Ku soo dhawaada soo saaristii 2aad ee documentary filimkii
HALKII AAN KA IMI. Maadaama oo aan kii hore ku soo bandhigay dhibta waxbrasho la’aanta miyiga oo aan
tusaale ahaan u soo qaatay meeshii aan ku dhashay ee aa ku hana-qaaday
(Dhooboweyne), qaybtani waxay xanbaarsan tahay xalal jawaab u ah dhibtii
waxbarasho la’aanta ee deegaanka Dhooboweyne iyo miyiga kaleba.
Markii uu soo baxay HALKII AAN KA IMI 2AAD, afar bilood
gudahood ayaa dadka deegaanka Dhooboweyne oo ahayd meesha aan filimka ka
sameeyey waxay guddoonsadeen inay dhibtaa waxbarasho la’aanta ka tashadaan,
isla markaana ay xal ka gaadhaan. Waxaana ay guddoonsadeen inay geed hoostii
ood-dhigaan oo ay waxbarashada ka bilaabaan. Iyadoo wiilkii documentary
filimkaa hore xuddunta u ahaa ee Mawliid Xasan Macallin na uu deeq waxbarasho
helay.
cabdiheersare01@hotmail.com, heersare2009@gmail.com