abuurnimo iyo hubsasho
6-
Go'aan qaadasho deggan iyo dul-qaad
7-
Xaqdhawr
8-
ka digtoonaanta xasaradaha godobta abuura
9-
Xidhiidhinta iyo xod-xodashada toolmoon ee dadka
10-
Iska ilaalinta xaasidnimada dadka kala fogaysa
Qodobada
godobta
1-
Dagaalka joogtada ah
2-
Meel-ka-dhacayada iyo xad-gudubyada
3-
Nacaybka iyo naxliga
5-
Khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada
6-
Ka-talinta masiibooyinka dadka kala dila
7-
Ku tumashada xuquuda dadka
8-
Xaqiraadda iyo handadaadda
9-
Faquuqa amma takoorka
10-
Keligii noolaha dadka neceb ee dantiisa uun ka taliya
Waxa
laga hayaa gabay xaddi; “Soo godobi suritaankaad martaba, sabab
qarsoon mahaa.” Meeriskani wuxuu hoosta ka calaamadinayaa in
godobtu aanay hadhin, aan la illaabin isla markaana aanay duugoobin
illaa la iska cafinayo. Natiijada ka dhalata godobta waxa kale oo
daliil u ah meeriskan ku jiray gabay uu muddo hore tiriyey Cabdi
Gahayr; “Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye, caruurtay
kallaysaa ninkii caano baas dhama'e.”
Marka
uu qofku miciinsado garashada kana dhigto tusmo uu ku socdo, wuxuu
yeelanayaa garawshiyo dhammaystiran. Haddii aad aragtaan qof marka
wax loo sheego ka fiirsanaya, ka baaraandegaya kana keenaya su'aalo
iyo hubsiimo, waxa aynu qofkaas ku tilmaamaynnaa “qof garawshiyo
ehel u ah.” Abwaan Salaan Carrabay ayaa isna sidan gabay ku
yidhi; “Xaajona gungume loo faqo iyo garaw hadday waydo,
Gabagabaha hal aan gaaxsaday ayaan gun uga yeelaa.” Waxa Salaan
gabay ugu martaaqi furaya Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir);
“Gashi kaa ma naqnaa iyo ma majirin godob la raadshaaye, Ummad
yahay garawsada, xaqaa lagu gayoodaaye.”
Haddii
aad aragtaan qof daan-daansi badan, aflagaadada ku daran, dagaalka
jecel, dad la dhaqanku ku yar yahay, keligii noole ah, mar kasta
jecel inuu aarsado oo aan waxba cafinayn, waxa aynu qofkaas ku
tilmaamaynaa “qof gobobta ehel u ah.”
Waxa
aynu hadda qayb ka soo qaadanaynnaa maansada Indheer-garad ee ay
tirisay Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) oo iyada lafteedu si mug
leh u cabbirtay mawduucan aynu ka hadlayno:
Garaad
iyo ruux aqoonli
Intaan
gole looga yeedhin
Gartiisuu
sii naqdaaye
Afgudhiyoow
maalintayda
Haddaan
tayduun u guuxo
Haddii
aan giijo madaxa
Go'aanka
digteetar qaato
Galkiyo
kala saaro seefta
La
soo baxo micidii goodka
Gawskiyo
dalqadii libaaxa
Wixii
loo gaysto qarankan
Afkooda
ku goosanaaya
Haddii
aan ciidan geliyo
Ku
gura xabsiyada Idhaahdo
Haddaan
gardarrada xal moodo
Garawshona
yeelan waayo
Guutooyin
haddaan rabbaysto
Haddii
la'i daba gebleeyo
Haddii
lay guul-wadeeyo
Isgaadhsiintu
iga baqato
Saxaafadda
jeelka geeyo
Anigay
ku go'daa idhaahdo
In-dheer-garad
ku ma bannaani
Inkasta
oo maansadani tahay mid dheer haddana qaybtan ayaa innaga qusaysa oo
inoo sheegaysa waxaynu garashada uga baahan-nahay. Waxay qaybtani
hogatusaalaynaysaa heerarka garawshiyaha. Waxay muujinaysaa in
garashadu aanay ahayn in qofku keligii isku koobo garaadka iyo
aqoonta. Waxay iftiiminayaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee
in-dheer-garadnimadu ku leedahay geeddi-socodka nolosha qofka
beni'aadanka ah. Garashada iyo aqoontu ha ahaadaan kuwo kugu
hogaaminaya garawshiyaha, balse yaanay noqon kuwo kuu horseeya isla
waynaan iyo inaad dadka garaadkooda yasto/hoos u dhigto.
Sida
aynu qodobada hore ku soo sheegnay khiyaamada, beenta iyo
ballan-darrada intuba waxay ka mid yihiin shidaalka iyo xaabada ay
godobtu ka abuuranto amma ku tiirsan tahay. Waxay horseedaan nacayb
iyo kala fogaansho dadka soo kala dhex gala. Waxay dilaan
is-aaminaada iyo isu hilawga bulshada. Waxaa hore inoogala dardaarmay
in aynu ka fogaanno nebigeennii suubanaa ee Muxamed (NNKH) oo inoo
sheegay in saddexdooduba ka mid yihiin calaamadaha munaafaqa. Waxa
hubaal ah haddii uu qofku ka dheeraado khiyaamada, beenta iyo
ballan-darrada in dadku jeclaanayaan isla markaana aaminayaan.
Qolyaha
siyaasiyiinta ahi marka ay ku guda jiraan ololeyaasha ay dadka ku
kasbanayaan, waxay sameeyaan ballan-qaadyo badan oo ay dadka ku
beer-laxawsadaan, kuwaas oo marka la gaadho xilliga
ballan-qaadyadaasi fuli lahaayeen badankoodu beenooba. Arrintaasi
waxay sababtaa in siyaasiyiin badani godob ka galabsadaan
dadweynaha, taas oo dhaawac xun gaadhsiisa sumcaddooda iyo damacooda
siyaasadeed. Waxaana meesha ka baxda is-aaminadii shacabka iyo
siyaasiyiintaas.
Godobaha
aan inta badan hadhin ee uur-ku-taalada iyo damaqa reeba waxa ka mid
ah; Godobta dhagarta amma dadka sida xun ee axmaqnimada ah loo dilo,
godobta jacaylka, ta jinsi-faquuqa (takoorka), godobta haweenka ka
dhalata sida gabadh si jees-jees ah loogu diiday nin gayaankeeda ah
oo ay is-calmadeen iyo godobta ka dhalata marka la laayo
bir-magaydada. Godobahan iyo qaar kale oo aynaan xusin-ba waxay ka
mid yihiin waxyaabaha buldhada deegaan-wadaagta ah kala fogeeya.
Abwaan
Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa isuguna maansadiisa TAAMILO
wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha nuxurka qormadan. Waxa
uu tilmaamayaa dhibta ay leedahay in dadka la xaqiro, la qiimayn
waayo, la iska waynaysiiyo. Waana meelaha ay ka abuuranto godobtu.
Ha
tiiftiifin noolaha
Ha
ku tuman asaagaa
Ha
tandhaafin digashada
Hadba
hadal tumaatiya
Tiiqtiiqsi
ha u odhan
Arxankiyo
tudhaaluhu
Yaanay
kaa tafiir gu’in
Qoor
taagga kibirkiyo
Qabku
yaanu kula tegin
Ha
is taawin aadmiga
Tayo
inad wax dheertahay
Qof
ku taray wuxuu taray
Ha
ka dhigin bar kuma taal
Xurmo
waa tixgelinteedee
Taalladeeda
muunee
Qofka
kuu tanaasula
Sida
taayir ha u marin
Dadku
waa tolkaa iyo
Ciddii
aad ka tarantee
Tafaraaruqoodiyo
Ha
ka talin wax dhaawaca.
Abwaan
Weedhsame wuxuu mar kale si toos ah isu dul taagaayaa nusqaanta ay
leedahay in godobta lagu tarsheego, in dul-qaadka iyo wanaagga laga
taliyo. Waxa uu dadka xasuusinayaa in mar kasta laga taliyo dhanka
xalka lagana dheeraado gocoshada iyo xinka.
Ha
ku taamin godobaha
Ha
tafniidin boogaha
Hana
tuulan gocoshada
Tibta
eelka ha ku durin
Tif
wax leegna ha u dudin
Dul
u yeelo tabashada
Xalka
taabka ha u jarin
Xinka
toorey ha u tuman
Berri
teello u yar dhigo
Wax-san
taako uga durug.
Haddii
aynu ku soo dhawaanno gunaanadka qormada. Waxa cad in aynu dhinacyo
badan iska taagnay Garawshiyaha
iyo Godobta oo
ah laba hab-nololeed oo qof kasta oo beni'aadan ah hor yaalla. Waxa
aan jeclaystay in aan qoraalka ku soo afmeero qayb aan ka soo qaatay
gabayga GUDGUDE ee uu hal-abuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame
(Hadraawi), kaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha
waayaha iyo geeddi-socodka
nololeed ee dadku la kulmaan gaar ahaan garawshiyaha:
Nin
dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataayeGobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo
Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye
Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin
Guddoonkaaga
reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Cabdishakuur
Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Hargeya, Somaliland
No comments:
Post a Comment