Cabdiqabi Xuseen Xasan
waa wiil 16 jir. Waxa uu ku nool yahay degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada
Hargeysa. Waa wiilka ku dhaqaaqay
tallaabada nafhurnimada ah ee uu ku badbaadinayey labada nafood ee kale. Waxana
uu hawlgalkan badbaadinta ah sameeyey dhawaan markii roobka baaxadda weyni ka
da’ay magaalada Hargeysa, ee daadku qaaday qoyskii deggennaa balliga
Qudhacdheer ee is la degmada Maxamuud Haybe ee magaalaada Hargeysa.
Friday, May 4, 2018
Naftiisa Ayuu Halis U Geliyey Si Uu U Badbaadiyo Nafo Kale. WQ: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)
Waxa uu mar qudha qaatay go’aan halis badan oo aan ka noqosho lahayn. Waxa uu damiirkiisu siin waayey inay hortiisa ku dhintaan nafo isaga la mid ahi. Go’aanka uu qaatay waxa uu u dhexeeyey geeri iyo nolol, guul iyo guul-darro, oo guusha uu gaadhi doonaa waa badbaadinta nafo qarka u saaran inay qudh-baxaan.
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Waxa muddooyinkan la arkaa in Hargeysa noqotay magaalo cagta saartay jidkii horumarka iyo dhismaha. Waxay si mug leh uga soo kabanaysaa...