Waxa ay
dhagax ku dileen saaxiib, aan is lahaa mar uun booqasho ugu tag. Gacal ha
waayaane, gunta ayey ka gooyeen, astaan qalbigayga ku dhex taallay. Ilaa
maalintii aan bartay, wuxu ii ahaa bartilmaameed aanan ka daali jirin. Is maan
lahayn sidan arxandarrada ah ayaa loo galaafan doonaa, oo waxan u haystay in
dadka la nooli iiga damqasho badan yihiin. Illayn waxa ku jira, qaar aanu
agtooda qiimo iyo qaayo toona ku lahayn. Waxan is lahaa, markii gefka loo la
tegay, waa laga xaalmarin doonaa, oo kuwii meesha ugu tegay ee ku xadgudbay,
tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, bal se laba Cali ba is may waydiin!. Wax wal
ba waxa igaga xanuun badan, sidii dhadhaabta laysu la dultaagay ee aad moodaysay
in ay cadaw halis ah is ka caabinayeen. Ha ba dilaan'e, waxa iyana xanuun iyo
gabboodfal ba ahayd, muuqaalkii jeesjeeska ahaa ee laga duubay, markii sida
axmaqnimada ah loo sadqaynayey saaxiibkan nacabku helay. Markii aan muuqaalka
arkay, waan u qaadan waayey! Aniga oo naxsan ayaan gujiyey, si aan u eego waxa
uu ku saabsan yahay. Ha ba gujin lahaydaa! Markii uu dhagaxa is la ka la jiiday
ee uu ku dhuftay, ayaan hinqaday oo aan is mooday in uu aniga igu dhacay. Aniga
oo amakaagsan, oo ka yaabban falkan cadawtinimada ah, ayaan raadiyey in aan la
xidhiidho asxaab aan ogaa in ay iga la dareen yihiin dhacdadan, si aan u la
qaybsado muragada iyo uurkutaallada.Markii geedka (Mooli} uu meesha ku yaallay iyo
markii la dilay
Sawirrada: Yuusuf Daahir iyo Xasan Dallac
Saaxiibkan
aanu weynay, waxa uu ahaa astaantii buurta Daalo. Wuxuu ahaa geed sida uu u
baxay, halka uu ka baxay iyo nooca uu yahay ba ay cibro ku duugan tahay.
Magaciisa waxa la yidhaahdaa "Mooli", oo wuxu ka mid yahay dhirta sii
dabargo'aysa ee ku yaalla Somaliland Soomaaliland. Waa geed faa'ido u lahaan
jiray dadkii hore, oo waxa uu leeyahay xabag la manafacaadsado; waxa kale oo
laga samaysan jiray agab guryaha la dhigto. Hadda ku dheeraan maayo sida loo
adeegsan jiray, ee waxay abbaartaydu tahay sidii uu geedku caanka u noqday, is
la markaa na uu saamaynta u yeeshay.
Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare" Sawirka: Cabdicasiis Cumar Haarriye |
Geedkan,
waxaan bartay xilli aan filayo in ay ahayd 2010, markaa oo uu soo baxay buug la
yidhaahdo "Qaylodhaan Deegaan" oo uu qoray aqoonyahan Axmed Ibraahin
Cawaale; ah na deegaanjire aqoon durugsan u leh deegaanka. Sawir uu ii sheegay
in uu geedkan la gooyey ka soo qaaday 2009, ayuu buugga jeldigiisa kore ku
dhejiyey. Maalintii aan arkay ba, waxa iga yaabisay sida uu geedkaasi u baxay
iyo halka uu ka baxay. Amarka Ilaahay, iniintii uu geedkaasi ka baxay, waxay ka
soo mudhay dhadhaab isa saaran iyo gidaar dhagxaan ah; hadda na la moodo derbi
la dhisay. Sida muuqatay, markii uu geedku soo baxay ee uu miisaan yeeshay,
ayaa jirridiisu may adkayn'e way liicday, oo wuu go'i lahaaye waxa sii deyn
waayey xididdada. Waa na sababta uu geedku dhiicada u lahaa. Halkaas ayuu wax
kasta oo dhib u geysan lahaa kaga badbaaday, Ilaahay amarkii. Derbiga uu ka
laalaaday ilaa dhulka la gaadhayo, qiyaas ahaan dhawr boqol oo mitir ayaa ka
hoosaysa. Xagga sare na, waxa uu u jiraa ilaa saddex mitir. Markii ay dad
badani arkeen sawirka laga soo qaaday, ayuu caan noqday, oo wuxuu ku biiray
astaamaha buurta Daalo iyo gobolka Sanaag ba. Waxa uu ka mid ahaan jiray
waxyaabaha la soo daawado, marka dalxiiska loo tago Daalo. Anigu mar na nasiib
u maan helin in aan booqdo, in kasta oo aan tegay meelo ka mid ah gobolka Sanaag
oo Ceerigaabo ku jirto, hadda na waxan ka fikirayey in aan mar uun indhaha soo
saaro, oo aan waqti la soo qaato.
Axmed Ibraahin, waxa uu ii sheegay in wixii geedku ka qaylinayey (baabiinta deegaanka iyo dabargoynta dhirta) in isaga lagu fuliyey. Jarkii uu duurjoogta iyo xoolaha ba kaga nabadgalay, ayay dadku ugu tegeen, oo halkii laga xaalmarin lahaa xasaraddii loo la tegay, ayaa isagii xawda la dhaafiyey. In uu soo bixi doono mooyi; haddii se uu dib u soo baxo, oo halkii ay jirridiisu ka go'day uu ka soo bidhiiqo/biqlo ama geed cusubi ka soo baxo, in uu sidiisii noqon Ilaahay ayaa og, laakiin sannaddo badan ayey ku qaadanaysaa in uu taabogaloadkaado. Waxaa se intaa ba ka horraysa, in uu marka hore xabagtiisa is ku dhaawactiro, si ay jirridu uga soo kabato jugtii gaadhay.
Axmed Ibraahin Cawaale Sawirka: Kaydka Axmed Ibraahin |
Bishii
Julaay ee sannadkan (2020) ayey ahayd, markii ay Mooligan dhallinyaro kibir u
la tegeen, iyagoo inta ay naftooda halis geliyeen, geedkaa haadaanta ka
laalaada is ku soo dul sawireen. Markii uu sawirkaasi soo shaacbaxay, ayaa siyaabo
ka la duwan looga falceliyey. Waxa dadka taabatay dhallinyaradaa naftooda
khatarta ku biimaysay, is la markaa na sawirkaa geedka lagu soo galay uu dhib
horseedi doono. Dad ka la duwan, ayaa geedka u arkay in uu halis yahay, nafo na
uu galaafan doono, haddii aan tallaabo laga qaadin. Kuwo kale, waxa iyaga na u
muuqatay in geedka iyo dadka la ka la badbaadiyo, oo laga gaashaanto waxyeello
kasta oo iman karta. Dadka dadaalka danbe waday waxa ku jira, Axmed Ibraahin
Cawaale, oo markii uu sawirka arkay ba olole ayuu galay, isaga oo ii sheegay in
uu diyaar lahaa wixii qarash ku baxaya in deyr lagu xidho, halka geedka laga
gelayo, si aanay cid danbe ugu dhawaan ama aanay u fuulin. Hidisahan na waxa uu
la socodsiiyey wasiirka wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, Shukri Xaaji
Baandare. Tallaabadaa fiican ee uu ku dhaqaaqi lahaa Axmed, waxa ka soo
hormaray, go'aan ay gaadheen dhankii kale ee geedka cadawga u arkayey. Waxay
guddoonsadeen in geedka dhagax lagu dilo. Waxa go'aankaa khaarijinta ah fuliyey
askar ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland. Waxay is tuseen in ay
dhallinyarada halista ka badbaadiyaan, se geed qaaliya oo mudnaa in ay dhawraan
oo ay badbaadiyaan, ayey haadaan ka tuureen. Way ka qabyaaladeeyeen saaxiibkay,
oo caqli ku may darin waxii ay garaadkooda ku la faqeen!
Marka la
soo ururiyo, waxa geedkan muhiimka ah loo galaaftay, nafta dadka ayuu halis ku
yahay. Waxa meesha ka muuqata in aan si cilmiyeysan iyo sida caqliga saxda ahi
sheego, aan hawsha loo fulin. Laakiin loo fuliyey si degdeg oo ay caaddifadi ku
jirto. Waa run oo dadka ayaa ka muhiimsan geedka, bal se halkaa lagu joogsan
maayo, ee waxay ahayd in si deggen oo aqoon, masuuliyad iyo tudhaale ku dhisan
in xalka loo raadiyo. Fursad ba la ma siin in ay xaaladda ka arrinsadaan,
guurtida dadka iyo ta dhirtu ba. Haddii ay labadaa dhinac is hor fadhiisan
lahaayeen, waxay soo saari lahaayeen go'aan lagu wada farxo. May se dhicin, oo
iyadoon wax gar ah la dhegeysan, la baadhin gefka dhacay, ayaa koox
isxilqaantay, waxay guddoonsadeen in geedka la gooyo. Halka innamadii yar yaraa
ee geedka denbiga ka galay, aanay cidiba la xisaabtamin. Iyada oo ay ahayd in
sharciga la la tiigsado. Waxan se filayaa, markii ay arkeen sida looga naxay ee
looga falceliyey, falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen, ee sababta u noqday in
Mooligaa astaanta ahi meesha ka baxo, in ay ka qoomamayn doonaan, is la markaa
na ay raalligelin bixin doonaan-waa haddii in uun damiir iyo dareen ku
hadhay’e. Askartii geedka goysay, waxa looga fadhiyaa in ay magtii geedka
bixiyaan; ama taliskooda ha la kaashadaan ama iyagu ba ha is ku tashadaan. In
kasta oo aan la garanayn magta geedku inta ay noqonayso, hadda na waa in ay
bixiyaan, oo ka la tashadaan guurtida dhirta (wasaaradda Deegaanka iyo
deegaanjireyaasha madaxabannaan). Waa na in ay magtaa ku wareejiyaan wasaaradda
Deegaanka. Sida oo kale, waa in ay beeraan geed cusub oo Mooli ah (Haddii ay
suurtagal tahay, haddii kale se, waa in ay tiro dhir ah ay magdhaw uga
dhigaan), ku na beeraan meel u dhaw halkii ay geedka ka gooyeen.
Ugu
danbayn, hore ayeynu deegaankeenna u waxyeelaynaye, caqligu ha shaqeeyo,
aqoonta iyo lexojeclada deegaanka kor ha loo qaado. Sida aynu ugu heellan nahay
teenna gaarka ah, aynu ta guud na muhiimad gaar ah siinno; sida aynu xoolaheena
iyo hantideena ba ugu damqano, aynu deegaanka iyo duurjoogtaba ugu damqano.
Ciddii dhib iyo hagardaamo ku haysa na, meel ha looga soo wada jeedo.
Masuuliyadda iyo sharciga na ha la dhawro, oo yaan jaantaarogan iyo
kaalinqaadasho la'aan wax loo qaban. Waxa mudan in la helo sharci gaar ah oo
xakameeya Aadamaha si aan gefaf kan oo kale ah ugu kicin, dhir ay yar tahay
sida lagu hela u galaafan.
Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"
cabdiheersare01@hotmail.com